SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

God ayaan u qoday,waayo Siyasiyiintu way been badan yihiin!

Wakhtiyadan danbe dadka Somalidu siyaasiyiinta sas iyo nacayb ayay u qadeen,waxaana taa keentay ,kadib markii ay arkeen in markasta ay beentoodu ay badan tahay,taas awadeed ayaa waxa adag in markasta la rumaysto ninka siyasiga ah hadalkiisa iyo balan qaadkiisa.

Hadaba arintani nacaybka hada loo qaaday siyasiyiinta, kuma eeko oo kaliya dadka Somalida, balse hada waxaaba jira in dunida meela badan oo ka mida laga soo nacaayo,sababta oo ah markii laga waayay wax horumar ah oo la taaban karo.

Nin Beerayla ahaa,kana mida dadka aadka u neceb nimanka siyasiyiinta ah,ayaa Beertiisa waddo wayn oo ag maraysay,ayaa waxaa shil ku galay babuur ay wateen niman siyasiyiin ahi,kuwaasi oo dhimasho iyo dhawac halisaba yeeshay.

Ninkii Beeralayda ahaa,markii uu arkay in ay nimankani galeen shil aad u xun,ogadayna in ay yihiin niman siyaasiyin ah ,ayaa waxa uu sameeyay inta ii gadhigii ay shilka ku galeen kasoo dhex guray,dhamaantood waxa uu u qoday god dheer kadibna waa uu ku wada aasay.

Xaladaasi ka bacdi ayaa waxa goobtii yimi Boliskii,waxanay arkeen gadhigii shilka lagu galay oo kaliya ee meesha foorara,kadibna waxa ay u tageen odaygii ay beertiisu wadada ku dhawayd ,waxanay waydiiyeen,halka ay qabteen nimankii babuurkan shilka ku galay.

Odaygii waxa uu ku jawaabay in uu dhamaantood god u wada qoday kadibna uu ku aasay,booliskii oo yaaban ayaa waxa ay ku yidhaahdeen ,dhamaan dood mayaad aastay? waxa uu yidhii haa hal qofna kamaan reebin,boliski ayaa ku celiyay, markaad aasaysay hal qofna miyaanu ka noolayn,waxa uu ugu jawaabay haa qaar badan ayaa noolaa oo igu lahaa waar waanu noolnahaye ha na aasin.

Bolisku waxa ay mar sadaxaad ku yidhaahdeen,hadiiba ay noolayeen isla markana ay kula hadleen maxaad u aastay ? waxa uu odaygii ku jawaabay, waxa aan u aasay ,waxa aan ogahay in ay been sheegayaan ,waayo waad iska taqanaan siyaasiyiintu waa been-badan yihiin.

Runtii waa arin aad u layaab badan,waana arin laga naxo hadiiba ay siyasiyiinta iyo dadka ay matalayaan ay ilaa xadkaa kala aamin baxaan,taasi waxa ay keenaysaa in uu dadka iyo dalkuba uu baa'ba'o waana mida maanta ina haysata.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment