SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shimbir kasoo Ambabaxay Waaqoyiga Shinaha oo soo Gaadhay Muqdisho.

Shimbirka Meng, ayaa Socdaal dhib badan kaddib si nabad ah kusoo gaaray Soomaaliya, isagoo hadda ku sugan xeebaha Magaalada Muqdisho .
Shibirkan Meng lagu magacaabo, ayaa waxaa ku xidhan Qalab muujinaaya halka uu marba marayo, ka hor intii uusan ka soo duulin Waqooyiga Waddanka Shiinaha.
Milkiilaha Shimbirkaan oo u dhashay Ingiriiska ayaa ku nool Magaalada Beijing, Waxaana shimbirkan iyo shimbri kale oo la socday lasoo diray Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania.
Shimbirahan waxaa lasoo diray Bishii September ee Sannadkan, waxayna ku qaadatay Meng inuu yimaado Soomaaliya masaafo gaadhaysa 3,400-km oo aan hakad lahayn illaa markii uu safarkiisa soo billaabay.
Dhanka kale, Shimbirkan Meng ayaa Salaasadii shalay soo gaadhaay Xeebaha Muqdisho, wuxuuna weli ku suganyahay Xeebta, iyadoo Ninka Shimbirkaan iyo labada kale u soo diray Afrika uu ku sheegay inay ujeeddadiisu ahayd in uu horumarinyo deegaanka iyo noolaha kale.
Shimbirka ayaa intuu kusoo jiray Safarkiisa wuxuu la kulmay dabeyl aad u xoog badan, inkastoo uu ugu dambeyntii uu kasoo gudbay uuna Magaalada Muqdisho yimid.
Meng oo Macnaheedu yahay shimbirka Riyada ayaa wuxuu ka mid ahaa xayn shimbiro ah oo uu leeyahay, Terry Townshend oo ah Shimbire-dhaqaaleeye u dhashay Britain, wuxuuna u dhaq-dhaqaaqa bad-baadada deegaanka.
Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa; Flappy iyo Skybomb, waxaana Flappy uu joogaa dalka Kenya muddo bil ah isagoo kasoo hormaray Meng, wuxuuna 15 jeer galay Sohdinta Somalia ka hor intuusan Meng imaan Soomaaliya.
Balse, Nasiib-darro mar ayaa Flappy laga waayay qalabka xogta keydinayay, inkastoo dib loo helay markii dambe, kaddib markuu dib ugu laabtay meeshii loogu talo-galay oo ahayd dalka Kenya.
Ugu dambeyn, Imaanshaha Men gee Somalia ayaa aad uu u soo dhameeyay Milkiilaha iyo Ardeyda saaxiibbadii ah, iyadoo Warbaahinta Bulshada aad ugu hadal-haya booqashada Meng ee Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment