SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maanso Cusub oo la magac baxday " burhaan" waxa tiriyay Abwaan,Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

Abwaanku waxa uu Maansadan kaga hadlayaa Diinteena Islamka iyo sida ay markasta uga warantyo qisooyin iyo taariikho soo jireena oo dunidan soo maray dibna usoo mari doona .waxa kaloo uu abwaanku ka hadlayaa sida aanay marnaba umadu u baraarugayn una samaynayn horumar iyo dadaal la taaban karo.

Waatan Maansadii:

TAARIIKH cilmaa laga bartaa

lagana baadhaaye

Buuggeeda waa la akhriyaa

baaxadda leh weyne

Burhaan ay siddaa lala baxaa

waadka bogataaye

Baalkaad rogtaba boqol qisaa

kaaga soo baxa'e.

Baadida asqaw beri ku dhacay

balanbal hooggooda

arbaciin sanay baahayeen

Banu Israa'iile

Ciqaab loo bandhigay bay ahayd

baaba'ii helaye

Bayaankii Ilaahay baree

ugu bushaareeyey

Baalbay ka dhaafeen intay

Nebiyo beensheene.

Badankood birtay ka aslayeen

Diliyo baabiine

Wacad laga baxaabay barteen

oo la buriyaaye

Boqorkii abuuray la muran

ugu bilaabeene

Sac layidhi bireeyay inbadan

Baal kamarayeene

Waa baqarah sheekadu halkay

Baab ku leedahaye

Bixisadu ninkii aywaddaa

Waano boganwaaye

Bartii aymareen kooxihii

Beri fallaagoobey

Soomaalidaa baahdaybaa

Looga baqayaaye

Bannaan iyo bartii aan lahayn

Babac la yaacaayo

Ninka baqaha soo faagashada

Buurta fano diiday

Boholbuu cagaa kula dhacaa

Baacyo dheer qodane

Buska iyo dabayshaa ku roga

Boodhka iyo ciide

Bahalaa ku cuna waaqla aan

Ruux kasoo bixine

Bulshadaan baraarugay aqoon

Baylahdana dhawran

een beegso qayrkaa is odhan

Budulka uu jeexay

Berri tiigso waayaa kabaran

Badi dadaalkaaga

Bidhaantiyo hirkaa baxaya dayo

Bixitin oo tiigso

Buunkiyo caroogguna u bixin

Nolosha baaqeedu

Beer-raqana aan uba bislaan

Een u boholyoobin

Babisiyo dabaylaa lataga

Badanka duufaane

Birta sebennadaa jiidhaysee

Buuranee adage

Baaba' iyo jab kama baaqsadaan

Biiya oo tira'e

Dadkii aan ka beermoow dhibbaa

Badatay oo taale

Billaahiye miyaan laga baxayn

Hawshan bahardaaday.?

Maansadan waxa tiriyey Abwaankeenii waynaa ee Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)



No comments:

Post a Comment