SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maansadan waxaa la yidhaa MUUSE DABAQABO,waxaa tiriyey Abwaan Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)

Inta badan Abwaanada Somaliyeed waxa ay gabayada iyo maansooyinka ay tiriyaan ku cabiraan kagana faaloodaan dhicdooyin hore u dhacay ,kuwo hada taagan iyo dhacdooyin la fili karo in ay mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ay iman karaan.

Hadaba Abwaan Sandoon waxa uu maansadan ku cabirayaa rayigiisa iyo rayiga ay dad wayne aad u farabadani ay la qabi karaan,waana mid uu ku saxan yahay madamaa uu abwaan yahay carabkiisuna uu ka turjumaaya rabitaanka iyo baahida dadwaynaha.

Abwaan Sandoon waxa uu maansadan kula hadlayaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxa uu abwaanku aftahan-nimo iyo hibada hal-abuurnimadiisa maanso ugu sheegayaa madaxwaynaha,isaga oo ku boorinaaya in ka run sheego balanqaadkii iyo dhaartii dharaarta cad uu madaxwaynahu Kitaabka Quraanka ah Baalaha uu jaray.

Abwaan Sandoon waxa aad Maansadiisa ka dheehanaysaa in Durba Madaxwaynahi balanqaadyadii laga filaayay qaarka mida uu baalmaray,hadana iyada oo ay sidaa tahay Abwaanku maaha mid Madaxwaynahiisa quus ka jooga,waaxaanad arkaysaa in markasta oo Abwaanku madaxwaynaha kusoo celcelinaayo in uu saxo wixii qaldan si uu uga duwanaado rag badan oo Somaliland madax kasoo noqday.

Waatan Maansada Muuse dabaqabo!!

''''''''''''"""""""""""""""""""""""""""

Madax Qaraniyo

Qaa'idka dalkoow

Salaan qaaliya

Muuse iga qabo

Qodob ii xiga

Qudbaddaadii

quruxda lahayd

Qaladkaan galo

Iqabtaad tidhi !!

Aan ku qabannee

Ma qabsoontaa?!!

Qodob ii xiga

Qabanqaabiyo

Ballanqaadkii

Qaanuunkeenniyo

Qaraar iyo xeer

Distoorkaa qoran

Qarankoo idil

Haw xaq-qaadiyo

Qorshahaagii

Wuu qalloocdaye

Muusow dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Inuu quudkii

Qiimo-bararoo

Qaali dhaafoo

Qarashyare kacay

Quraac li'idiyo

Qatanaantiyo

Qadoodiga jira

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Qaylo-dhaantiyo

Quruumaha kacay

ee qamaamsani

Qooraan eegmada

qoorta kaga jabay

Wasiir qaraxiyo

Qayladiisiyo

Qawda maqashii

Waxna hawqaban

Qaladaad badan

Oo la qoonsaday

Qawadkaa jira

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Qof gaboobiyo

Qaar bukaaniyo

Laxaad qaar gabay

Dhallaan qaadhiyo

Qayladoodii

Qubays daayoo

Dhuun waxqooyiyo

Biyaa quus galay

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Qoysas iyo dumar

Qamar iyo Luul

Hablo qaaliya

Oo xorriyad qawl

Qunyar ku cabbiray

Qabqabtaaydiyo

Qoolka soo sudha

Jeelna qabadsii

Ka qashaafoo

Ceebaa qaar diid.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Qallaf hadalkiyo

Qawlka sharafdhacay

Cuqdad qubatiyo

Qabiil cayga leh

Buugga lagu qoray qadaafada taal

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Dabin iyo qool

Aan qarsoonayn

Cadaw qaxarbadan

Oo qadiimiya

Oo qulqulad jecel

Badda qawliyo

Qoorrigeennii

Qayb hayeeshoo

Hayska qaatee

Qalin ugu duug

Waa qasaaree

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Qarankeennii

Ina qaadee

Quwad iyo xoog

Laysu qayshaday

Ha qobtolinoo

Qolo haw celin

Qabiil iyo Qaran

Bal qiyaasoo

Isu qiimee

Keebaa quruxbadan?

Qodob ii xiga

aan ku qabannee

Qormadeennii

Qabyo badanbaa

Wax ka qabashiyo

Qalliin culusiyo

Qiil u baahane

Qarashkoodii

Loo qarriraybaa

Layska qaatee

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Dhallin quruxiyo

Qiimo badanoo

Qalinjebiyoo

U qalmaayoo

Hawsha qabankara

Oo qabiilnimo

Qaar xaggeenna ah

Looga qaadoo

Qoonde reerkay

U qarrirantee

Muuse dabaqabo.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Garsoor qiilbadan

Bulsho qayliyo

Qaaq ka muujeen

Dulmi lagu qiray

Oo dhib laguqabo

Sinnaanna ka qaday

Muuse dabaqabo

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Qarankii dumay

Ee Siyaad qubay

Dulmi qaraweyn

Qoorta hoo sudho

Quudhsigii aan

Qaadanwaynee

Miino qaraxdiyo

Qori ka xigsaday

Waar qaxeennii

Saw qudhaadani

qori maad sidan

Saw qarfiyo buur

Dhufays kama qodan

Qacda suugiyo

Shilke qayshiyo

Qamta sebenkiyo

Kaare qoor dheer

Qaaca ololkiyo

Qiiqu kuma marin?

Maxaa loo qaxay?

Maxaa qamadida

Quudka loo biday?

Raggu qayrkii

Wuu qaddariyaa

Raad dib hawqaban.

Qodob ii xiga

Aan ku qabannee

Axdaad qaaddoo

Dhaar mid qaraweyn

Qoorta sudhataye

Qawlka Eebbiyo

Quraankiisii

Yay ku qbanine

Muuse dabaqabo.

Quwaddiisiyo Allaah qaaliba


Maansadan waxaa tiriyey Abwaan Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon) oo aad in badan uga barateen maansooyin iyo gabayo kuwan oo kale ah.


No comments:

Post a Comment