SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qabyaaladu waa Dawo , si khaldan loo isticmaalay.


Qabyaalada oo aynu si qaldan u isticmaalnaa ,waxa ay ka dhigan tahay ,daawo uu dhakhtar kuu qoray oo aad u qaadan wayday sidii uu kugula taliyay ,kadibna aad u isticmaashay qaabkale oo adiga jeebkaaga ah ,maxaad markaa filanaysaa ,suura gal matahay in aad daawadaasi aad ku caafimaado ?

Qabyaaladu waa isir iyo abtirsiimo ku tusinaysa cida aad tahay iyo halka aad ka timi, qabyaladu waa halbeed lagu garto asaaska qofka iyo halka uu kasoo jeedo hadii la waayana waxaa ka dhalan kara dhalan-doorsoon .

Qabiilku waxa uu leeyahay waxyabo badan oo wanaagsan una baahan in aynu sida uu yahay ugu dhaqano,qabiilku waxa uu leeyahay is-gaashaan buuraysi iyo isu hiilin dhinaca sharcigaa.

Dadka qaar ayaa waxa ay laba magac u kala sameeyaan Qabiilka iyo Qabyalada taasi oo ay uga jeedaan in Qabyaladuna ay tahay wax xun ,Qabiilkuna uu yahay wax wanaagsan oo ina anfacaya .

Qabiilku waa guruub iyo urur Ilahay sidiisa u abuuray oo aanay cidina aanay samayn,waa koox wada dhalasho iyo abtirsiin ku walaalowday ,taas awadeedna waxaa loo bahan yahay in aynu ka tagno tiisa xun qadanana tiisa wanaagsan.

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ )



Qabyaalada Islaamiga ahi, maaha in la isku adoon yasado, dadka qaarna gun lagu sheego qaarna gob lagu sheego ,qabyaalada Isaamiga ahi ma ogola in dadku ay kala sareyaan ,waxa kaliya ee lagu kala sharaf badan karaa waxa ay tahay qof iyo Allah ka cabsigiisa.

Aragti fiican maaha dadka yidhaahda qabiilka kuligiis ha la ilaabo ,Aniga agtayda sax ilama aha in qabiilka sida uu Ilahay sw usoo dajiyay laga tago, waxanan amin sanahay hadii laga tago in laga dhaxli karo wax kale oo ka xun ,sida maanta haysata wadamo badan oo Aduunka ah sida wadamada Gaalada.

Hadii laga tago qabiilka iyo sida uu Ilahay sw usoo dajiyay waxaa laga dhaxli karaa wax kasii xun,sir wayn ayaa ku jirta in aad garato qabiilka aad tahay iyo meesha aad kasoo jeedo, walibana aad xafido abtirsiintaada .

Wadamada Gaalada maanta waxa ka taagan heer ay dadkii gaadhaan in ay la walaloobaan xayawaanka,Bisadaha iyo Eyda ,waxa taas u daliil ah sharciyada wadamadooda yaalla,kuwaasi oo cadaynaaya in qofka hadii uu dhinto aanay jirin cid dhaxlaysaa ,dhamaan maalka uu ka tagayna waxaa qadanaya Dawlada .

Yurub iyo dalalka kale ee la mid ah ,ma jirto maanta wax la yidhaaddo qabiil ,qofka aad waydiiso cida uu yahayna waxa laga yaba in uu dirqi kuugu sheego oo kaliya magaca abihii ,way adag tahay in aan dadka qaar ay kuu shegaan magaca awawgii.

Wadamada Reer galbeedku maanta waxa ay ku jiraan markii ay ka tageen kaljarkii iyo dhaqankii uu qabiilku ku aasaasmaayay , in ay wehel iyo walaalba uu u noqdo Eyda iyo Bisadaha, kuwaasi oo marka uu dhintana hantidiisa dhaxli kara.
 
