SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Layaabka maanta : Martidii guriga ii joogtay ayaan Tuug u maleeyey !!

Ninbaa iiga sheekeeyey qisadan waxa uu ku bilaabay: Waxa aan joogay Gurigayga waxa si kadiso ah ila soo hadlay nin aanu saxiib nahay ,kaasoo iga codsaday in aan marti galiyo isaga saxiibkii oo anaan anagu aqoon isu lahayn,anna waan ka aqbalay waxaanan keenay gurigayga.

Sharaftii iyo karamadii ay martiyi lahayd ayaan kuso dhaweeyey,cunto ,cabitaan iyo halkii uu seexanayeyba waa aan ku sooryeeyey.Waa iska xaal aduune saxiibkii martida ii ahaa waxa aan ugu talagalay in aan ku seexiye Sariirtii kaliya ee aan ku jiifsanaayey,aniguna waxa aan qorshaystay in aan kor seexdo Kursi guriga ii yaalay.

Inta badan dadka qurbaha jooga waxaa isaga caado ah in ay jeclaystaan sheekada hadba qofka markaasi ay isku cusub yihiin, dal-tebyada iyo xiligii uu dalka ka yimi midkayaba kiikale kula cawee ,Shaaha iyo Falaastu way isu kaaya dulsaaran yihiin Saacado ka bacdina jiif iyo hurdo ayay naftu nagu sintay.

Hadaba maxaa dhacay? Xilli habeen badh ah ayaan si lama filaan ah aniga oo hurdo halkii u fiicnayd maraaya waxaan si lama filaan ah dhagahaygu ii maqashiiyeen sanqadh iyo dareen aan ku macnaystay in Guriga Tuug uu soo galay ,dhaayahayga araguna waxa ay i tuseen nin Sariirtaydii ka toosay "waar hayaaaaaaay qoodhay iyo xeraday gurigii tuug ayaa isoo dhacay " Hub wixii iigu dhawaa ee aan Tuuga iskaga celin lahaa gaar ahaan Mindi afwayn ayaan si dhakhso ah usoo qaatay,isla gaabiyey hadana isla dheereeyey ,gaad-gaatamay,hadba Kursi iyo Kabadh guriga ii yaala ku dhufaysqaatay.

Gurigii yaraa ee aan ku jiray marba sidii aan * doc (koone) ugu dul wareegaayey arkay oo indhahaygu qabte Albaabkii Suuliga oo nin dheeri sii galaayo,"alay-ilahe Tuugii hadaad heshay ayaan iska dhaadhiciyey" intaan codkii Libaaxa isu yeelay albaabki Suuliga oo markaasi ciddii gashay aanay soo xidhan, halmar ku hujuumay anoo cabaadka iga baxaaya aad yaabto , cebeey tacaal waaba ninkii martida ii ahaa oo xaalkiisa Ilahay uun og yahay ,waa kuma iyo ma digiibaa ayaa hadal nagaga dhamaaday!! Naxdin iyo xishoodkii aan qaaday ayaan ku baraarugay " ilayn Tuugba guriga kumuu jirine waxa maskaxdayda ka baxay in guriga uu caawa ila joogo nin marti ii ahi " bal adba"!!

W/Q: Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment