SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Doodii labada wadaad,Kitaabka Ciidagale laga waayay..........!!

Wadaad iyo wabiin ma jirto cid jecel in nolosha laga hormaro,qofkastaaba waxa uu jecel yahay in uu u eekaado qofka dadka u qurxoon uguna caqli iyo cilmi badan,walaw haba ahaado mid aan markaasi waxba aqoone.

Dadka Ilahay abuurtay waxa ay isu xidhxidhan yihiin Grouup Group ama koox koox,qolokastaana waa ay iska xigtaa qolada kale,balse hadana iyaga ayaa usu-neceb,kooxa aan ka hadlayaa maha qabiilka iwm lakiin waxa aan sheegayaa waxa ay tahay dhinaca shaqooyinka iwm.

Inta badan waxaa la sheegaa in wadaadadu ay yihiin kuwa ugu lacagta jecel,kolay anigu garanmaayo meel laga eegay wadadada waayo wali maan arikin cid lacagta neceb, oo la leeyahay kooxdaasi ama cidaasi ayaa lacagta neceb,balse waxa ay ilatahay uun hadal meel waayay,wadaad iyo wabiina lacagta cid necebi inaguma jirto.

Hadaba sida aan sheekada ku hayo ,waxa lacag jacaylka iyo aduunyo jacaylka lagu xaman jiray culamadii hore,inta maahmaah baxday ee ka hadlaysa wadaad uun lacag iyo xoolo jecladay ma malaynaysid, ,waxaa laga yabaa in qaarkiin ay leyhiin ragii barigaa magacyada wadadada u bixin jiray, haday maanta nolaan lahayeen,wadadada maanta cidi kama magac badateen,aniguse kama soo horjeedu cidii magac u bixinaysa iyaday jirtaa.

In wadadadii hore aduunyo jacaylku uu ku badnaa waxa u daliil ahaa,halku dhigyada shaacbaxay ee ay ka mid tahay "Wadaad kaliil jooga injir lagama qabto iyo qaarkale oo badan.

Hadaba waxa aan halkan idiinku soo badhigayaa,arin iyada lafteedu iftiiminaysa lacag jacaylka wadaadada,isku dar labadaba kuwii hore iyo kuwa danbaba,sidaas waxa aan u yeelayaa ma rabo in aad ii aragtaanin aan dhinac u eexanaayo.

Sheekadan waxaa jiri magacyo qabilooyin Somaliyeed,balse hadii meesha laga saaro sheekada ayaa macna beelaysa,waana aniga sida aan sheekada ku akhriyay kadib markii aan booqday facebooka Cantar Kidaar Cunno oo ah ninka sheekada aan kasoo xigtay.

Waatan Sheekadii:-

Waxaa la yidhi waa sii horaysay ayaa waxaa jiray nin Cidagale ah,kaasi oo aan si fiican Quraanka aan u aqoon,marka uu akhriyayana aad u jajabiya,kaasi oo ay ka qaldan tahay hiigaada iwm ,balse wadaadkaasi dadka ku nool tuuladaasi uu sheekha ka yahay uma haystaan in uu jiraba nin ka caalin sani.

Bari danbe ayaa ilayn rag is-gurayee,waxaa maqlay wadaad kale oo isaguna kasoo jeeda qabiilada layidhaa Habarjeclo gaar ahaan *Cimraan,kaasi oo dhinaca Hiigaada iyo dhinaca tafsiirka Quraankaba kaga fiican wadaadkan Cidagale ee dadka Tuulada xuurtada ku haysta.

Wadaadkii Cimraan waxa uu ku talagalay, in uu u-anbabaxo Tuuladaasi uu sheekha ka yahay wadaadkaa Quraanka jajabinaaya,madama uu isagu yahay nin cilmi ku dhaama ninkan,kadibna waxa uu usoo xamaan gurtay tuladii.

Intii aanu tuladii soo gaadhin balse uu kusoo maqan yahay,ayaa wadaadkii Cidagale waxa uu ogaaday in uu kusoo weerar yahay wadaad Cimraana oo ka cilmi badan,doonayana in uu Tuulada dhamaan teed kala wareego,taasi waxa ay ku noqotay wadaadki arin yaab galisay.

Wadaadkii Cidagale madamaa aanu cilmi badan oo uu ninkan ku horjoogsado aanu lahayn,waxa uu degay tab iyo xeelad uu wadaadkan Cimraan iskaga difaaco,aakhirkiina waxa uu ku tashaday in uu dadka tuulada shiriyo una sheego in uu kusoo wajahan tahay tuuladan nin aan aqoon badan diinta ulahayn isla markana Bidcoole ah.

Dadkii Tulada ayuu shiriyay wadaadkii Cidagale,runtii marka dhinac laga eegana waa nin aftahan ah,waxa uu dadkii ku yidhi isaga oo u khudbadaynaaya,waxaa inagu soo wajahan nin aan Diinta waxbadan ka aqoon isla markana ah Bidcoolo gaboobay,waxa kaliya oo aynu kaga hortagi karnaana waxa ay tahay,in Diinta Islaamka aan anigu wax ka waydiiyo.

Wadaadku madamaa uu dadkan Tulada jooga awalba uu isaga wadaad u ahaa,cilmi diineedna uu isdaga awalba u dhigaayay, waxa ay ku yidhaahdeen, sheekh adiga ayaanu kaaga danbaynaynaa wadaadka Cimraan ee Bidcolaha ah ee inagusoo weerarka ah waxaad su'aalo waydiinayso.

Muddo yar ka bacdi waxaa Tuuladii soo gaadhay wadaadkii Cimraan oo hangalaysanaaya ,Kutubtisiina wata,isuna arka in aanu jirin nin cilmiga diinta ku haystaa,markii uu tuladii soo gaadhay,ayaa wadaadkii Cidagale waxa uu lasoo baxay af-mishaarnimadii u qarsoonayd,kadibna inta uu cod dheer ku hadlay ayaa waxa uu dadkii ku yidhi,may maqlaysaan ? "haaaaaaaa,ayaa lawada yidhi, wadaadkan Cimraan su'aal ayaan waydiinayaa,haduu garto isaga deegaanka sheekh ka noqonaaya,haduu garan wayana halkii uu ka yimi ayuu inagaga noqonayaa.

Markiiba dadkii tuuladu,hoosta ayay iska wada qanjidhiyeen,iyaga oo la yaaban sheekhoodan ay caalinka u haystaan ninkan Cimraan ee waysada usoo biyaystay,doonayana in uu deegaanka ka qaado ,qaarkood dadka waxa ay leeyhiin, waar malaha Baara Bisbi'a ,ayuu Beerka ku kala goynayaa,marnaba ka filimayaan in sheekhoodan laga cilmi badiyo, waxaa bilaabmay su'aashii sheekha Cimraan la waydiinayay .

Halkii laga filaayay wax kale ayaa wadaadkii Cidagale waxa uu cod-dheer ku yidhi:-

Wadaadka Cimraanow,Quraanka Ilahay ma ku jiraa Suulad layidhaa Suratul Cimraan?

Wadaadki Cimraan ayaa yidhi, haaah nacam ,waa ay ku jirtaa!

Wadaadkii Cidagale ayaa hadana marlabaad su'aal ku celiyay wadaadka Cimraanow kuyee hadana:-

Wadaadka Cimraanow Quraanka Ilahay ma ku jirtaa Suurad layidhaa,Suratul Cidagale?

Wadaadkii Cimraan ayaa isaga oo yaaban waxa uu yidhi,Subxanalaah ,Maya kuma jirto!!

Dadkii waa ay yabeen,waxa ay iswadiiyeen Quraanka Cimraan laga helay ee Cidagale laga waayay ,waluusan wadaadka wataa sax ahayne ha ina dhaafo.

Madama ay dadkan Tulada ku dhaqani ay ahayeen dad aan aqoon buuxda u lahayn Diinta waxa ay u arkeen,in wadaadkan Qabiilkiisa layidhaa Cimraan in uu Quraankii ka xigsanaayo,sababta oo ah Qabiilkisii Cimraana waxa uu ku sheegay in uu Quraanka ku jiro Cidagalana dhamaan Quraanka waa uu uga dhaartay.

Intaasi markii ay kala gaadhay,waxaa dhacday in wadaadkii Cimraan Tuladii laga eryay shadaaftana loo laabay,madama uu Cimraana ku sheegay in Suurad Quraanka ka mida layidhaa Cidagalana uu uga dhaartay.

Maxay ayaad hadaba ka filaysaa in wadaadkaasi uu Tuladaasi kusoo kordhin doono madamaa ay aqoon ahaanba aanay garanayn in Suurad Quraanka ku jirta la yidhaa Al-Cimraan.

W/Qalinkii Khadar Aar

Waxa aan sheekadan nuxurkeeda ka helay Facebooka saxiibkay Cantar Kidaar Cunno (Cantar binu-shadaad) balse dib ayaan u quray.

No comments:

Post a Comment