Wadamada yurubta ma jiro lagamana yaqaano wax layidhaa ,seedo ,Sodog ,inaabti ,ilmadeer,habar-wadaag ,sababta oo ah waxaan marka hore jirin wixii xidhiidhkan iyo magacyadan samay-nayay oo ah qabiilka ,taasi waxa ay ina tusinaysaa in hadii aynu Somali nahay aynu taas ku fiicanahay balse aynu garab wadno midii xumayd ee Nabigu csw ku tilmaamay in ay tahay wax Uraysa.

Waxa laga yabaa in qabyaladu heerka xun ee ay ina gaadhsiisay iyo nabarada aadka u foosha xun ee ay inagu dhigtay awadeed ,in dad badan oo Somalida kamidii ay u hanqal tagayaan in ay fiicnaan lahayd in aynu qaadano dhaqamadaasi laga isticmaalo Yurub iyo Maraykan.

Ilahay sw Qabiilka waxa uu u soo dajiyay si sharaf iyo raxmadi ku jirto ,marka qabiilka sida uu yahay ee sharcigaa loo isticmaalo waxa uu ka wanaagsan yahay hab-dhaqankiisu dawlado badan oo Aduunka jira , waana mida aynu u baahanahay in aynu dib usoo abuurno.

Somalidu intii ay aduunka ku noolayd waxa kaliya ee ay ku kala badbaadi jirtay waxa uu ahaa qabiilka,Somalidu waligeed may yeelan wax dawlad layidhaa ,wixii ka horeeyay gumaystayaashii ,hadana waxa ay u wada dhaqmi jireen sida dawladaha.

Qabiilku waa dawlad leh madaxwaynayaal fara badan ,waa dawlad leh hab dhaqaale oo wax la isu siiyo waxna la isku taro ,waana mida ay Somaliyi maanta halkaasi kusoo gaadhay ,iswaydii Isticmaarka ka hor sidee ayaynu u noolayn ,ma dawlado ayaynu lahayn inna kala ilaaliya waa maya .

Way dhici jirta in qabiilba qabiilka uu ka xoog badan yahay uu ku duulo ,balse taas dawlad nimadii miyay badashay waa maya ,maanta dawladiba dawlada ay ka itaal roontahay ayay ku duusha gumaysataana.

Hadii maanta qof qabiilkaga ahi uu qof kale dilo amma uu wax yeelo ,waxa loo imanayaa qabiilkaga kadibna waxa laga yabaa in halkaasi arinta lagu dhameeyo ,haday tahay guurka ,xidid nimada iyo xigaalka intuba waxa ay ku dhisan tahay magacan aynu maanta ka irdhawnay ee aynu sida xun u isticmaalay ee Qabiilka.

Hadaad dib u fiiriso siirada Nabiga csw ,waxa aad arkaysa in Diinta Islaamka ee aynu maanta haysanno , in ay inasoo gaadho waxaa sabab u ahaa ,qabaa'ilkii faraha badnaa ee Carbeed ee uu Rasuulku maalinba qaar la heshiinayay.

Wakhtigii nabiga csw waxa ay dadyawgii Carbeed ku jireen jahiliyo ka xun tan aynu maanta ka cabanayno ee Qabyaalada ,balse Nabigu csw markii uu u yimi waxa ay noqdeen kuwo Diinta racay kana tagay qabyalada teedii xumayd ee baabiisay.

Soomalida qaar ka mida waxaa ku qufulan in Qabyaladan xun ee ina dishootay aynu kaga tagi karayno amma ay inaga kaxaynayso hadii aynu qaadano waxa loo yaqaano Dimuradiyada ,gaar ahaan fikirkaasi waxaa aminsan rag badan oo siyaasiyiin ah.

Taas waxa aan ka odhan lahaa hadii aynu Soomali nahay ,waxa aynu isku soo xukunay nidaamyo badan,waxa aynu soo tijaabinay shuuciyadii ,waxa aynu iminka ku guda jirnaa oo dhex-dabalanaynaa Dimuqraadiyadii ,oo meel daran inala maraysa ,midnaba kamaynaan faa'iidin.

Xisbiyada iyo Qabyaalada.

Somaliyeey waxa aad ogataa Qabyalada inteeda Xun hadii ay inaga kaxayn wayday Diintana Islaamku,oo aynu inagu diidnay in aynu raacno ,ma idinla tahay waxa inaga suulinaysa oo inaga dabar-goynaysa Dimuqraadiyada ,iska daa in ay inaga kaxaysee waxa ay inoo horseedayso burbur if iyo aakhiraba ah.

Hadaba mushkiladaha iminka ina haysta waxaa ka mida, waxa aynu rabnaa in aynu isku wadno isna dhex galino qabiilkii iyo dawlad nimadii ,taasina waxa ay keentay in labadii ay is dhex galiwayaan oo mid xoogaysto.

Tusaale ahaan ,qabiilbaa maanta waxa uu ka cabanayaa Biyo yaraan dhul kooda ka jirta ,kadibna waxa ay u tagayaan dawlada si Biyo yaraanta wax loogala qabto,nasiib wanaag may xumateen hadii qabiilkaasi hal degmo amma hal gobol wada degan yahay ,waxase laga yabaa in qarkood ay degen yihiin gobolo kalawada fog.

Hadiiba dawladu ay qabiilkii Biyaha ka codsaday ay gacan siiso biyana u samayso ,taas macnaheedu ma waxa uu noqonayaa in qabiilkii oo dhammi uu helay Biyo ku filan ,balse dadkii kale ee Qabiilka ka tirsanaa ee iyagu dagana gobolka kale yay u dacwoonayaan amma ay wax la qaybnsanayaan.

Taas waxaba kasii daran,nidaamkan aynu iminka qadanay ee Xisbiyada badan ,reerbaa waxa ay soo sharaxayaan nin ay isku qabiil yihiin iyaga oo u raba Baarlamaanka,waxana dhici karta in ninkaasi uu ka sharaxan yahay gobolkaliya sida uu dhigaayo sharcigu.

Musharaxaasi isaga ah waxa suurawda in qabiilkisii ay kala degan yihiin gobolo kala wada gadisan,amma dawlad kale oo la jaar ah wadankaasi doorashadu ka socoto, hadaba ninkii xildhibaanka ahaa marka uu soo baxo yaa uu wax u qabanaya ? saw waxqabadkiisii kusoo ururu maayo gobolka laga doortay.

Waxaa jira dad badan oo isku qabiil ah balse aan isku dan ahayn ,waxa kaloo jira dad badan oo isku dan ah balse aan isku qabiil ahayn ,waxa aan amin sanahay in qofkastaba uu la dan yahay cida uu la degaanka yahay.

Soomaliland waxaa maanta ka jira Xisbiyo sadax ah , balse waxa aan anigu u arkaa in ay yihiin kuwo soo nooleeyay qabiilkii iyo qabyaladii ,Xisbi kasta waxa si toos ah u maamula reerka uu kasoo jeedo musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbigu.

Majiro Xisbi si guud qadhaankiisa loo wada bixiyaa sida xisbiyada caalamka ,taasina waxa ay khasab ka dhigtay in xisbigii uu noqdo amma uu u eekaado mid reer dabada ku haya ,madamaa dhaqalaha xisbiga ku baxayay ay iyagu bixinayaan.

Qabyaladu waxa ay soo saartaa isla markana ay kobcisaa jaahilka iyo ninkasta oo aan naftiisa kalsooni dheeraada aan ku qabin ,waxa ay qabyaladu shiikhisaa aqoonta iyo aqoon yahanka runta ah .

Qofkasta oo inaga mid ah way adag tahay in qalbigiisa ay qabyaaladi ka madhnaato,waxa laga yabaa in ay inagu kala badan tahay ,balse hadana sheekh iyo shariif qabyaaladu way ina saamaysay ,qalbigeenana way xushay .

Guntii iyo gaba-gabadii waxa kaliya ee aan isleeyahay arintan waa lagaga bixi karaa waxa ay ila tahay, in loo noqdo Kitaabka Ilahay sunaha Nabiga csw ,kaas oo isagu awood buuxda u leh in uu is falgaliyo waxyabo badan oo aynu isku wadi kari la'nahay.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar