SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Toban-ka arimood ee Lagu Marin-habaabiyo Dadka!!

Tobanka Xeeladood ee Daawadayaasha iyo Dhegaystayaasha lagu Marin-habaabiyo. (Noam Chomsky)
Warbaahintu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu horreeya ee haga ama sameeya aragtida guud ee bulshooyinka. Wax walba oo warbaahinta kasoo yeera ama kasoo muuqda lama oran karo boqolkiiba boqol waa run ama waa sax. Waxaa dhacda in ay warbaahintu inta badan u adeegto dad dana gaara leh, ha noqdaan madax, hoggaamiyayaal, iyo maal-qabeenno. Waxay mar walba u taagan yihiin inay marin habaabiyaan bulshooyinka si ay ugu suura gasho danaha dhaqaale ama siyaasadeed ee ay leeyihiin.

Mufakirka maraykanka ah ee la yiraahdo. (Nucuum Tashoomisk) ayaa diyaariyay Tobankan xeeladood. Wuxuuna tilmaamay inay Hoggaamiyayaasha dunidu aad u adeegsadaan xeeladahan.

1-Dadka oo ihtimaamadkooda lagu sii jeediyo waxyaaba yar yar oo aan dani ugu jirin, Laguna mashquuliyo dhacdooyin male-awaal ah. Si looga qaado awoodda fikir iyo dareenka ay ku dareemi karaan dhibaatooyinka ay maalin walba la nool yihiin.

2-Mushkilad abuurid iyo Xalkeedii oo la dhinac dhigo. Si aad go’aannadaada gaarka ah ee ay dantu kuugu jirto u socodsiiso waa inaad abuurtaa rabshado iyo dhibaatooyin isla markaana aad adigu keentaa xal aad soo diyaarisay oo kuu suura galin kara danahaaga gaarka ah.

3-Si tartiib ah u socodsii xeerarka aan macquulka ahayn ee aad rabto inay dadku u hoggaansamaan, iyo aragtiyooyinka aysan qaadan karin oo aad rabto inay qaataan. Haddii aad isku daydo inaad hal mar socodsiiso waxaa dhacaysa in ay bulshadu kugu kacdo oo uu kacdoon abuurmo. Marka qorshayaashaada aan macquulka ahayn iyo siyaasaadkaaga qallafsan si tartiib ah u socodsii.

4-Dib ugu dhig go’aannada ay isla markiiba ka didi karaan, Balse mar walba u sheeg in ay imaan karaan go’aannada noocaasoo kale ah, Duruuftu hadday badona ay muhiim tahay in la qaato. "Innaga oo og inay dhib tahay Inaanu go’aankaas qaadanno balse daruuri ayay u tahay shacabkeenna. Waa muhiim inaan Wax walba u hurno si aanu Mustaqbal fiican u gaarno". Ereyadaas oo kale ugu sheekee.

5-Dadka oo loola hadlo si caruurnimo ku jirto. Xayaysiisyada iyo dacaayadaha ay warbaahintu inta badan tabiso waa mid loo sameeyay sidii inuu ilma yar ku wajahan yahay. Hadafkuna waxa weeyaan in dadka caammada ah caqligooda la saameeyo oo laga dhigo qof sidii ilma yar u fekeraya oo aan gaarin bisayl dhanka fikirka iyo aqoontaba ah.

6-Caqliga qari Caadifad muuji. Dadka ula hadal si caadifadaysan oo caqliga ka fog. Waxaa soo baxaya dad aan fekerayn oo marwalba iska jilbaysan, farriin walbana si fudud ku qaadanaya.

7-Jahliga iyo Doqonnimda oo la fidiyo mar walba. Warbaahinta haddii sida saxda ah loo adeegsado waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee qofku ka heli karo farriimo maskaxda u furaya awoodihiisa qofeedna kobcinaya. Balse xeeladdanii waxay leedahay. Si ay dadku noqdaan kuwa isga kaa sacabtuma oo iska kaa daba gala waa inaad jahli ku haysaa doqonnimadana aad baahisaa.

8-Dadka ku dhiirra gali inay raalli ka noqdaan jahliga iyo doqonnimada ay ku jiraan, sidaas in la ahaadona ay tahay wax dabiicya oo iska caadiya.

9-Caasinnimada iyo dhaliilaha Dawladda loo hayo u bedel is-eedayn iyo in qofku noloshiisa canaanto. In of walboo bulshada ka mid ahi is dareensiiyo danbi inuu isagu ku jiro oo gaabisku dhinaciisa yahay, marnaba aysan xagga dawladda ahayn. Waxaa markaas dhacaysa inaysan marnaba bulshadu diidma ka muujin gaabiska dawladda kaga jira adeegyada bulsho iyo wax walboo bulshadu u baahantahay.

10-Dadka oo loo barto in kabadan inta ay iyagu noloshooda yaqaaniin. Horumarka laga gaaray dhanka cilmiga iyo tignoolojiyadda ayaa fududaynaya in dadka la barto in ka badan intay iyagu noloshooda yaqaaniin. Hadafkuna waxa weeyaan inaad kor ka qabsato oo aad fahansantahay mar walba waxa uu ku fekerayo ama sida uu rabo.

Tobankaan xeeladood waynu la noolnahay mar walba iyo maalin walba, dadka inoo adeegsanaya haba kala duwanaadaan, balse qodobadu waa isla iyagii. Warabaahinta carabtu si aada bay u adeegsadaan xeeladahaan, Masarba ha ugu darnaatee.

Haddaad xeeladahan ku dhaqanto waxaad awood u yeelanaysaa inaad hagto aragtida guud ee bulshada, islamarkaana aad marin habaabiso cid walboo aad talo u hayso.

Mahadsanidiin.

Tarjume: Qalinka C/fataax Daahir Cilmi.