SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Jaarkaaga iyo Qabiilkaga iyama xaq badan.?

Mawduucan aan ugu magac daray Jaarkaaga iyo Qabiilkaaga iyamaa xaq badan ,waa mawduuc aad u balaadhan oo ay u bahan tahay in dhinacyo aad u farabadan laga eego,balse waxa aan jeclahay in aan soo koobo oo aanu qalinka iyo qoralku ila taraarin.

Hadii aynu labadan eray,Jaarka iyo qabiilka ,aynu midba goonidiisa wax uga nidhaahno ,iyada oo aynu ku dadaalayno in aynu soo koobno,ayaa midkastaba waxa uu yeelanayaa xuquuq iyo xaq gooniya,balse hadana waxa kuu muuqanaysa in ay kala baaxad wayn yihiin.

Hadii aan qoraal kooban ku soo bandhigo ,waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin ,dadka aad isku qabiilka tihiin iyo kuwa aad jaarka tihiin, waxaa laga yaaba in aad u qaadan waydo faraqa u dhaxeeya labadaasi .

Jaarka.

Jaarku waa qofka kuugu dhaw ee kula yaala dhulka aad taalo ee uu gurigu kaaga dhisan yahay ,jaarku waa dadka kaliya ee kaa warhaya ,xaalada aad markasta aad ku sugan tahay,haday tahay mid farxadleh iyo hadii ay tahay mid markaasi murugo leh.

Jaarku waa cida kaliya ee kuugu dhaw in aad wax kala qadataan,wax isa sisaan,wax aad kala daynsataan maalinkasta,jaarku waxa uu leeyahay wax aanu lahayn qabiilku,hadaad u fiirsato ,labada guri ee jaarka ah ,waxa isyaqaana dadkooda waawayn iyo kuwooda yaryar,xataa waxaa dhici karta in ay isyaqanaan xayawaanka ay markaasi haystaan,sida Xoolaha,bisadaha iyo digaaga.

Qoyska ama reerka aad jaarnimo kusoo ahaydeen yaraantii waligaa ma ilawdid,maskaxdaadana kama baxo,jaarku waxa uu yahay cidda kaliya ee aad isku duruufta aad tihiin sida,hadii xafada aad degan tahay dhib ka jirto,guriga jaarkaagu waa uu kula qabaa.

Jaarka waxa aad tihiin isku baahi,hadii maanta biyahu ay gurigaga ka maqan yihiin waxa hubaala in guriga jaarkaaguna aanu biyo lahayn,waxkasta oo nolosha adanaha ka mida jaarku waa ay wadagaan.

Hadii maanta xafada aad degan tahay cudur ka dilaaco ogsoonow jaarkaaguna ka badbaadi maayo oo waa uu kula qabaa,cudur iyo cafimaadba jaarka waad qaybsataan,caruurta guryahoodu ay jaarka yihiin,waa meesha ay kasoo bilaaban to saxiibtinimadu,way adag tahay in wiilku ama gabadhu ay la saxiibto xiliga yaraanta cid ka fog guriga ay ku jiraan.

Jaarku waxyabaha uu nolosha wadaaga mahan mid aan halkan kusoo koobi karo,ogsoonow guriba guriga uu kaaga dhaw yahay dhinaca masaafada,waa uu kaaga xaq badan yahay,magalaba magalada ay kaaga dhawdahay waa ay kaaga xaq dhawdahay.

Maxaa keenay in dadka jaarka ahi ay isku nafkaliya ay noqdaan? jawaabti iyada oo fudud waxa ay noqonaysaa dhawaanshaha iyo iska warhaynta,waayo waxaa dhici karta in qoys aad isku qabiil tihiin ay yalaan meel kuu jirta 2000 klm ,taas macnaheedu waxa ay tahay waxaa kaga xaq leh jaarkaaga.

Guriga aad jaarka tihiin dadka ku nooli maalintii imisa jeer ayay kusoo waregaan,adiguse maalintii imisa jeer ayaad u wareegtaa gurigooda oo aad gashaa,adiga oo xaladu kala duwan u booqanaya gurugasi jaarkaaga ah ;waxa kaloo iyana mid subxanala ah hadii uu jaarku kugu xumaado.

