SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sanadkasta oo cusub oo dhashaa dadwaynaha dhib ayuu ku hayaa.

Sanadkasta oo cusubi cimrigeenna ayuu la tagaa hadana waynu u dabaal degnaa,waxaan ku talin lahaa yaan loo dabaal degin,isagu haynoo dabaal dego waayo dan ayuu inagu qabaa. 
Sanadkasta oo cusub dadku way ciyaraan waanay dabaal-degaan ,waxa ay u haystaan
in uu yahay sanad cusub oo noloshooda kusoo biiray,balse waxa xaqiiqa in uu yahay sanad cusub oo noloshooda qayb ka mida qaadanaaya oo la tagaaya; sanadkasta oo cusubi isaga ayaa dantiisa u cusub dadkase waxaan gabaw ,foolxumo,cirro iyo Bidaar ahayn umasoo kordhiyo .
Wakhtiyadii hore sanadku isaga ayaa iga caqli badiyay ,sababta oo ah intaan soo jirayba waa uun aan u dabaal degaayay,waan u heesaayay ,hadda ayuunbaan xasuustay ilayn waxan aan u dabaal dagaayo ee maalin iyo habeen aan u leeyahay soo dhawoow sanad yahaw cusubi ,ilayn waxa aan ahaa qof u dabaal dagaayo oo u dhaantaynaaya gabawgiisa oo Geeriyina ka danbayso , hadda ayuunbaan  iswaydiiyay,sanadkasta waad dabaal degtaaye horta maxay ayaa kasoo galo dabaal degiisa, maxaadse ku qabtaa faa'iido iyo khaasaare.
Xisaab ayuunbaan isku dhuftay ,waalaahi jeexba igama joogo ,oo halkuu isagu iiga dabaal degi lahaa sanadku , ayuunbaan anigu u dabaal degaayay ,ilayn aniga ayuunbaa  jibaysane, waxay ahayd in uu isagu ii dabaal dego, sababta oo ah isaga ayaa Sanadku aniga wax igu qaba ,oo sanadkasta oo cusboonaada dunida wax cusub ay lasoo baxdaa ,aniguse waxaan gabaw ii kordhiyo mooyaane wax anfaca kuma qabo.
Waxa kaloo aan ogaaday ilayn sanadkan cusoobow adiga ayuunbaa dantaada u cusuba aniga waxaan gabaw ahayn iima soo sidid,sanadkasta oo cusubow quruxdii jidhkayga badh ayaad la tagtaa,hadba sida aad iigu soo noqnoqonaysay anna aan kuugu sacaba tumayo hadba xaflad kuugu dhigaayo ayaad aakhirka i dhamaysatay.
Sanadkasta oo coosubow anigu Kabahaaga ayaan tolayay adna kafan tayda ayaad tolaysay,inta dhaqale iyo lacag igaga baxday xaflad iyo soo dhawayn aan u sameeyay adiga dartaa ,laa'cadad walaa xisaab.
Dadku ma jecla gabawga ,sidoo kalana ma jecla in  lagu yidhaado waad gabawday iyo imisa jirma ayaad tahay,hadana iyada oo ay sidaasi tahay qofkastaaba waxa uu u dabaal degayaa sanadkii cimrigiisa iyo caqligiisaba hoos u dhigaayay.
Sanadkastaa oo cusubi aniga agtayda waxa uu ka yahay mid iga nixiya, ha u qaadanin in uu   anigu sanadka cusubi weerar gaar ah uu igu hayo ,  balse qofkasta oo dunida joogaa yar iyo wayn arintan waa uu ila wadaagaa  ,balse waanay u fiirsan.
Marka aan maqlo sanad cusub waxaa markiiba maskaxdayda aan ka sawirtaa in uu yahay mid igu soo duulay weerarna ku haya jiritaanka cimrigayga ,doonayana in uu halkii uu cimrigayga iyo Gu'gaygu taagnaa in uu ka qaado,kaasi oo markasta ii horseedaaya in aan sii gaboobo.
Sanadka cusubi waxa uu noloshayda kusoo biirinaaya ayaamo cusub oo noloshayda ka qayb noqon doona,waxa kaloo uu iila yimadaa waayo iyo aragtiyo cusub oo uu markasta kaga gadisan yahay kii hore ee aan kasoo gudbay .
Dadka badan kiisu sanadka cusub marka uu soo galo waa ay u dabaal dagaan,balse ma oga waxan ay u dabaal dagayaan in uu yahay cimrigoodii iyo jiritaankoodii nolosha qayb ka mida oo dhamaatay dibna aan usoo noqonayn.
Hadiiba aan ogahay in sanadkasta uu cimrigayga qayb ka mida oo la-degaayo,miyaan xaq u leeyahay in aan u dabaal dago sanad aan u arko in uu yahay mid igusoo kordhinaaya in aan gaboobo isla markana aan markasta usii dhawaado godka aakhiro.
Hadaba madamaa aanan aniga iyo dadkuba aanaan jeclayn in sanadkastaa noloshayada uu gaboy iyo geeri uu kusii dhaweeyo,su'aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay,maxaa loo baahan yahay in lagaga hortago Sanadahan faraha badan ee midba uu mid kuu dhiibaayo.
Ka waran hadii qofkasta oo Aduunka korkiisa ku nool hadii loo sheegi lahaa wakhtiga uu dunida joogayaa ama sanadaha uu noolanayaa inta ay leeg yihiin,talaw maxaa dhcilahaa,suura gal ma tahay in ay sidaasi fiic naan lahayd ?
Maya may fiicnadeen, sababta oo ah sidii fiicnayd waa sidan uu Ilahay SC uu hadaba nolosha Aduunka uu u jaan gooyay,waayo isaga ayaa khabiir ku xeeldheer ah sida u fiican ee Dunidiisu ay u jiri karto.
Waxa aynu nahay dad Muslima waxa ay u bahan tahay in aynu ka diyaar garoowno oo aan si kadisa ah aan laynoogu qaban inta aynu sanadaha iyo hanbalyadooda mashquulka ku nahay,waxa iyana fiican in ay mashquul ku noqono ogaanana in sanadkasta oo cusubi uu yahay mid ina tusinaaya in hadiiba ay geeriyi ina dayso in aan gabaw ina daynayn ;naftayda iyo tiinaba waxa aan la dardaarmayaa cibaado iyo camal suuban
 W/Q.Khadar Aar.
france Paris


No comments:

Post a Comment