SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kornayl Qaddafi waxa aanu u dilnay Afriku midaynayey!

Dad badan ayaa aaminsanaa in dawladaha reer galbeedku ugu duulayaan Libya sababa la xiriira inu xukumada Libya geysatay tacadiyo xuquuda aadanaha ah lakin shaki badan ayaa hareereyay sababta reer galbeedku u burburiyeen xukuumadii qadaafi waxaana aad looga shakisanaa in sababta ugu muhiimsani ahayd sababo dhaqaalaha iyo amaanka la xiiriira.

xog laga helay E-mail ka Hillary Clinton ayaa daaha ka rogay shakigii ay dad badani ka qabeen sababta qadaafi loo afgambiyay waxaana ay Shabakada caanka ah ee wikileaks ay sii daysay dukumiinti sir ah oo loo so diray Clinton xiligii ay haysay wasaarada arrimaha dibeda (state department) kaaso ku taariikhaysnaa April4, 2011 ayaa Sidney plumenthal oo ah ruuxa soo diray E-mailka uu ku xusay in sababta ugu wayn ee meesha loga saaray xukuumadii qadaafi tahay sababo la xirira saliida libya iyo damaca qadaafi ee ku aadaana inu hirgaliyo hal lacag oo dahab ah oo Africa leedahay ,

Bishii april,2001 ayaa madaxwyanaha bangiga aduunka Robert Zoelick ayaa ka sheegay shir guddi sida uu u rajaynayo in baanka aduunku kaalin ka qaadan doono dib u dhiska Libya, hadalkan marka la eego wuxu ruuxa caadiga ah u malaynayaa in baanka aduunku uu caawinayo wadan fashilmay, balse dhaqaalayahanka lagu magacaabo john perkins wuxu isagu sheegayaa in bangiga aduunku uusan fulinin ujeedoyinkii loo aas aasay.

Waxaa xaqiiqa ah oo jirta in maraykanku 16% uu leeyahay maamulka bangiga aduunka,halka japan oo kaalinta 2aad ku jirtaa ay leedahay 7% maamulka baanka,sido kale maraykanku wuxu 17% xuquuq codeed (voting rights) ku leeyahay sanduuqa lacagta aduunka ee IMF, ujeedada john perkins ayaa ah inuu tilmaamo sida labadan haayadood ay qayb uga yihiin siyaasadaha arimaha dibeda ee reer galbeedka.

Sida uu baanka aduunku sheegayo bangiga dhexe ee liibiya waxaa 100% iska leh dawlada Libya , sidaa awgeed sanadkii 2001 da waxaa lagu qiyaasay inay Libya haysato 120 ton oo dahab ah, qorshaha mucamar al qadaafina uu yahay inu sameeyo lacag dahab ah oo wadamada afrika iyo islaamkuba isticmaalaan si ay ula tartamaan lacagaha Euro iyo doolarka,

Hadaba E-mailka la helay ayuu Blumenthal ku sheegaya in Libya ay haysatay 143 ton oo dahab ah iyo intaas in la’eg oo qalin ah waxaana dabayaaqadii 2001dii dahabkan loo wareejiyay Sabha oo ku taala dhinaca koonfur galbeed ee xuduuda ay Libya la leedahay dalalka chad iyo Niger, warkan hadaba loo gudbiyay xoghayaha arrimaha dibeda ee maraykanka ayaa ahaa midka soo dedejiya in faransiisku cir iyo dhulba ka weeraro Libya.


Hadii uu qadaafi fulin lahaa qorshihiisa waxaa ree galbeedka qasab ku noqon lahayd inay lacagtaas dahabka ah ku iibsadaan saliida carabta iyo macdanta kale ee ay Africa ka qaataan taas oo sare ugu qadaysa sicirka waxaana ree galbeedka u cuntami wayday inay eegtaan naxdintaas.

Xogtan la helay ayaa saamayn ku yeelanaysa xiriirka aan cagaha badan ku taagnayn ee dalalka afirica ay la leeyihiin gumaystaha reer galbeedka, waxayna u nqoonaysaa mid ugu yaraan indhaha u furta, sababto ah marka ay afrcia raadinayso inay samaysato nidaam dhaqaale oo madax banaan, waxay ree glabeedku isku dayaan inay qorshahaas karkaarka waydaariyaan si ay usii haystaan sarayntooda dhaqaale-siyaasadeed ee caalamka.

Xigasho Somali Magazine.

No comments:

Post a Comment