SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

"Illeen H/Jeclo du Daalacan bay dhalatey !!W/Q Muniir Axmed Cigaal

Muniirow Dumbuluq ayuun baan ku arki jirray qaar Xirsi haysta , markaan waydiiso halkaad warkan ka keenteena kuyee waa la lahaa, illeen waxanu ahay ba Sameecad ay xaafad kale ku eedanto". Hassan Garnayl.

Dad badan ayaa aad iga soo codsaday inaan u soo bandhigo sidii aan ugu biiray Wasaaradda Warfaafinta iyo durufihii kale ee wakhtigaas, habarwadagay Dr. Osmaan Omar Dool ayaa kamid ah. Waatane iga hooya kadib idinku falanqeeya.

Dad badan waxay yidhaahdan Muniir waxa qoray shaqada Xirsi Cali Xaji Xasan Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, wabeen oo walle ima qorin manuu ogayn, waxay yidhaahdan Muniir Wasaaradda Warfaafinta ayuu ugu mushahar badnaa, iyana waa been oo walle ah. Iyadoo dibadda layga shaqaleeyay, waxa gudaha igaga mushahar badna Maxamed Xuseen Caligii shalay hadlaayay (Abees) iyo Cabirisaaq Cismaan iyo inbadan oo kale . Waayahay lakiin waligay Mushaharka Maxamed Xuseen Cali qaato cid taqaanay amma sheegaysa lama maqal kayguse wuu sheegana. Kkkkk.

Horta KULMIYE ayaan aha marku mucaaridka aha, shir kasta oo Ingiriiska ka dhaca oo KULMIYE qabsado qofka baahiya ee kala dira ayaan aha, markii uu talada qabtay 2010-Kii, 26 June . Xukuumaddi Siilaanyo waanu isku dhacnay waliba Xirsi Cali Xaji Xasan ayaanu isku dhacnay iyo ragg kale nin Daahir Cabdi Jaamac la yidhaahdo, waxan noqday Muxaafidkii ugu horeeyay ee mucaarida, Osmaan Cumar Dool Norway ayuu joogay maqaalo Hanbalyo ah ayuu iga qoray wakhtigaas uu igu bogadinaayay inaan qalinka u qaatay dhaliishi ugu horaysay ee Xukuumaddi Siilaanyo. Arrin dheer bay ahayd taas idinku daalin maayo.

Waxa Ingiriiska socdaal ku yimi Badhasaabkii Gobolka Maroodi jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) waaka nool, isaga na heshiisiiyay Xukuumaddii Siilaanyo, isaga igula shiray Ingiriiska, halkaas markay maraysay waxa 2011-Kii ila soo wada hadlay Xamarji iyo Baashe Cawil wakiilka Somaliland u fadhiya Imaraadka, waxay igu yidhaahdeen Tv-gii Qaranka Yurub ayuu soo gaadhay inaad ka hawlgasho ayaanu garanay, waxaan ku idhi alle waa ogaa "Mareeyaha Tv-ga ee Yurub may siinaysaan"? Waxay igu yidhaahdeen mayee Axmed Faarax Wasiir ayuu leeyahay ee lakiin odayaasha TV-ga ee Yurub ayaad noqon, waxaan ku idhi "Waayahay ee haw soo magacaabina qof Wasiir Dawladda ugu jiro ".

Aniga Wasiirkii Axmed Faarax waa laygu horgooyay, Saxiibkay Khadar Cali Gaas oo wasiir iyo dheeraad Rer Axmed Nuux Ismaciil haysto ayaa loo soo magacabaay, Studio cusub na Xukuumaddii Siilaanyo London ayay ka qalabaysay, anigu Birmingham ayaan deganaa, waa cadaaladdii Habarjeclo ayaan idhi oo waan hawlgalay, Tareenka ayaan raacijiray anigoo aabe ah shaqo kalena ku tuurta iyo aqoon korardhsi, Osmaan Omar Doolow adaa rer Hargaysa ahaye waxa shaqaalaha qoristooda Ingiriiska u yimi Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo aha Faysal Cali Sheekh, isaga iyo Khadar Cali Gaas ayaa qoraayay Shaqaalaha . Waxa la qoray Xadhigle oo aha Sawir qaade (Rer Axmed) Hana oo xafiiska xoghayn loo qoray (Rer Axmed ) Sheekh Saciid Faarax Jire oo aha Sheekha TV-ga oo mushahar loo qoray (Rer Axmed ) Wariye Cabdilaahi Maxamed Cali (Rer Axmed ) Wariye Luqmaan oo sawir qaade aha (Rer Shirdoon) Wariye Shaqaale ( Cabdalle Sacad) Khadar Cali Gaas Maareeyaha Yurub ee TV-ga Qaranka (Rer Axmed ba caylo ) kkkk Agaasimaha qoraayay oo aha Faysal Cali Sheekh ( Bah gobo )

Wariye Maxamed Daahir (Ciise Muuse )

Mujaahid Cabdi Bacaw (Habaryoonis)

Iyo Miskiin Muniir Axmed Cigaal (Habar Love, Axmed Faarax Xirsi ku dulmanaa kkkkkkk) Dhammaantayo isku mushahar is leeg ayaanu ahayn.

Shaqaalihii Ingiriisku sidaa ayay noqdeen oo Somaliland u dhantahay Xaji . Markaan yaabay Xirsi Cali Xaji Xasan oo marka lana heshiisiiyay ayaan ku idhi "Waar Studio labaad aan Caasimadda labaad ee Ingiriiska Birmingham ka furo oo TV-ga Qaranka ah oo xooga Somaliland-tii kale ee xagga London ka dhinayd aan halkan ka hawlgaliyo ". Wuxuu igu yidhi dawladdu kaas London ayay ku kharash garowdo lacag lama hayo . Wallahay raggii joogay ayaa ogaa anaa jeebkayga ka qalabaystay, Ayuuto aan qaatay waa halkii rer Xamarkee ayaan ku kharash gareeyay. Waxaan shaqada qoray Wariye Daahir Xaji Ismaciil (Daahir Curi) ninkii garanaya garanaya Wariye ruug cadaaya (Waaxid Ciidagle) ilaa hadda wuu shaqeeya iyo Dayib Yare oo Sawir qaade aha (Ciidagale) Studio gii Birmingham ilaa hadda wuu shaqeeya Daahir Curi ayaa maamula.

Marka lay diidaayo Studio-ga Birmingham, Faysal Cali Sheekh Shir lagu qabanaayay Washington USA oo Somaliland ah ayuu isagoo Ingiriiska jooga Xukuumadda ku yidhi xafiiska Dahabshiil ee London 50,000$ iiga amaahda Kamarado ayaan ugu iibinaya xafiiska Washington ee Tv-ga Qaranka oo uu yidhi Waxaan u magacabaay wiil Samiir la odhanjiray, oo Bah-gobo aha. Waa laga ammaahday, Raahiid Gaaruf wuu nool yahay Safiirka Somaliland ee Maraykanka markii aanu tagnay 2014-Kii ayaan ku idhi "Safiir Raahiid Gaaruf meeye qalabkii TV-ga Qaranka ee Washington iyo xafiiskii Faysal Cali Sheekh furay ee 50,000$ ku baxday "? Wuu noolyahay Aniga Xafiiskaasi ima soo gaadhin ayuu yidhi .

Wakhti Danbe oo uu Samir Waddanka yimi markii Cukuse Wasiirka aha ayuu Cukuse qalabkii waydiiyay Dagaalbaabu ku qaaday cidna waxba ma odhan .

Horta sidaa ayaan kaga mid noqday Wasaaradda Warfaafinta, marki aan Somaliland u soo wareegay Xamarje ayaa idajiyay Dalka mushahar kana kaygii waan qaadanayay lakiin kaligay maan ahayn dadka Mushaharkii diabadda gudaha ku qaatay. Khadar Cali Gaas wuu qadanaayay, Sheekh Saciid Faarax Jire wuu qadanaayay ilaa loo magacaabay Guddoomiyaha Sakada Qaranka . Abtigay Muuse Jaanbir oo hadda loo magacaabay Mareeyaha Tv-ga Qaranku wuu qaadanaay xafiiska Oslo Norway ayuu ka tirsana ee TVga Qaranka markii uu Hargaysa u soo wareegay wuu qaadanaay.

Marka kaygu tollow ma rinji cas ayuu marsanaa mise dharaarta wax saar ayaan iska dhashay?

Tusan

Muniir Axmed Cigaal


No comments:

Post a Comment