SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hooyo Inankeedii uu kaga baxsaday, Xeebaha lagu dabaasho mid kamida.

Hadii waalidkaa inta aad kaxayso aad ambiso, isla markana aad cidlo ku tuurto, maxay ayaad dareemaysaa,balse ma losocotaa in ay jirto qof inta uu waalidkii oo qof wayn ah kaxeeyay kadibna kaga tagay dhul aanay cidna ka garanayn kagana baxsaday.

Sheekadaan murugada leh ,waxay ka dhacday dalka Sweden, waxayna ku dhacday hooyo Soomaliyeed ,waana sheeko ku yaab galin doonta,waa sheeko aad ka dheehan doonto naxariis-darada dhalinyarada qaar ka mida ay waalidkood u gaysanayaan,kadib markii nin dhalinyaro ahi uu Hoyadii oo qof wayn ah,meel aanay cidna ka garanayn inta uu fadhiisiiyay uu kaga baxsaday.

Sheekadaan waxaa ka sheekeyn doona nin joogay meesha uu hooyadaasi dhibku ku gaadhay,waana kan isaga oo inooga warama sidii ay qisadani u dhacday iyo waxyaabihii layabka laha ee uu la kulmay.

Waxay ay aheyd maalin duhur ah,waxa aanu wada soconay qofkale ,iyada oo aanu maraynay meel xeeb ah oo ay dadku ku dabashaan,madamaa ay tahay xiligii samarka ama kulaylaha ee wadanka Sweden.

Waxa aanu aragnay qof dumara oo aanu u malynay in ay tahay qof wayn oo kaligeed meel cidla ah iska fadhida,aad dareemaysana in aanay waxba ka garanayn goobtan ay fadhido,waxa kaloo u dheeraa in ay ahayd qof u baahan in la hayo lana ilaaliyo.

Sidii aanu usoo soconay ayaanu kusoo leexanay, waananu u nimi, waxaana weydiiyay sababta ay meesha u joogto iyo cida keentay, waxay iigu jawaabtay "Eedo wiilkeygii ayaan sugayaa oo ii soo laabanaya.

Waa arin layaablahe, iyada oo ay noo muuqato dhibta iyo rafaadka ka muuqda islaanta, ayaanu ka tagnay,xilli ay ku dhawdahay duhurkii ayaanu hadana isla wadadii aanu soo marnay,waxaanu markiiba isha ku dhufanay islaantii oo halkii aanu saaka kaga tagnay hadana kanbadhuudha,walibana aad moodo in aanay dhinacna uga jeedsan jahadii ay fadhiday,waayo maba awoode in ay jeedjeedsato.

Meesha Islaantan lagaga tagay,dhamaan dadka fadhiyaa waxa ay yihiin kuwo haysta cabitaano iyo cuntooyin,balse ilaa hada ma aragno wax cunto iyo cabitaana oo Islaantii loo keenay ama horyaalaaba iyo cid kusoo noqotaytoona,waxa aanu dareenay in ay haraad iyo gaajo aad u ba'ani ay hayaan.

Ilahay amarkii markiiba dhankeeda ayaan usoo degdegnay anaga oo talaabo dheereynayna ,intii anan waxkale waydiin ,waxa anu ku nodhi ,Eedo wax ma cuntay masa cabtay,kadibna waxa ay iigu jawaabtay maya,gaajo iyo Haraad ayaan la il-daranahay,cuntana waxaa igu danbaysay Saaka.

Meel aan sidaasi iiga fogayn ayaan ku cararay kadibna waxa aan ugasoo Iibiyay waxyar oo markaasi ay nafta ku qabato,si aanay gaajo ugu dhiman,way adag tahay qof waayela oo cimrigeeda oo kala ahi in uu ilaa xiligaa cunto la'aado.

Intaasi markii aan siiyay ayaan agteeda fadhiistay,waxa aan waydiiyay,sababta uu Inankeedi ama wiilkeedii uu ilaa xiligan uga maqan yahay,kadibna waxa ay noogu jawaabtay Eedo waa uu imanayaa Isha Allah ee idinku iska taga.

Markii ay intaasi tidhi,ayaa waxa aan argay Warqad yar oo gacanteeda ku jirta,kadibna waxa aan waydiiyay waxa ay tahay Warqadani,waxanay ku jawaabtay Inankaygii ayaa iiga sii tagay ,kaasi oo igu yidhi ,qofkasta oo kula hadla warqadaasi u dhiib inta aan kuu imanaayo.

Waxa aan ka qaaday warqadii kadibna waxa aan guda galay in aan akhriyo balwaxa ku qoran,waxaana igaga soo baxay hadal ku qoran luqada Swidhishka balse macna ahaan Somali noqonaaya "fadlan qofkii arkaa duqdaan waayeesha ah hageeyo meelaha lagu hayo dadka da'da ah, inta ay ka dhimanayso"

Waxaa ii cadaatay in Hoyadan aadka u da'da ah uu meeshan kaga baxsaday inkaarqabahii ay dhashay,una arkay in ay noloshiisa iyo farxadiisa ay kala dhimayso,iyada oo tacab iyo rafaad markii hore kusoo korisay sida ay noo sheegtay.

Waxa aanu ka kaxaynay goobtii iyada ahayd,waxananu geeynay goobtii markaasi aanu ku noolayn,waxa ay nagu noqotay arin fajaciso ah,waaxaana nagu adkaatay in aanu aragno arintan oo kale oo qof Somali ahi uu walidkii ku sameeyo.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment