SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Reer Somaliland-now Bajuuni maaha cay, balse waa Qabiil jira!!

Waxa aad moodaa wali in aanay Somaliyi aanay isbaran, xataa hadii ay muddo dhawr iyo labaatan sano ay dawlad wada lahayd,inkastoo aanay khasab ahayn in aad qabiilkasta halka uu kasoo jeedo aad barato,hadana waxaa kugu waajiba in aad ogaato kalmada aad ku hadlaysaa asal ahaan meesha ay salka ku hayso.

Xaqiiqda hadii aan la iska indha tirayn, dadka reer Somaliland ,waxa aad mooda ,in ay waxbadan ka dhacsan yihin, dhinaca adeegsiga magacyada qabiilka ,ee ay u yaqaanaan cayda ,ama ay dhalintu si khaldan u isticmaasho.

In badan waxa aan maqli jiray,iyada oo marka dadka qaar ay wax iska sheegayaan,gaar ahaan dhalin yarada laysku leeyahay ,bal tan xun ee baajuunta ah eeg, saxiib Baajuni waa qabiil dega Jubiyinka ,lehna dhul iyo meel ay degan,

Waxa aan islaa wakhtigan casriga ah ee aynu ku jirno, dhalinyarada Somaliland,wax badan ayaa uga baxay,dhanka erayada badankooda ay adeegsadan,waayo waxa aan xasuustaa,iyada oo dhulkaa Somaliland inta badan lagaga hadlaayo ama la isku cayaayo magacyo iyo abtirsiin ay qabiilo leedahay sida Bajuunta.

Inta badan dhalinyardu marka ay isticmalayaan magacyadaasi qabiiloyinka,maha in ay ku xumaynayan dadkaasi,balse waa aqoon iyo garasho la'aan,ka haysa waxan ay ka hadlayaan ,waxaase loo baahan yahay in eraykasta oo la isticmaalayo la raadiyo halka uu sal ku leeyahay.

Hadaba markii aan arkay in aad loo isticmaalo,magaca qabiilkaasi Bajuunta, ayaa waxa ay igu kaliftay, in qoraalkan yar ee kooban aan ka diyariyo si aan dhalinta Somaliland ugu iftiimiyo in Bajuuni ay qabiil tahay,si ay arintasi uga taxadaraan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment