SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiiba : Arooskii ka dhacay Qabriga dushiisa!!

Aduun waa wareer oo war iyo sheekaa ka hadha,mana aha wax lala yaabo in aad maalinkasta iyo habeenkasta oo Ilahay uu keeno in aad maqasho qisso iyo sheeko markaasi ku yaab galiso ama u qaadan waa iyo amakaag kugu reebta.

Qisadan aan idiin soo gudbin doonaa maha qisso iyo sheeko kutidhi-kuteena,isla markaana maha sheeko la mala'awaalay oo dadka lagu maaweelinaayo,balse waa dhacdo run ah uu Duniga korkeeda ka dhacday rag iyo Dumarba ay usoo taagnayeen.

Hadaba nin u dhashay talka Tayland ayaa waxa uu in muda-ahba uu xidhiidh la lahaa gabadh markaasi ay isjeclayaan isla markaana ay ku balamen in ay sida ugu dhakhsaha badan isu guursadaan.

Labadaasi lamaane oo u dhashay dalka Tayland waxkasta oo markaasi uu ku kacaayo Arooskoodu waa ay ka heshiyeen,kaliya waxa u dhinnaa uun, wakhtigii iyo goobtii lagu qaban lahaa ama ay ka dhci lahayd xaflada iyo mashxarada aroosku.

Ilahay qadarkii intii aanay hawshii arooskuba aanay dhicin, ayaa gabadhii aroos maaganaha ahayd waxaa u timi Geeridii ,ama waxaa ku soo degay xaqqii,Ilahay ayaana oofsaday,taasina waxa ay murugo iyo shalaay ku keentay saygeedii doonaayey in wiiga soo socdaba uu la aqal-galo.

Ninkii dhalin yarada ahaa markii uu maqlay in ay geeriyootay gabadhii uu guri-galka ka sugaayey ,anfariirkii iyo naxdintii faraha badnayd ee ku dhacday waxa ay dhaxal siisay in uu qaato fikir iyo go'aan dadkii cajab galiya, kaasi oo ah ,in uu gabadhii uu jeclaa aanu aad yar oo dhalatay sidaa kaga hadhin, balse si uu dunada guudkeeda iyada dabadeed farxad ugu noolaado iyana aakhiro ku dabaal degto, isaga aragtidiisa ,waxa uu go'aan saday, in uu gabdhii qabriga lagu aasi doono dushiisa ku mehersado kuna guursado.

Ilahay amarkii qofku hadii aanu Muslim ahayn waxkastaaba waa ka suura galaan ,waxa uu ku qanciyay eheladii iyo dadkii ay ka dhalatay gabadhu,in uu doonaayo in uu gabadhii kasoo doono,isla markaana loo siiyo habkii iyo nidaamkii loo bixin lahaa hadiiba ay noolaan lahayd.

Waxa uu bixiyey wixii markaasi waajib loogu lahaa ee uu dhigaayey dhaqanka iyo diinta uu haystaa,waxa uu dhigay tariikh lama-ilaawaan ah kadib markii uu gabadhii Maytida ahayd usoo xidhay maryahii loo xidhi jiray gabadh markaas uun lala aqal galaayo,waxa uu ugu yeedhay iyada oo mayti ah cidii markaasi cilaan iyo cusburka u saari lahayd,waxaloo xidhay taashkii qaaliga ahaa ee markii ay nolayd ay ku nidartay.

Ninka laftiisu kama liito maytida loo xinaynayee,waxa uu soo xidhay dhamaan dharkii uu ugu talagalay in uu xaflada arooska uu xidho,waxa uu isku soo taagay suudhkii iyo qalabkiisii oo iswata.

Hadaba mucjisada kale ee dhacday ayaa waxa ay tahay! in gabadhii oo Mayd ah la tulkeenay qabrigeedii iyo halkii lagu aasi lahaa,kadibna Xabaasha dusheedii uu ninkii arooska ahaa gabadhii Maytida ahayd inta uu gacanta soo qabtay ayaa waxa fardhexada u galiyey Kaatunkii shardiga guurkooda,kadibna ilayn waa dadkii Aakhiro iyo Ifkoo is-guursadaye wakhtiyar ka bacdi waa lakala caraabay ,gabadhiina godkii xabaasha oo u qodnaa awalba ayaa lagu hubsaday, caruuskiina murugo iyo shalay ayuu labada lugood isdaba dhigay isaga oo murugaysan cidna aan salaamin.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment