SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Magalada Aduunka ugu Dameeraha badan oo ku taala Afrika .

Meelo badan oo ka mida Dunidan aynu ku nool nahay Dameerahu waxa ay kaga jiraan kaalin wax ku ool ah, haday tahay dhinaca shaqada iyo haday tahayba dhinaca waxsoosaarka kale ee arimaha bulshada .inkastoo Somalida lafteedu ay ka mid tahay dad yawga sida dadban ugu intifaacsada xayawaanka Dameeraha , hadana waxa aad madoodaa in uu yahay wax la isku liido ay dhici kartana in hadii aad maanta istidhaa Dameer ku shaqayso in dadkuba ay kuu arkaan in aad tahay   qof nolosha meel hoose kaga jiraa ,taasi oo aan sax ahayn .
Somalidu waxa ay inta badan ahayd xoolo dhaqaato ,waxa kale oo ay gadiid ka dhigan jireen Geela gaar ahaan Awrta,tasi oo keentay wakhtigaasi in ay noqdaan Dameeruhu kuwo aan Somalida ugu jirin in ay gadiid ka dhigtaan ,iyada oo ay dhici jirtayba in reerka Dameero leh lagu caayi jiray looguna gabyi jira.