SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Raggu libaaxa kama halis badna !!

Hinasaha ama Masayrku waa shay dabiici ah oo Ilahay umadiisa Rag iyo Dumarba uu ku abuuray, xataa waxa aan u malaynayaa in xayawaanka qaarkiis laga heli karo Hinasaha ama Masayrka.

Ma xuma in aad Hinaasta ama uu Masayr ku qabtaa,balse waxaa xun in aad cidlo ka hinaasto kadibna aad reerka ku baabiiso,qofkasta oo inaga mida xaq ayuu u leeyahay hinasaha ama masayska,waxaase fiican in aan xadkiisa sharciga ah aan laga saarin.

Dadka badan kiisu waxa ay u haystaan in Hinasaha dumarku uu yahay mid aad u xun oo mararka qaar gaadhi kara in reerkuba uu ku burburo hadii aan si dhakhsa ah aan xal luugu helin.

Waxyabaha kale ee la ogaaday ayaa waxa ka mid ah , hadiiba gabadhi ay ninkiida ka hinaasto isla markana ay ku aragto tuhumo keenaaya in uu ku kaacayo waxyaabo laga hinaaso, waa ay adag tahay sida gabadhaasi maskaxdeeda hinaasaha looga saaraa.

Muddo aan sidaasi usii fogayn ayaan waxa aan Hinaasaha ama Masayrka aan ka qoray sheeko la yidhaahdo "Masayrka Raggu waa masiibo qarsoon" taasoo ahayd dhacdo xaqiiq ah oo soo martay dad asxaab wada ahaa oo goob wada yaalay.

Markii aan sheekadaasi qorayay iyo wixii ka horeeyayba waxa aan ogaaday in Hinasaha raggu uu waxbadan ka badan yahay kan dumarka,balse sababta keentay in Kiiska hinaasaha dumarka dusha loo saara ay tahay,cadifadooda iyo iyaga oo aan lahayn calool qarsiimo,kadibna waxa yar ee ay aragto markaaba dibada usoo saaraysa.

Balse ninku waxa laga yabaa in hadii uu hiinaase qabto ,waxa dhici karta in aanu markaaba ku degdegin in uu arinta dadka soo dhex dhigo isaga oo dhinacyo badan eegaaya ayaa waxa laga yabaa in wixii uu ka hinasayba ay meesha ka baxaan.

Ilahay inaguma keenee henaasaha mid ayaa ku gaadhsiinaaya Geeri,waxa laga yaaba in qof uu ka hinaaso shay aan markaasi uba baahnayn in laga hinaaso,balse halkii laga xalin lahaa ayaa waxa laga yabaa in arintu ay noqoto car iyo car.

Dumarka Somaliyeed ragooda waa ay jecel yihiin,waana la hubaa taasi,waxaa markhaati inooga ah sababta markasta gabadha loogu tilmaamo in ay tahay mid hinaase badan,iyaga oo waxa ay sidaasi u samaynayaan ay tahay in ay gar iyo gardaraba ay saygeeda ka hesho wax ay ku faraxdo.

Ma og-tahay Sixiroole iyo dumarku markasta in ay saxiib yihiin,balse ma iswaydiisay sababta ay dumarku Sixiroolaha ula saxiibaan,laakiinse aanay raggu saxiibka ula noqonin,maxaa keenay in saaxirka ay markasta dumarku ka raadsadaan garab iyo gashaan.

Ma-lasocotaa gabadhu marka ay saaxirka u tagayso in aanay islahayn wax xumee lakiin ay isleedahay ninkaagu yaanu meel-kale kaa marain isla markana aanu dumarkale isha la raacraacin.

Waxaa jirtay qiso odhanaysa:-

Gabadh ayaa waxa ay ahyayd mid aad u Hinaase badan,markasta iyada iyo ninkeeda waxa kala haystay mushkilad iyo is-af-garasho la'aan,waxa ay ka hinaasi jirtay wax ay xaq u leedahay iyo wax aanay xaq un lahayn.

Markii iyada iyo ninkeeda mushkilada u dhaxaysa ee hinaasaha maaro loo waayay,iyana ay diiday in ay garteeda qaatado,ayaa waxa maalin maalmaha ka mida ay go'aan satay in ay u tagto nin saaxir ah.

Gabadhii waxa loo tilmaamay nin sixirka aad ugu baas,waxa kaloo loo sheegay in ninkan saxirka ah uu yahay ,mid haween dhibteedan oo kale qabaa ay ku libaaneen(subxanala)

Waxa ay soo qadatay wax alaale wixii markaasi ay lacag yar haysatay,waxa kaloo ay dulaca soo gashatay dhamaan wixii dahab guriga u yaalay ,calashaan sixirkaasi wax kasta oo uu ku kacaayaba waa u diyaar gabadhaasi.

Waxa ay u timi nin markaasi loogu sheegay saaxir aan "loo marmaran indhaha" oo markaaba waxa ay rabto iyada oo u jeeda kala tuuraaya,waana midkii ay rabtay,sababta oo ah iyada iyo xajigeeda ayaa muran kooda xal loo wayay ,kadibna halkan ayay rabtaa rayigeeda in ay kusoo af-jarto.

Ninkii saaxirka ahaa,oo markaasi sida cadada u ah ula muuqda mid si aad ah giir isaga kicinaaya,ayaa waxa kasoo yeedhay hadalo aad moodo in uu ku dagaalaayo gabadhi,balse waa fooxle iyo saaxir cadadiiye,markii danbe dantiisa ayuu ka raacday.

Waxay u sheegtay in ay rabto in ninkeeda Sixir kiisa u wayn loogu garba duubo, oo aanu albaabkaasi gaadhin "socodkiisaa bataye"waxa kaloo ay saaxirka warka ugu dartay in uu yahay nin iyada u fiican,balse ayay tidhi saaxir waa la qaatay oo ma joogo.

Ninkii saaxirka ahaa markii uu si fiican u dhagaystay hadaladii gabadha,arkayna sida ay ninka u jeceshahay ayaa waxa uu u sheegay in uu ka aqbalay shaqada ay doonayso,waxaanu ku wargaliyay in goor aan dheerayn xajiga loosoo garba duubi doono,ay-arki doontana isaga oo magaceeda ku wardinaya afaafka gurigana aan dhanna uga dhaqaaqayn.

Waa intii ay rabtaye, dibnaha ayay qaniintay ,calooshana waa ay ka faraxday,waxa ay ku garaan-gartay iyada oo hoos isula hadlaysa,"alaylahe maantaan u helay ninkii isaga ahaa sheekh kidaabkiisa roga"ninkii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa ayay hoos iskula hadashay.

Sheekhii saaxirka ahaa ,gabadhii hadal aanay ka filayn ayuu ku soo celiyay,kuyee hadii aad ninkan aad jeceshahay ,aad rabtana in aanu gadhka iyo lawyaha isugu kaa xidhno,waxa ay u bahan tahay shaqo badan,diyaar ma u tahay oo ma kasoo baxaysaa?

Waxa ay hadal ku bilawday,haaaaaaaaaa sheekhow,waa uu idhibay isna waa dhiban yahay,maxaan qabtaa ee aad iiga bahan tahay? waxkasta oo aad ii dirito diyaar ayaan u ahay.

Sheekhii waxa uu gabadhii u sheegay shuruuda ku xidhan in ninka loo garba-duubo,taasi oo ah ayuu yidhi in aad ii keento Dhogorta Libaaxa,gaar ahaan mida kaga taala gadhka hoostiisa!

Gabadhii inta ay naxday ayaa waxa ay tidhi,oo sheekh Libaax yaa u dhawaan kara,wax kale ku badal,kadibna waxa uu u sheegay in xajadeedu ay Libaaxasi tintiisa ku xidhan tahay,hadiikalana aan arinteeda waxba laga qabanayn.

Ilayan dan-ayaa tidhiye,waxa ay soo raadisay markan cid talo ka siisa sida Libaaxa loola dhaqmo,waxa ay suuqyada warwareeg taba waxa ay heshay nin oday ah oo yaqaana xayawaanka iyo sida loola dhaqmo.

Waxa ay u sheegtay ninkii isaga ahaa duruufteedii iyo sababta ay u rabto dhogorta libaaxa gaar ahaan Timaha kaga yaala Gadhka hoosteesa,kadibna ninkii isaga ahaa isaga oo waxooga Lacag ka qadanaya,ayaa waxa uu siiyay talo ay dhogorta Libaaxa ku heli karayso.

Waxa uu u sheegay in ay tagto Kaymaha halista badan ee uu Libaaxu ku nool yahay,waxa kaloo uu kula taliyay in ay Libaaxa u qaado hilib aad u farabadan oo uu ka dhargi karo si aanu iyada u cunin.

Gabadhii waxa ay qadatay taladii ninka,waxa ay afka saartay oo ay u anbabaxday kaymaha iyo duurka Libaaxyadu ay joogaan,waxa ay markiiba la kulan tay hal Libaax oo meel cidla ah iska cedceed sanaaya.

Soo boodadii horaba waxa ay u tuurtay waslad hilib ah oo dhiigeedii wadata,hadana waxa ay ka daba gaysay mid labaad,ilayn xanjaarka ayay waxa ay ku xanbaarsan tahay neef dhan oo hilibee,hadba waslad ayay u tuurtaa.

Markan waxa aad mooda in uu Libaaxii kaba dhargay hilibkii kana caajisay cunistisoo,kadib ayay inta ay usoo dhawaatay waxooga hilib ah oo yarna afka u galisay ayay waxa ay si lama filaana inta ay lasoo baxday mindidii yarayd ee ay sidatay ka goosatay dhogortii gadhka kaga taalay ee uu u diray saaxirku.

Farxad awadeed markii ay kasoo anba-baxday Libaaxi mashxarad ayay ku dhufatay ,iyada oo markaasi ku hal-qabsanaysay xajigeedii oo leh " dawada caashaqa nin helay, cilmiga ha laguu dhigee caqliga kaashaba la yidhi.

Waxa ay sidii ay usoo rooraysay u timi saaxirkii hawshan iyada ah u diray,waxa ay u sheegtay in ay dhogortii Libaaxa ay sido,waxa kaloo ay ku tidhi saaxirow ninka ku adkee waa uu u dhibaye.

Ninkii saxirka ahaa ,waxa uu ka qabtay oo uu gacanta kaga dhigay Dhogortii Libaaxa ay doontay,waxa uu la yaabay sida ay gabadhani ugu badheedhay in ay Libaax dhogor kasoo jarto,walibana gadhkiisa hoose.

Ninkii saaxirka ahaa waxa uu waraysi danbe dib ugula noqday isaga oo yaaban sida ay dhogortan libaaxa kusoo heshay iyo dadaalka ay u martay,waxa ay u sheegtay in waxkasta oo ay samaysay ay uga jeedo in ay hanato oo aan cidina la wadaagin jacaylka ay u qabto ninkeeda.

Waxa ay saaxirkii u sheegtay ,raadinta dhogorta Libaaxa dhibtii iyo hawlahii ay usoo martay,waxa ay sheekada ugu dartay in ay halisbadan kala soo kulantay raadinta iyo kasoo goynta Libaaxa dhogortiisa.

Saxirkii waxa ay kala kulantay hadal aanay ka filayn oo ah:-

Adeer ninkaagu kama halis badna Libaaxan aad dhogorta kasoo goysay! arintuna xoogxoog maaha,sida ay kuugu suura gashay in aad libaaxa dhogor kasoo goyso adiga oo samir badan iyo siyasad badan u maraaya,ninkagana xoog kaagama baahna ee isagana siyasad iyo samir u mar.

Kadibna waxa ay gabadhii wakhtiga badani uu kaga lumay in ninkeeda loo sixro,waxa ay saaxirkii kalasoo hoyatay xigmad aad u fiican,taasoo uu ku tusaaleyay in aanu ninkeedu Libaaxa ka halis badnayn,balse ay u bahan tahay dulqaad,samir,deganaan iyo xeelado fara badan.

Dumarow raggiinu kama halis badna Libaaxa.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment