SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxwaynahii ugu Warqad akhriska badnaa Somaliland.

Somaliland waxaa soo maray madax aad u fara badan,kuwaasi oo midkastaaba uu lahaa khibradiisa aqooneed ee uu umad ku hogaamin karo,waxa lasoo arkay Somaliland gudaheeda Madaxwayne inta uu soo istaago goobaha dadka lagala hadlo isaga oo aan warqad ka akhriyayn khudbadiisa dadka usoo bandhiga.

Somaliland maanta waxa madaxwayne ka ah Axmad Maxamed Maxmuud Silaanyo,waa nin marka ay warbaahintu ay magaciisa akhriyayso ama ay qorayso ay israciyaan afarta madac ee uu madaxwaynaha magaciisu ka kooban yahay kuwaasi oo ah ,Axmad Maxamed Maxamuud Siilaayo.

Inta badan wakhti ad u dheer ayay ku qadataa warbaahinta in ay magaciisa afarta weedhood ka kooban in ay israciyaan,mararka qaarna waxaaba dhacda in hadii madaxwaynaha afartiisa magac aan la isba raacin in laba garan waayo.

Hadaba madaxwayne A.M.M.S waxa uu noqday sanadkan ama sanadahanba aan idhaahdee madaxwaynhii ugu magaca dheera isla markana ugu waraaq akhriska badnaa,taasoo aad markasta aad arkay Madaxwaynaha oo warqad ka akhrinaaya khudbadaha.

Madaxwayne A.M.M.S ma uusan ahayn dadka looga bartay in ay khudbadaha ka akhriyaan warqadaha,waxa uu ahaa nin kalsooni dheeraada isku qaba aftahano iyo aqoona ulahaa qaabka khudbadaha loo jeediyo.

Hadaba waxa uu noqday madaxwayne A.M.M.S Madaxwaynahii uguna magaca dheeraa dhanka akhrinta uguna warqad akhriska badnaa dhanka khudbadaha.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment