SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taladii u wanaagsanayd ee uu bixiyo Ilmo-caruur ahi !!

Noloshu bini'aadmigu markasta waxa ay soo martaa marxalado aad u kala wada gadisan,waxa qofkasta oo inaga mida uu caloosha Hoyadii kasoo baxaa isaga ay ku cusub tahay jawigan uu soo galay,waxanu ifka yimadaa isaga oo qaylinaaya ama oyaaya ,waxaanu sidoo kale ka tagaa Dunida isaga oo taahaya(sakaraad-ka) hadiiba aanu si kale u dhiman.

Waxa aynu nolosha kasoo bilabana caruur nimo ,waxanaynu ku gaadhnaa hadiiba Ilahay SW uu cimriga inoo dheereeyo, Da'aad u wayn oo mararka qaarkeed aynu noqono sidii aynu ahayn xiligii caruurnimada.

Walidku hadii uu yahay Aabo iyo Hooyo iyo hadii uu yahay Awoow iyo Ayeeyo waxa uu kugu leeyahay xaq-dhawrkii waalid nimo,waxana lagaga bahan yahay in intii aad u baari samayn karto aad u samayso.

Wakhti wakhtiyada ka mida ,waxa jiray qoys ka kooban Afar qof, kuwaasi oo kala ahaa,nin dhalinyaro ah iyo xaaskiisa iyo Inan(wiil) yar oo ay dhaleen ,waxa kaloo guriga ku wehelinayay Abihii dhalay ninki dhalinyarada ah oo wakhtigaasi ah mid cimrigiisu aad u wayn yahay.

Xiliyada cuntada la cunaayo dhamaan-tood waxa ay wax ku wada cuni jireen miiska guriga yaala ee loogu talagalay in wax lagu cuno.

Madama odayga dhalay ninka guriga iska leh uu yahay nin aad u gaboobay,wakhtigan oo kalana u baahan in la kaalmeeyo,madamaa marka uu wax cunaayo ay ku adkanayso sidii uu wax u cuni lahaa.

Ninkii iyo xaaskisii waxa ay karah-sadeen odaygan cuntada marka uu cunaayo dhamaan miiska oo dhan ay kaga qubanayso,kadibna waxa ay ku tashadeen in ay odayga u sameyaan goob gooni ah kana kaxeeyaan miiskan uu wax kula cunaayo.

Balse odaygu markan uu Miiska uu dadka guriga jooga wax kula cunaayo,isaga agtiisa waxa ay ka tahay in uu weheshanaayo,balse hadii goob gooniya loo qoondeeyo waxa uu u arkayaa in uu yahay nin xabsi ama jeel la galiyay oo kale; kaga siidarane waxaa loo sameeyay weel gooniya oo isaga mooyane aanay cidkale waxba ku cunin.

Odaygii waxa loo sameeyay goob gooniya oo uu wax ku cuno,waxana laga karantiimeyay in miiskan aadka u quruxda badan in uu wax kula cuno,inanka uu dhalay ,xaaska iyo Ilmaha yar ee ay dhalaneen.

Maalintii u horaysayba odaygii waxa uu dareemay in la takooray oo cidlo lagu faquuqay,balse waxaaba ku adkaatay xataa in uu u sheegi kara waxa uu doonaayo kadibna waxa uu iskaga adkaystay xabsigii yaraa ee la galiyay.

Ninkii dhalin yarada ahaa iyo xaaskisii waxa aad moodaa in ay wakhti badan iyo firaaqo isu heliin,waxanay isu arkeen in waalidkoodii miiska wax kula cunayay uu caqabad ku ahaa.

Maalin maalmaha ka mida ayaa inankii yaraa ee uu Odaygu awowga u ahaa isla markana uu dhalay ninka dhalinyarada ah ee guriga iska lihi,ayaa waxa uu dareemay in awoowgii la takooray ,markii isaga iyo cuntadiisiiba goob gooniya lagu xabisay.

Inankii yaraa ee caruurta ahaa waa uu ka xumaaday arintaasi,kadibna waxa uu ka fakaray sidii uu Abihii iyo hoyadii uga dhaadhicin lahaa in arintan ay sameeyeen ay tahay mid aad u khaldan una xun,keeni kartana in habaar walid ay ku galab sadaan.

Inankii yaraa waxa uu go'aan-saday in uu abihii iyo hoyadii fariin u gudbiyo,taasi oo ah in ay danbi wayn ka galeen waalidkood,kadibna maalin maalmaha ka mida ayaa inankii yaraa xiligii qadada inta uu cuntadisii qaatay waxa uu la ag-fadhiistay meeshii awoowgii lagu xabisay,kagasii darane inta uu cuntadii hortiisa dhigay ayuu labada dhaban gacmaha saaray sidii ruux wax ka fikiraaya.

Awoowgii markii uu arkay inankii yaraa oo inta uu cuntadiisii soo qaatay agtiisa lasoo fadhiistay ,waxaa indhahiisa ka timi Ilmo,sababta oo ah ,waxa uu dareemay in inankan yar ee uu awoowga u yahay uu yahay mid ka garasho iyo caqli fiican labadan isaga dhalay.

Markii ay arkeen Abahii iyo hoyadii ayaa waxa ay halmar wada yidhaahdeen maxaa kugu dhacay wiilkayagiiyow oo aad cuntada halkaasi ula tagtay,maxaadse miiskan ugu kor cuniwayday,mida kale waxa aanu ku waydiinay maxay ayaad ka fikiraysaa oo maanta kugu dhacay ?

Kadibna waxa uu ugu jawaabay ,waxa aan miiska uga tagay cuntadana aan ugu kor cuniwaayay,waxa aan doonayaa madamaa aynu nahay afar qof oo guriga ku wadanool,waxa ay ila noqotay in aan awoowgay aan u wehel yeelo si aanu kaligii u cidloon.

Waxa kaloo aan dhabanada gacmaha u saaray ,kana fikiraayay,sidii marka aad gabawdaan aan idinka yeeli lahaa ,idiinna samayn lahaa miis iyo goob idiin gaar ah oo aad kaligiin wax ku cuntaan,taasna waxaan u yeelayaa, waxa aan diidayaa in miiska quruxda badan ee aan guriga soo dhigan doono aad iga wisikhaysaan ilayn waad gaboowdeene.

Labadii waalid ee dhalay wiilka yar ,caqligii iyo garaadkii ayaa kusoo degay,waxa ay dareemeen in inankooda yari uu ka xumaaday takoorka lagu sameeyay awoowgii iyo karantiimada lagu sameeyay awoowgii,kadibna waxa ay go'aansadeen in ay soo celiyaan waalidkood madaxana ka dhunkadaan,Ilahayna u toobad keenaan,maalintaa wixii ka danbaysay reerkii waxa uu ahaa mid halmeel wax ku wada cuna.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment