SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Garsoore iska ilaali arimahan!!

Garsoorku waa shayga ugu muhiimsan oo ay umadi horumar kuu gaadho,hadii ay umadi waydo garsoor cadaalad ah,waxaa hubaala in ay adag tahay in ay wakhti dheer sii jirto ama ay dawladnimo fiican ay hesho.

Marka aad maqasho garsoor ama garsoore macnaheedu maahan oo kaliya in ay kasuura gal tahay meel dawladi ka jirto,garsooruhu iyo galsoorkuba waxa ay ka jiri karaan dhul aan markasi wax dawlad layidhaa aanay ka jirin,sida dhulma miyiga ah iwm.

Hadaba inta aynaan u galin shuruudo kooban oo aan isleeyahay garsooruhu la'aanteed cadalad ma sayaman karo,bal horta aan sharaxyar oo kooban aan ka bixiyo garsoore dawladeed iyo garsoore ay dadku iskood u qabsadaan.

Garsoori waa nin ama gabadh garqaad iyo u garnaq u sameeyay dad dhib ay dhexdooda ka taagan tahay,kaasi oo laga rabo in uu si cadalad ah ugu garsoono,iyada oo loo bahan yahay in uu aqoontiisa garsoora nimo uu adeeg sado;qofkasta garsoore waa uu noqon karaa balse qofkasta cadaali ma noqon karo.

Garsooraha ku shaqeeya dhulka aan inta badan dawlad iyo maamul ka jirin .waxaa inta badan talada loo dhiibtaa dad loo yaqaano xeerbeegto,dadkaasi oo si fiican u kala yaqaana xeerarka markaasi mandaqadoodaasi ay ku shaqayso marka ay kala sarayaan dad dhibaato dhex dooda ka taagan tahay.

Hadaba waa maxay shuruudaha aadka u kooban ee looga bahan yahay in uu iska ilaaliyo qofka doonaaya in uu garsoore u noqdo dad markaasi dhexdooda dhibaato ay taalo,shuruudahaasi oo asaas u ah garnaqsida Muduciga iyo Mudacalayga.

Ninka gaarsooraha ah marnaba loogama baahna in dadka uu garta u qaadaayo ee Ilahay dartii ku aaaminay si cad iyo si dadbanba uu ugu kala eexdo iyada oo ay jirto sabab keenaysa in uu u kala eexdo sida Laaluush iwm oo uu ka qaatay.

Garsooraha uma banaana in uu hadyad noockasta oo ay tahayba uu ka qaato dadka uu markaasi garsoorka u yahay ee uu kiiskooda hayo.

Garsooraha uma banaana in uu xukunka go'aanka ah uu rido isaga oo markaasi xanaaqsan ama si aad ah u cadhaysan,waayo waxaa dhici karta in uu cadaladii garsoorku lahaa in uu ka fogaado xanaaqa daradiis .

Garsooruhu hadii uu yahay xiliga uu kiiska ku guda jiro mid ka fikiraaya arin dhibaato ah oo isaga si gaar ah u haysata,xaq uma laha in uu kiiskii uu gacanta uu ku hayay in uu inta uu dadajiyo uu go'aan kasoo saaro,waayo waxa dhici karta in mushkilada gaarka ah ee isaga sida goonida ah u khusaysa in ay cadaladiisi wax u dhinto.

Garsooraha uma banaana in uu xiliga uu gajaysan yahay in uu kiiska uu gacanta ku hayo in uu dhagaysi fiican u yeesho ama uu go'aan dhaxal gal ah kasoo saaro,waayo waxaa dhici karta in uu ka fikiro in uu kiiska hore isaga dhameeyo si uu u raadsado cunto uu gajada isaga biiyo,waxana muhiim ah in garsooruhu uu kiiska gudagalo xilli aanay wax baahiyii aanay hayn,xaata aaanu u babahnayn wax biyo ah,haraadna aanu haynin.

Garsooraha looma baahna in uu kiiska guda galo xilli uu hayo dareen dumar ama ay hamadiisu kacsan yahay,sababta oo ah waa maqane jooga.

Garsooraha had iyo jeer waxaa muhiima in uu yahay nin aan caajis badnayn, hurdaduna aanay ku yarayn,hadii uu yahay xiliyada uu kiiska ku guda jiro mid ay markaasi hayso Lulmo ama hurdo sax maahan in uu dhagaysto ama uu go'aan cadalada kasoo saaro kiiska uu dadka u hayo.

Garsooraha uma fiicna in uu kiis dhagaysi ah uu dhexgalo isaga oo markaasi safar dheer kasoo galay,una baahan in uu horta ehelkisii iyo gurigiisii ka wardoono,waxa fiican xiliga uu si fiican u diyaar garoobo in uu garnaqsiga bilaabo.

Garsooraha uma banaana in xiliga farxada aadka u badani ay hayso iyo marka ay murugada ugu badani ay hayso in uu go'aan kasoo saaro kiiska uu gacanta uu ku hayo,waayo waxaa dhici kara in go'aanka uu soosaaro xiliga uu farax san yahay in uu raad ku yeesho farxadiisa ama murugadiisa.

Garsooraha looma ogola in uu isaga oo xanuusanaaya in uu garnaqsi u sameeyo dad uu markaasi kiiskooda hayay,waayo waxa dhici karta xanuunka hayo jidhkiisa awadii in uu waxbadan qaldo ,dulqaadkuna uu ku yaraado.

Garsooraha uma banaana in uu kiis garnaqsiya uu dhex galo isaga oo ay si xad dhaafa ay u hayso Kaadi ama Saxaro,waxaa fiican marka uu xajadiisa soo dhamaysto in uu kiiska gudagalo,hadii kale waxa dhici karta in uu dedajiyo dhagaysiga ama go'aanka kiiska isaga oo ka fikiraaya aad xaaja gudatid,halkaana ay cadalad daro ka timaado.

Garsooraha uma banaana, in uu kiis uu gacanta ku hayo uu guda galo,goob ama Guri maxkamadeed oo ay ka jiro gudaheeda qabaw aad u darani ama kulayl aan la xamili karayn,waayo waxa ka dhalan kara in garsoorahu uu waxbadan oo kiiska ku shaqa lahaa kulayl ama qabaw daran awadeed uu *Ilduufo ama uu dedajiyo si uu uga baxo goobtan.

Garsooruhu xaq uma laha in ninka ama gabadha garta loo sheeganaayo in uu hadalka isaga ku horaysiiyo isaga oo aan waxba waydiin qofkii mudiciga ahaa,taasi waxa ay noqonaysaa dulmi laga galay garsoorkii,waxaa loo baahan yahay in marka hore wax la su'aalo qofka gashiga ama mudiciga ah kadibna mudacalayga la yidhaahdo ka jawaab.

Garsooruhu xaq uma laha waana baadil hadii uu dhinac kaliya inta uu dhagaysto uu gartii go'aan kasoo saro,hadii uu kuu yimaado qof dhibane ah oo aad aragto isaga oo Ishisii gacanta ku sita, kuuna sheego in uu qofkale kasoo riday Isha ,ha ku degdegin in aan qofkii kale danbiile ku xukunto,waayo waxa laga yabaa in kiikalana uu kuu yimaadi iyada oo labada indhoodba ay maqan yihiin ,isla markana uu kasoo riday kan halka Il laga soo tuuray.

Garsooraha waxaa waajib ku ah in garnaqsiga labada dhinac uu qoral ku sameeyo,ama ay u qoraan cid uu ku kalsoon yahay ,waayo waa ay adag tahay in hadii an la qorin la xasuusto wixii ay ku garameen mudiciga iyo mudacalaygu.

Garsooraha uma fiicna in uu gar laba qof gudagalo isaga oo markaasi ku guda jira xaalad safar,tusale ahaan waxaba garsooraha u taagan oo sugaysa Diyarad ama gadhi iwm,taas awadeed waxa u fiican in uu kiiskaasi cidkale oo joogta ku wareejiyo.

Garsooruhu xaq uma laha in uu dhariyo ninka mudacalayga ah ilaa uu ogolansho dhaarta ah uu ka helo Mudiciga .

Garsooruhu xaq uma laha labada qof ee dooda dacwadu ka dhaxayso mid kamida ama labadaba in uu dooda iyo garta u hagaajiyo una toostoosiyo ama uu xasuusiyo wax ay ka tageen dadka dacwadu ka dhaxaysaa,waxa kaliya oo isaga shaqadiisa ah in uu doodooda dhagaysto kadibna xukun kasoo saaro.

Garsoorahu xaq uma laha in dadka markhatiyada ah in uu ka codsato in ay hadalka soogabiyaan,waayo taasi waxa ay noqonaysaa markhatigii oo badh laga tagaayo ama loo diidaayo in ay wixii ay markhaati ka ahayeen ay dhamays tiraan.

Garsoorugu waxaa waajib ku ah in aanu hadal kulul iyo mid dagaal u eegtoona aanu markhatiyada ku weerarin isla markan aanu ugu hanjabin, in uu xidhaaya iyo in uu dhibaato gaadhsiinaayo ,hadii uu sidaasi ay dhacdo waxa xumaandoona kalsoonida markhatiyadu ay ku qabaneen garsoorka oo dhan.

Garsooruhu markhati ma waydiin karo qof uu u arkaayo in uu yahay mid waalan,Khamri iwm cabsan ama ah, nin lagu tuhmaayo in uu yahay qof beenta cadaystay laguna yaqano.

Garsooruhu xaq uma laha in markhaatiyada uu ku xujeeyo in ay sheegaan qofkan uu markhatiga u furaayo halkii ay isku barteen,ilaa xaalad gaar ah mooyaane,waayo waxa laga yabaa in qofkan markhatiga ahi waxan uu ka markhati galayaaba uu yahay arin markaasi si kadisa ah hortiisa uga dhacday,muhiimada markhatiguna maha in aqoon loo yeesho muduciga iyo mudacalayga ee waa in laga markaati furo sidii ay waxan la isku hayaa ay u dhaceen .

Garsooruhu waxa uu xaq u leeyahay in uu ka fiirsado dadka uu markhatiga waydiinaayo iyo xidhiidhka ka dhaxeeya dadka dooda dacwadu ay ka dhaxayso,garsooruhu waxa uu xaq u leeyahay in uu duro ama uu markhatigooda diido dadka qarabada aadka isugu dha,isku xisbiga ah ama isku ururka ah iwm,waayo waxa laga baqanaya in ay isu eexdaan,waxa hubaala nin ilahay ka baqanaya mooyaane in aanu ninna Abigii,Hoyadii iyo walaalkii markhaati ku furayn hadaynu Somali nahay.

Garsooraha waxaa fiican in uu hubiyo ,hadii ay markhatiyadu ay yihiin kuwo ay cadaw yihiin cidan ay markhatiga ku furayaan ,waayo waxaa dhici karto in aanay furin markhaati cadalad ku dhisan.

Garsoorahu waa in uu hubiyo hadii kiiska uu hayaa uu u dhaxeeyo nin reer magaal-gaboobay (qalanbaawi) ah iyo nin reermiyo badwiya ah,markhaatiyada ay keensadaan,gaar ahaan hadii ninka badwiga ahi uu keensado markhaatiyo reer magaal ah.

Garsoore kasta oo maxkamad sharciya fadhiya ,isla markana kiis uu gacanta ku hayay go'aankiisa soosaara maalmaha ama xiliyada magalada uu joogo ama wadanka uu jooga uu ku jiro fasax ama Holiday waa kiis baadali,waxaanu garsoorahaasi ku mudan karaa ciqaab;

Tusaale ahaan,nin garsoore ah ayaa waraaqda uu go'aanka ku sooray waxa ay ku tariikhaysan tahay maalin Jimce ah, ama Ciid ah ,amaseba maalmaha kale ee uu wadabnku fasaxyada leeyahay,taas waxa loo arkayaa in ay tahay go'aan aan sharci ahayn.

Garsooruhu maaha in uu xidhiidh joogta ah ama aan joogta ahayn oo ka baxsan kiiska uu hayo uu la sameeyo dadka uu markaasu u garnaqaayo, sida in uu raaco babuurtooda iyo in uu tago guryahooda hadii aanay jirin duruuf kale oo la xidhiidha shaqada uu hayo.

Culimadu muslimku iyaga oo raba in ay ilaaliyaan xaalada qofka garsooraha ah,waxa ay gadheen in ay ka fikiraan in garsooraha loo diido in aanu cunin cuntooyinka keena caajiska iyo Lulmada,taas oo loo diidaayo in uu ka caajiso kiiska uu hayo oo lagaba yabo qaarkood in ay yihiin kuwo xaasaasi ah.

Waxaan halkan idiinka sheekaynayaa qiso yar oo ka dhacday wakhti wakhtiyada ka mida magaalo ka mida dhulka Somalida ,taasi oo aynu ka dheehan karno garsoora xumada mararka qaar dhacda.

Nin garsoora ah ayaa waxa u timi gabadh ka rabto in uu Fasaq (nin ka fur) u sameeyo ,iyada oo markaasi ka cabanaysa nin keedii oo markaasi muddo aad u badan ka maqnaa,waxna an ku tarin.

Hadaba ninkii garsooraha ahaa gabadhii waxa uu wadiiyay in ay keento waraaqdii nikaaxa ama shahadadii guurka,taasi oo ay markiiba tustay,balse waxaa dhacday in garsoorahii uu soo saaray go'aan ama qaraar uu ku caday naayo in uu gabadhaasi ninkii ka fasaqay kana furay.

Hadaba midhka layaabka lihi waxa uu ahaa, in uu garsoorahii ,warqada uu go'aanka ku qoray ay ku tariikhaysan tahay, tariikh ka horaysay tan ay ku qoran tahay warqada guurka ama shahadada nikaaxa,taas awadeedna ay arintii isu badashay mid fashilan.

Waxaan garsoorayasha kula talin lahaa in ay waxbadan ka foojignadaan.

W/Q . Khadar Aar

No comments:

Post a Comment