SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xilbaan kuu magacaabay ! qaban maayoo ,waayo ma aqaanno!!

Runtii waxa aynu nahay kuwo jecel xilka iyo madaxnimada ,umalayn maayo in uu inagu jiro ama ay inagu jirto cid neceb in xil-madaxnimo loo magacaabo,maxaaban u odhan loo magacaabo, maan aayar oo dhalatay hadalkaba kusoo koobo, in aynu xil madaxnimo qabano lacag ayaynu ku bixinaa qaarkeena nafta ayaabay u huraan.

Waligaa ma-maqashay ,mase isleedahay dunida waxaa soo maray ,rag neceb in loo magacaabo xil iyo madaxnimo dawladeed ,adugu se marnaba ma ku fikirtay maskaxdaadana ma kusoo dhacday in xil-madaxnimo oo laguu magacaabay aad tidhaahdo, maya ma-qabanaayo ,waayo ma aqaano shaqadaa la rabo in aan dad waynaha u qabto.

Dawladahii soo maray wadamada muslimiinta qaar ka mida,ayaa madaxwaynahii dalka markaasu u talinaayay ,waxa uu damcay in uu xil sare u magaacabo nin wadaad ahaa,xilkaasi oo ahaa dhinaca sharciga iyo garsoorka.

Ninkii madaxwaynaha dalka ka ahaa ayaa waxa amar ku bixiyay in loogu yeedho ninkaasi uu rabo in uu xilka u magacaabo,kadibna waxa loo yeedhay ninkii isaga ahaa,markii ay madaxwaynahii kulmeen ayaa madaxwaynahii waxa uu u sheegay waxa uu ugu yeedhay oo ah in uu doonaayo in uu u magacaabo jago sare oo ah dhinaca sharciyada.

Ninkii wadaadka ahaa,ayaa waxa uu ka cudurdaartay shaqadii loo magacaabay,waxaanu u sheegay ninkii madaxwaynaha ahaa in aanu marnaba shaqada qabanayn,waayo ayuu ku yidhi ma aqaano shaqadaasi.

Ninkii madaxwaynaha ahaa waxa uu ku adkaystay in uu shaqadaasi qabto kadibna ,waxaa ka dhex dhashay buuq iyo sawaxan ,ninkii madaxwaynaha ahaa ayaa ku celiyay hadalkii ninkii wadaadka ahaa waxaanu ku yidhi shaqadan waa taqaanaaye waa in aad qabataa.

Wadaadkii ayaa waxa uu ku jawaabay shaqadan ma-aqaano,madaxwaynahii ayaa waxa uu ku yidhi Beenaale ayaa tahay ee qabo shaqadan waa taqaanaaye.

Intaa markii la iswaydaar saday ayaa wadaadkii waxa uu ku celiyay madaxwaynahii hadal ah,hadii aan run sheegaayo waan kuu sheegay madaxwayne in aanan shaqadan aqoon u lahayn, hadii sida aad igu sheegtay aan beenaale ahayna,adigu ma nin beenaale ah ayaad umada madax uga dhigaysaa,garsoorkeedana u dhiibaysaa.

Qisadan xigmada ugu wayn ee ku jirtaa waxa ay tahay,in qofku isaga oo shaqada garanaaya uu ka cudur daaran karo, sababta oo ah ,waxa uu ka baqanayaa in uu ku fidnoobo,mida labaad ayaa iyana waxa ay tahay,hadiiba qof uu shaqo ka cudur daarto sheegana in aanu aqoon u lahayn in laga dayo oo aan lagu khasbin,mida sadaxaadna waxa ay tahay madama uu madaxwaynuhu ninkan beenaale ku tilmaamay sidee ayuu umada ugu aaminaya nin beenaala ah,ilay madaxwaynaha ayaa afkiisa laga hayaa beenaale ayaad tahay'e.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment