SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Run sheeg ,run iyo been sheeg,Been qayaxan sheeg!!

Beentu mahan wax aad u wanagsan,mana aha shay in laga caado dhigto ay fiican tahay,noloshu hadii ay been ku dhisnaato waxa ay noqonaysaa mid khayaali ka abuuran,waayo waxa ay ka fogtahay xaqiiqda iyo runta jirta.

Beentu waxkale maaha ee waa noloshan aduunka ee markaasi jirta wax aan ka suura gal ahayn ama aan jirin oo uu qofku kuu sheego,beenalahu waa sida sixiroolaha,waxa uu kaa dhadhicinaya wax aan jirin walina aan dhicin.

Waa ay jiraan asbaabo ay banaantahay in uu qofgku Been sheegi karo kuwaasi oo ay Diinteena sharafta lihi ay aad uga hadashay,balse waa kuwo ku kooban marxalado gooniya,oo markaasi nolosha Adanaha soo mara.

In badan waxa aynu maqli jiray in raga Somalidu marka ay dumarka guursanayaan isla markaana ay shukaansanayaan in ay ku hasawiyaan been iyo borobogaando aanay waxba ka jirin,taasina ay aakhirka kasoo shaacbaxdo.

Balse waxa aadba modaa in wakhtiyad aynu hada ku jiro in dumarka laftoodii ay la qabsadeen beentii badnayd ee ay raggo ku hasaawin jireen dumarka,kadibna waxabad arkaysaa gabadh u baahan in been loo sheego si ay nafteeda been ugu sheegto.

Nin ka mida dhalinta Somaliyeed ,ayaa waxa uu iiga sheekeyay in wakhtigii uu ku guda jiray in uu uu guursado in hasawe sadax geesa uu hablo kula jiray,waxa kaloo uu uu sheegay in sadaxdaa hablood ee uu la sheekaysanaayo in uu midkasta qaab-gooniya kula macaamili jiray.

Waxyabaha aadka isoo jiitay ayaa waxa ka mida,waxa uu ii sheegay in sadaxdaa gabdhood midkasta uu kula dhaqmi jiray qaab gooni ah,sida isaga oo midkasta kusoo jiidanaaya wax gaar ah oo aanay tan kale ka warhayn.

Mid ka mida gabdhaahaasi waxa uu ii sheegay in uu Runta u sheegi jiray ,lana socodsiin jiray waxkasta oo xaladiisa nololeed ku saabsan,haday tahay shaqo iyo haday tahay dhaqaale,balse waxa uu ii sheegay in gabadhaasi aanay marna ku qancin waxyabahaasi xaqiiqda ah ee uu u sheegay,kadibna ay ku gacan saydhay barnaamijkii uu ka doonayay.

Gabadha labaad waxa uu ii sheegay in uu waxoogaa Been ah iyo Runba isugu dari jiray,madamaa gabadhii uu aadka u jeclaa ay ku diiday kuna nacday runtii biya-kama-dhibcaanka ahayd ,waxa ay la noqotay bal in uu tan labaad runta ka yareeyo waxoogaa Been ahna sheekada ugu badhxo si uu markaasi usoo jiito .

Waxabase layaable sida uu ii sheegay in gabadhaasi uu runta iyo beenta uu isugu daray iyana ay saluug badan ka muujisay waxyabahii uu kala hadlaayay, gaar ahaana ay qawaday hadaladiisa intii runta ahayd ee noloshiisa saamaynaysay.

Waxaa markan lasoo gaadhay in gabadhii sadaxaad ee uu la sheekaysanayay uu ku maaweliyo Been qayaxan oo aan hal-xabbo oo run ahi aanay ku jirin,haday tahay dhinaca shaqada iyo hadii ay tahay noloshiisaba,kadib markii uu ku indha sarcadiyay in uu yahay Bayloodkii qaranka ay u riyaaqday kadibna ay ka ogolaatay waxkasta oo uu markaasi ka donayay.

Miyanay wax lala yaabo ahayn in gabadhaasi ay si aad ah uga mabsuuday ninkaasi Beentii faraha badnayd oo uu kusoo jidanaayay,iyada oo ay dhici lahayd in haduu uu run u sheego in ay ku nici lahayd.

Hadaba waxa aan kula talin lahaa Hablaha Somaliyeed,in ay iska ilaaliyaan in noloshooda lagu maaweliyo wakhtiga guurka Been iyo borobogaando,qofkii ay akhlaaqdiisa iyo diintisa ku kalsonadaana aanay kaga tagin runta ka jirta noloshiisa,waayo beeni bari ayay guriga burburinaysaa balse run ayaa markasta Guryahu ay ku dhisan yihiin.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment