SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nolosha Bini-aadmigu kama maaranto Halyeyga ,Jiirkaana u baahi badan !

Noolaha dhamaantii waxa uu u bahan yahay Geesi ama haylyay u dhabar adayga waxkasta oo ku adkaada dadka badan kiisa,Halyaygu waa ninki ama gabadh u dhabar adayga waxkasta oo dadku ay u arkaan in aanay fududayn ku dhaciiso.

Maaha oo in loo qaato in halyagu uu ku kooban yahay oo kaliya dadka balse mala socotaa in Xayawaanka laftiisu uu u bahan yahay halyay iyo geesi u badheedha waxkasta oo ay u arkayaan in ay tahay dhibaato.

Si aad sheekadan iila fahamto aan waxyar ku xasuusiyo,xawaanka Jiirka loo yaqaano oo ilaa wakhtigan xadirka ah aan lahayn Halyay difaaca kana difaaca bahasha loo yaqaano Bisada ama Dinada ,taasi oo markasta weerar ba'an ku haysa.

Waxa aynu sheeko faneed ku maqli jiray:-

Waxaa jiri-jiray Jiir farabadan oo ku jiro God ay ka dhegteen meel ay u hoydaan kagana nabad galaan xawaanka kale ee ka xooga badan ee ay ka mid tahay Bisadu ama Dinadu malaha dadka qaarna waxabay u yaqanaan Mukulaal ama Basho,inkastoo aan is idhaahdo madama Bisadaba intasoo magac loo yaqaano,maxaa jiirkana loo waayay magacyo sidan oo kale ah,balse waxa laga yaba in ay iga qarsoon tahay ee ay jiraan magacyadaasi.


Jiirkii oo godkiisii ku jira,ayaa waxaa afaafka godka usoo fadhiisatay si ay halkaasi uga ugaadhsato Bisadii,waad ila fahmaysaan sida xariifnimada leh ee ay Bisadu Jiirka uga adag-tahay iyo sida uu markan oo kale uu dareen keedu u shayaqn-karo.

Bisadii madamaa ay afaafkii Godka ay fadhido waxaa uu suura gashay in halkii xabbo ee Jiir ah ee Godka kasoo baxaba ay qabato kadibna isaga oo "Jiiiiiiqda" haya ay nafta ka goyso kadibna ay cunto oo ay caloosha u dirto.

Bisadii waxa ay noqotay mid aan dhinacna uga foof-tagin Afaafka Godkaasi,waayo waxa ay halkan ka heshay in ay si fudud oo aan lahayn daal iyo tacab in ay ku hesho cuntadeedii waliba midii ay u jeclayd oo ah cunista jiirka oo casuumad oo kale u ah.

Arintaasi aadka u khatarta ahi,markii ay muddo socotay,kooxdii jiirka ahaydna ay ogadeen in afaafka Godkoodu uu yahay waddo halaq mareen,loona fadhiyo,ay-dareemeena in halkii xabbo ee Jiir ah ee Dibada usoo baxaaba in aanu kusoo noqonayn Godkii ,waxa ay ku tashadeen in ay fikir keenaan ay kaga badbadaan wax afaafka godka u fadhiistay.

Hadaba si loo raadiyo xal,loona helo sidii looga gudbilahaa mushkiladan iyo Bisadan afaafkii godka u fadhiisatay,ee aan rabin in ay waligeed ka tagto, ilaa ay midhka u danbeeya ay ka cunayso,ayaa wax shir albaabadu u xidhan yihiin la isugu yeedhay, dhamaan Ilma Jiir oo dhan ,saqiir ilaa kabiir,si arintan soo korodhay xal looga gaadho.

Shirkii iyo isu imaatinkii ka bacdi,falan-qayn iyo wada tashi xoogle oo dhacay shirkii Jiirka .waxa talo lagu soo jeediyay qodobo ay ka mid yihiin :-

1.In sida ugu dhakhsaha badan bahashan Bisada ah ama Mukulaasha ah la iska qabto.

2.Waxa iyana shirka Jiirka lagu go'aamiyay sidii Bisada la'isaga qaban lahaa iyo xeeladii.

3.Jiirka qaar ka mida ayaa waxa ay soo jeediyeen si aynu Bisada dhaqdhaqaaqeda aynu ula socono ,una ogaana marka ay afaafkeena taagan tahay iyo marka ay meelkale inagaga maqan tahay waa in Koor qoorta loo galiyo Bisada.

4.Markii la isla gartay Shirkii Jiirka in ay aad u haboon tahay qodobka odhanaya,waa in Bisada Qoorta loo galiyo Koorta si aynu dhaq-dhaqaqeeda ula socono ,ayaa waxa soo baxay qodob kale oo odhanaaya,waa kuma ama waa Jiirkee Halyayga (geesiga) Bisada qoorta u galinaaya Koorta.

Hadaba hada sheekadu waxa ay maraysaa in la helo Halyaygii Bisada Koorta Qoorta u galin lahaa,waayo waxa uu Jiirkastaba uu ka baqanayaa ,cabsi aad u waynina ay ka haysaa ,marka uu sida Ubaxa uu Bisada qoorta u galinaayo Koorta in ay cunto.

Shirkii Jiirku halkaa markii uu marayay,lana wayay Halyay Jiir ,u tafaxayta danta iyo ka badbaadinta Bisada cunista Jiirka,waxaa dhacday in ilaa wakhtigan xaadirka ah ee aynu arkayno in aanu wali Jiirkii yeelan Halyay ama Geesi,Bisadiina ay tahay mid afaafka Godka u taagan oo aan marnaba aan jaanis siinin.

Hadaba waxa aynu sheekadan aadka u faniga ah aynu ka fa'idaysanaynaa,in halyaygu uu yahay midka kaliya ee ku dhici kara wax aanay dadka oo dhami aanay ku dhici karin,waxa kaloo iyana inoo muuqanaysay in Halyaygu uu yahay Hal qof oo naftii hore ah,kadibna ay dhacdo in umad badani ay ku badbaado Halgankiisaasi.

Umadi hadii ay Halyay waydo,ogsoonow sidaa Jiirka ayuunbay Godka ugu xaraysnaanaysaa Bisada,Bisaduna waa cadawga Jiirkee inta uu Jiirka Halyay kasoo baxaayo,Jiirku waxa uu u noqonayaa casuumadeeda.

Dadkuna haday halyay wayaan waxa ay markasta Gacan hoorsanayaan cid kale oo aan markaasu u miciin ahayn,balse cadawgooda ah,Halyey ayaynu u bahanahay ee aynu Godka Jiirka kasoo baxno oo Bisada qoorteeda Koorta u galino.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment