SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Fanaanku ma shaqo wax-ku-ool ahbuu bulshada u hayaa,mise ?

Fanaan erayga la yidhahdaa ma waxa uu gaar u yahay oo kaliya dadka heese,misse erayga fanaan waxa uu yahay mid macne intaasi ka baladhan leh,tusaale ahaan carabta oo aan filaayo in uu eraygani dhankooda ka yimi, waxa ay erayga fanaan u yaqanaan, waxyabaha farshaxanka ah,Somalida lafteeda marka ay ku leeyihiin Fanaan ayaad tahay,khasab mahan in ay kuula jeedaan oo kaliya in aad tahay Fanaanka heesa ama kuwa wax tuma.

Fanaan Somalidu waxa ay inta badan u taqanaa kuwa heesa oo marka ay koox yihiina la yidhaa fanaaniin,eraygan fanaan waxa la odhan karaa qofkasta oo xidheedh shaqo la leh bahda fanaaniinta sida,heesaaga ,mulaxanka,musikaystaha,majaajilaystaha,balse ninka hal-abuurka ah ee sameeya midhaha heesaha isaga waxa layidhaa Abwaan.

Hadaba fanaanku waa maxay kaalinta uu kaga jiro bulshada,hadii bulshada qofkasta oo ka mida uu leeyahay xirfad u gaar ah, sida mid ka shaqeeya warshadaha,mid dharka dadka u tola ,mid guryaha dhisa iwm.

Hadaba fanaanku kaalinta uu ku leeyahay bulshada maxay ayay tahay,mase tahay kaalin lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay,oo hadii ay bulshadu ay waydo ay dhibaato soo wajahayso,tusaale ahaan,hadii ay bulshadu waydo cid guryaha u dhista ama cid beeraha u qodo, waxa hubaala in dhibaato aad u laxaad wayni ay soo gaadhayso bulshada.

Hadaba ma saxbaa, sida ay dhalinyarada qaarkood aamin sanyihiin ,in fanaanka iyo fankoodaba uu yahay kuwo kaalin laxaadle bulshada kaga jira,isla markaana ay tahay shaqada ay fanaaniintu ay hayaan ay tahay ,mid udub dhexaad u ah bulshada la'aan teedna ay adag tahay in ay noolaadan.

Hadii aan is idhaahdo waxoogaa faalo ah oo kooban ka bixi shaqada ay qabtaan dadka loo yaqaano fanaaniintu ,kuwaasi oo u badan dhalinyaro hablo iyo wiilalba ah,waxa ay ila tahay in ay qabtaan shaqo marka loo eego shaqooyinka kale ee bulshada wax u taraaya,fanaaniintu waxa ay qabtaan shaqo umada dhalinta lagu fasahaadinaayo.

Waxaa laga yabaa in dadka qaar ii qataan, in aan ahay nin weerar xoogan maanta kusoo qaaday bahda loo yaqaano fanaaniinta,balse ma ihi mana jecli in aan si khaas ah dhalintaasi u weeraro,lakiinse waxa ii muuqday in shaqada ay hayaan ay tahay mid ay If iyo Akhiraba ay ku seegayaan.

Anigu ma kala saaraayo sida ay dadka qaar ku tirabaan iyaga oo fankii horana ku sheegaaya mid aad u fiicnaa kan hadana ku sheegaaya mid milgihii iyo sharaftiiba ay ka maqan tahay,waa laga yabaa in waxooga aan sidaasi u badnayn ay ku kala duwanayeen,sida goobaha ay fanaaniintii hore wax kusoo bandhigi jireen waxa ay ahayd Tiyaataro iyo goobo ay markasi dawladu ay gacanta ku hayso.

Waxa kaloo ay fanaaniintaasi hore lahayeen maamul iyo maarayn ku ilaaliya intii karaan kooda ah dhaqanka iyo hidaha Somaliyeed,waxa ay soo bandhigi jireen Rowaayada qisooyinka iyo sheekoyinka ku jiraa ay ahayeen kuwo tariikhda ku suntan.

Hadana iyada oo ay sidaasi tahay kamay madhnayn waxyabaha dhaqan xumada ah ee ay fanaaniintaasi ay dadka hortooda ku jilayeen,iyada oo aad markasta oo aad daawato aad arkaysay nin iyo gabadh aan xalaal isu ahayn oo bulshada horteedaa ku samaynaaya wax aan islaanimada iyo dhaqanka Somalidu aanu ogolayn.

Hadaba fankan iyo fanaankan maanta, isagu kii wakhtigaasi waabu ka xag-jiraa,waxa aad arkaysaa maanta gabadh la leeyahay wa fanaanad oo laga yaaba in jidhkeeda dhamaantii uu qaawan yahay ilaa mooyaane meelo aad u kooban,waxa aad arkaysaa nin iyo gabadh wada heesaaya oo sawirka ay ku tusinayaan uu yahay mid laga xishoodo isla markana aanay indhahu eegi karayn.

Hadaba shaqada uu fanaanku dadka u hayaa maxay ayay tahay ,ma in hablo iyo wiilalba inta la isasoo qaawiyo dadka hortooda laga niikiyaa,taasi ma tahay shaqo aynaan ka maarmayn mase tahay shaqo iyo camal dad waynaha waxtar usoo siyaadinaaya,mise waa fasahaad iyo diinla-aan.

Nin fanaana oo Somaliyeed ayaa waxa laga hayaa, isaga oo markaasi la talinaaya ,waanana siinaaya ,nin dhalinyara ah oo doonaya markaasi in uu ku biiro bahdaasi fanaaniinta.

Waa kan hadalkii fanaanku :-

Adeer fanaan ha noqon,aniga ayaa sanado fara badan soo ahaa,shaqada aanu dadka u haynaa xaqiiq ahaan waxa ay tahay, qof daalan oo laga yaabo in uu shaqo ka yimi,kadibna u baahan nasasho iyo meel uu daalka iskaga biiyo,ayaanu hortiisa ka ciyaarnaa dabadana ku lulnaa,markaa waxa aan kugula talin lahaa,intii aad noqon lahayd kaa ciyara dadka hortiisa dabada lula ,noqo kan loo ciyaaro ee isagu kursiga ku raaxaysanaaya.

In badan waxa aad aragteen rag iyo dumar badan oo fanaaniin soo ahaa,oo maanta ka qooma-maynaaya wakhtigoodii aadka u qaaliga ahaa iyo wixii ay kusoo lumiyeen,waxa aad arkaysaa ragaasi ama dumarkasi oo Idacada iyo TV yada ka sheegaaya in aan heesahooda la dhagaysan iyaga oo markaasi uga jeeda in ay danbi uu uga siyaadaayo dhagaysigooda.

Waxa aan dhalinta kula talin lahaa,fanaan in la noqdo oo bulshada horteeda lasoo istaago iyada oo aan waxba lagu soo kordhinayn ,waxa ka fiican in Abwaan ama hal-abuur la noqdo oo bulshada wax loo faa'ideeyo.

Hablahana waxa aan kula talin lahaa,in fanaanad la noqdo iyo jidhka la qaawiyo mahan ilbaxnimo iyo xadaarad,bal dib u raadiyo islaamihii idinka horeeyay ee Somali usoo heesi jiray halka ay ku danbeeyeen.

Waxa kaloo jira ,waxyaabo badan oo dadka qaar iswaydiyaan tasi oo ah,maxaa sabab u ah in aan fanaan iyo balwad xun aan lakala waayin, sawtaasi ina tusi mayso in aanay ahayn shaqo hagaagsan oo xalaal ah ,dadkana waxa aan kula talinayaa in ay dhagaysiiga heesaha iska yareeyaan,waayo dhalinteena inaga ayaa ku dhiiri galinayna in ay masraxyada soo istagaan iyaga oo aan waxba bulshada kusoo kordhinaynin.

W/Q. Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment