SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sawirro: Qabsashadii Qandala iyo xaalada deegaanka oo aad looga deyriyay.

December 08 Ciidamada Puntland oo taageero ka helaya maraakiib Ciidamada caalamiga ee ku sugan xeebaha ayaa shalay ku guuleystay inay ka saaraan Qandala dagaalyahano ka tirsan Daacish oo muddo bil iyo maalmo ku sugnaa deegaankaas.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo hoggaaminayay ciidamada la wareegay Qandala ayaa sheegay in ka deyriyay xaalada deegaan ee Qandala, isagoo ku eedeeyay kooxdii gacanta ku heysay inay bur buriyeen dhamaan adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada.

Waxaa uu sheegay in dab la qabad siiyay guryo, goobo caafimaad iyo ceelashii, waxaa uu ku nuux inay ahaayeen kooxo cadaw ah oo aan rabin deegaanka lagu noolaado.

Ciidamada Puntland ayaa Badda iyo Barriga ka weeraray Qandala oo ah deegaan istiraatiiji ah oo dhacda Badda Cas, waxaana Ciidamada ay calanka Puntland ka taageen Guriga Cad, halkaasoo 26-kii bishan markii ay la wareegeen Daacish ay iyana calan madow ka taageen.

Sawiro la soo bandhigay ayaa muujinaya Ciidamada Puntland oo Badda iyo Barriga ka galaya Qandala, waxaana la arkayay doonyo dheereeya oo ay isticmaalayeen Ciidamada Badda Puntland

No comments:

Post a Comment