Wadamadan Yurub iwm malaha wax layidhaa Inadeer sidoo kalana malaha wax layidhaa Jaar,waa ay jirtaa oo guryahu waa ay isku wada dhagan yihiin,balse dadka ku nool kama dhaxayso xuquuqdii jarnimadu,waxa dhici karta labada reer ee jaarka ahi ay kulmaan oo kaliya marka ay albaabada guryaha ka galayaan kadibna inta ay gacanta isu tagaan ay isku maca salameyaan Hey Hey .

Nabigu csw isaga oo ka hadlaaya xaqa uu jaarku isku leeyahay waynidiisa ayaa waxa uu yidhi.

Ibn Cumar iyo Caa’isha (RC) waxay yidhaahdeen: Nebigu(scw) wuxuu yidhi: "Malakul Jibriil wuxuu mar waliba aad igala dardaarmayey xuquuqda Jaarka, wayna ku weynayd ilaa aan is idhi waxa lagu darayaa inay is dhaxlaan ". (Bukhaari iyo Muslim)

Abuu Darr (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: "AbuuDaroow markaad diyaariso maraqa waxoogay biyo ah ku kordhi, oo eeg hadday dariskaagu wax uga baahan yihiin". (Muslim)

Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: Nebigu (scw) wuxuu yidhi: "Allah (sw) ayaan ku dhaarane, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma dhamaystirin, iimaankiisu ma buusamin ". Waxaa lagu yidhi: Rasuul Alloow waa kuma? Wuxuu yidhi: "Waa qofkii jaarkiisa aan ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa ". (Bukhaariiyo Muslim)

Werinta Muslim waxay leedahay: "Kaasi ma geli doono Jannada aan jaarkiisu ka nabad gelin dhibtiisa iyo sharkiisa.

Abuu Hurayrah (Rc) wuxuu yidhi: "Nebigu (scw) wuxuu yidhi: "Haweenka muslimka ahoow! yay midkiin jaarkeeda hoos u eegin (xaqirin) oo u arag wax liita xitaa hadday kuugu keento hadyad qoob Riyaad (ka qaado una mahad celi)". (Bukhaari iyo Muslim).

Waxa aynu xadiista Rasuulka scw ka fahmaynaa sida loo wayneeyay waajibaadka iyo walaalnimada uu jaarku isku leeyahay,guriga jaarku waa gurigaga labaad ee ka warhaya duruuftaada iyo kolba wixii noloshaada kusoo biira.

Qabiilka.

Qabiilku waa dadka aad isku abtirsiinta leedihiin oo kaliya, ma jirto wax kale oo dheeraada oo dadkaasi isu kiin hayaa aan ahayn in aad hal nasab wada ledihiin,hal odayna aad kasoo wada tafiiran teen.

Qabiilku dhinaca diinta iyo dhinaca dadnimadaba ,waxaa jira xuquuq iyo xaq uu leeyahay,taas oo mida ugu badani ay tahay in la isku dhaxlo,balse ma la socotaa in uu dhaxalkaaga qaadan karo mid noloshaada oo dhan aanad markaliya aanad arag,xataa waxaa qaadan kara dhaxalkaaga ,mid qabiilka aad adigu aad tahay aan ahayn ee aad Somali Maxamed iskutihiin.

Qabiilku maaha wax sidaasi usii cilmi badan,isku qabiil ayaynu nahayna wax munafacaada oo la sheego ma ka helaysid hadii aad usoo fiirsato,waa ay jiraan dad dhinaca qabiilka ama xasabada isku xidhiidhiya,balse waxa ayniga ila tahay in ay ka xoog badan tahay cida ama qofka aad markaasi bulshada iska fahamtaan.

Anigu kama hadlaayo in dhamaan qabiilku uu yahay wax shalfis ah oo aan loo baahnayn,qalad ha ka fahmin saxiib qoraalkayga,balse waxa aan ka hadlayaa qabiilku halka uu maanta Somali ka joogo.

Waxa aan waayay hal qabiil oo walaalo ah oo aan hadana nolosha dagaalo iyo dhibaatoyin aanay ka dhex dhicini ma jirto,waxa ugu wayn ee ay isku dileena waxa uu yahay qabiilka oo hoos u daadegay.

Ma dhici kartaa,suura galna ma tahay,in qof aan qabiilkaaga ahayni uu kaaga waxtarbato iyo munaafacaad batto of qabiilkaaga ah?haaaaaa,anigu sidaas ayaan isleeyahay,waxaana laga yabaa in dad badani ay fikirkan ila qabaan.

Dadka qaar waxa dhici karta in ay fikradan layabaan,oo ay isyidhaadaan,sidee ayaa nin qabiilkaaga ah "Inadeeeeeeerkaa" uu kaaga munafacaad badan karaa nin *qalaaaaaaaad,oo aan qabiilkaaga ahayn.

Balse aan meel aad u dhaw wax kaa tuso,adiguna ila eeg in ay suura gal tahay iyo inkale; kaba soo qaad safar ayaad gashay,waxa aad dhex maraysaa dad aan qabiilkaaga ahayn,kadibna safarkii ayaa kugu dheeraaday,wax la cuno iyo wax la cabo toona ma haysatid,cida kaliya ee markaasi aad gargaar waydiisan kartaa Rabbi SW ka bacdi waa cida aad deegaankooda dhex marayso ;hubaal waxaa ah in aanad ku hungoobayn.

Hadii aan maanta deegaan ku ahay magalada Hargaysa balse aniga kan dad iigu xiga ee ila qabiilka ahi uu ku dhaqan yahay magalada Ceerigaabo,hubaal waxaa ah in aanu isxaal og-nahay kan aanu wada deganahay.

Ma-ogtahay in qabiilku uu leeyahay dhibaatoyin aad u farabadan,ugama jeedo qabiilka ayaa leh balse inaga ayaa ka dhignay in qabiilku uu noqdo mid dhibaatoyin la saaxiib ah,tusaale ahaan,nin reerkiina ah ayaa waxa uu dil u gaystay qabiilkale,xaaladaasi markaaba saw ku tusin mayso in ninka u qoolani uu adiga yahay,aana qabiil awadeed.

Ma-lasocotaa in aan saxiibka saxiibka loo dilin,mana jirto wax layidha aano saxiib,marka laga tago middi dhalinyaranimadii,oo ahayd in ay dhalintu xaafado iyo saxiibo isku weeraraan,miyanay markaa saxiibku ka fiicnayn qabiilka.

Ma gafsani in nin inadeerkaa ahi uu noqon karo saxiibkaa laxmiya oo nolosha kula qaynsada, ,balse ha ilaabin shayga ugu muhiimsan ee isku kiin hayaa qofkaasi maaha inadeerka ee waa saxiibka iyo isfahamka.

Mana ahi nin ilawsan in qabiilku uu leeyahay wax wanaagsan,sida igshooranka magta,dhaxalka iwm,intasi oo kaliya maaha waxyaabo badan ayuu leeyahay balse waa hadii loo isticmaalo sidii sharciga ahayd.

Runtii dad badan oo an ka mid ahay,waxa ay aamin sanyihiin in saxiibka qaaliga ahi uu ka fiican yahay inadeerka qaaliga ah, way dhici kartaa oo turuuftu waa ay kala kaxaynkartaa laba saxiib ah ama laba inadeer ah balse hadana saxiibku maaha wax lagu kaftamo marka uu yahay mid nolosha dhib iyo dheefba kula qaynsanaaya.

Ha ilaabin Nabi Muxamaed csw waxa uu saxiib dhaw la ahaa,Abi-bakar sadiiq,kaasi oo lasoo galay halgankii dheeraa ee Diinteena Islamka loo soo maray,Abibakar waxa uu ahaa ninkii kaliya ee Ilahay u qiray saxiibtinimada Nabu Muxumad csw.

Dadku siday qibiilka isugu yihiin,maaha sida saxa aynu u malaynayno ,ee dadku waxa ay wax isugu yihiin,is xaal ogaanta iyo isfahamka dheeraadka ah,qofka ku xaal og ayaa xigaalkaaga ah,balse inadeerkaa waa inadeerkaa Ilahay ayaana ka dhigay.

Hadii qabiilka loo adeegsan lahaa sidii Ilahay uu usoo dajiyay,waxaa hubaala waxba may xumadeen,balse aniga waxaa aad iigala muhiimsan Jaarnimada,Somalina waxa aan kula talin lahaa midkasta xaqiisa siiya.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment