SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wasiirada kaanbaynka ayaa hada shaqada la qorayaa.

Madaxwayne Axmed Silaayo oo la filaayo in uu isku shaadhayn cusub oo hor leh uu dhawaan bilaabi doono,wararka laga helaayo ila lagu kalsoon yahay ayaa waxa la filayaa in Madaxwaynhu wakhtiyada inagu soo foole uu isku shaadhayn aad u baaxad wayn uu ku samayn doono dawladiisa.

Waxyabaha la saadalinayo ayaa waxaa ka mid ah in ay jiri karanaan rag badan oo wakhtigan xaadirka ah wasiiro in ay seefta madaxwaynuhu ay la tagi doonto,waxa kaloo iyana la saadalinayaa in madaxwaynahu oo wasiirada hada qaar ka mida isku badal ku samayn doono qaarna ay shaqadooda waayi doonaan.



Raga la saadalinaayo ayaa waxa ka mida Axmed Ismaciil Samatar oo la fiilaayo in loo magacaabo wasiirka Arimaha Dibada,taas oo uu inbadan ku naaloon jiray in uu siyasada dibada ee Somaliland uu wax kusoo kordhin doono.
 
Waxa kaloo iyana dadka qaar siyasada u dhuun daloola ay sheegayaan in Madaxwayne siilaanyo wasirada uu hada keenay ee cusub iyo kuwa kale ee soo socdaba loogu talagalay in ay hawl-maalmeedkoodu uu noqdo kaanbaynka dorashada inagu soo foole,hadiiba ay dhacdo oo aan xeligeeda aan laga dib dhigin.

Wakhtiyada xukumadahu ay isbadalada noocan ah ay samaynayaan waa xiliga ay ugu jahawareerka iyo warwarka badanyihiin siyaasiyiintu.waxa kaloo la sheegaa in wakhtigaasi ay siyasiyiintu ay ka xanaqaan talafonada kusoo dhaca kuwaasi oo ay inta badan u qataan in loo sheegaayo in xilkii laga qaaday.

Waxa kaloo iyaguna wakhtigan oo kale farxada iyo rayrayntoodu ay cirka gaadhaa wasiirada ama siyasiyiinta hawlgabka ah ee aan markaasi wax shaqo ah aan haynin,sababta oo ah waxa ay naawilayaan ama rajaynayaan in ay qayb ka noqon doonaan shaqaalaysiinta wasiirada cusub ee dawlada.

Isku soo wada duuboo xiliyada ay sidan oo kale ay dorashadu usoo dhawdahay waxa lagu yaqanaa xukumadaha in ay isku shaadhaynta ay samaynayaan ay uga jeedaan in ay doorashada ugu diyaar garoobaan,kenaana afmiishariinta kaanbaynka doorashada wax ka taraaya.

Hadii aanad ahayn wasiir afmiishaara isla markana aan reerkiisa afmiishaarnimo kusoo xaraynayn ha ku talagalin in aad ka mid noqoto wasiirada hada kiyuuga shaqada ku jira-

Hadii aan in uun ahayn qof ku lug leh dhaqdhaqaaqa siyasada ama aad ma mid ahayd wasiir hore shaqada looga eryay ,ka faaidayso wakhtigan oo kale in laguu yeedho ama aad magacaaga uun aad ka maqasho idacada.

No comments:

Post a Comment