SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sirbaan kuu sheegayaa, saxiib sirtaa ha sheegin!!

Nolosha dhamaanteed waxa ay ku dhisan tahay sirta iyo in aan wax walba aan la sheegin,ma jiro noole aan lahayn sir xataa xawaankana ha ahaate,kuwaasi oo dhashoodo meel ku qarsada sir u ah,hadii sir la waayo ogsoonow nolosha dhamaanteed waxa ay isu badalaysaa mid aan macno badan aan lahayn.

Dadka qaar waxaa laga yabaa in waxkasta ay u qataan in ay sir tahay,sirto waa shayga hadii qofka lagu aaminay laga maqlo ay dhici karto in ay dhibaato ka dhalato,balse waxkasta oo la'isaga sheekeeyaa sir maahan.

Waxa aad moodaa waayadan danbe in sirta iyo wax qarintu ay inagu yaraatay,taas awadeed ayaa waxa dhacday wakhtiyadan danbe ,in sir in laqariyo iskadaaye la radiyo sir la sheego,waxa aad markasta dadka dhexdooda aad ka maqlaysaa ,qof midkale ku leh hada sir ayaan kaa hayaa.

Sirtu waa qayb nolasheena ka mid ah,hadii ay tahay hal qof ,koox ama dawlad waxa aynu nolosha ku wadaagnaa waa sir,sirtu waxkale maaha,waxa uun ay tahay waxyaabo qofka gaar u ah oo aanu jeclayn in ay bulshadu ogaato,waxasi ha fiicnaado ama ha xumaado.

Waxaa hubaala hadii aad tahay mid dadka sirtooda raacraaca oo sheegshiiga ,adigana taada ayuunba dibada lasoo dhigayaa,sirtu maaha oo kaliya waxa uu qof kuu sheego ee uu kugu aamino,balse waxaa iyana sir ah wax aad meel ka maqashay oo u baahan in la qariyo.

Si aynu u ogaano qofka sirta sheegaa had iyo goor dhibatada uu leeyahay,bal waxa aynu waxyar akhrisan doonaa qisadan hoos ku qoran,taasi oo ka turjumaysa sadax nin oo saxiibo ahaa,kadibna midkastaaba kan kale uu rabo in uu u sheego waxyabaha uu balwada iyo dhaqanka u leeyahay ee aanu iska dayn karayn , sadaxda nin waxa ay ka wada shaqeeyaan goob Lacag ganacsi,waatan sheekadii.

Maalin maalmaha ka mida ayaa waxa goob isugu yimi sadax nin oo saxiibo rumaad ah,waxa uu midkastaaba ku talagalay in uu maanta soo bandhiga waxyaabaha uu balwada iyo dhaqanka u leeyahay,balse ku adkaaday in uu iska daayo.

Saxiibkii kowaad waxa uu yidhi :-

Anigu dhibatada ugu badan ee naftayda haysata ,isla markana aan sinaba uga jari-kari-la'ahay waxa ay tahay ,waxa loo yaqaano Tuugada,aniga iyo Lacagna waxa naga wada dhaxeeya aragtida,waad la wada socotaan hada shaqada aan hayaa waa mid la xidhiidha Lacag,inta goor ee aan Lacagtaasi xaday tiro-malaha .

Saxiibkii labaad waxa uu yidhi :-

Aniga saxiibayaal dhibtayda ugu wayni waxa ay tahay Dumar,hadii aan gabadh meel maraysaba aan arko xaalkaygu waa uu isbadalayaa,mana dhaafi karo ilaa aan gabadhaasi la hadlo ama aan xumaan waydiiyo mooyaane.

Waxyabaha kale ee iigu daran waxaa ka mida,xumaanta aan hablaha iyo dumarka ku samaynaayo,xataa ma dhafaayo kuwo ehelka iyo qarabada ii ah,bal-iskadaaye waxaa iga baxsan'la ,dumarkii jaarka,xaaskayguna war kama hayso.

Saxiibkii sadaax waxa uu yidhi :-

Ninkii sadaxaad,halkii laga filayay in sida raga kale uu isaguna dhibta ugu badan ee haysata uu ka hadli lahaa,ayaa waxa uu markii bilaabay in uu ooyo,ilmada ayuu iska tiray,beerka ayaa afka yimi ilaa la aamusiin kari waayay.

Markii dane ayaa isaga oo hiinragayaa,ayaa waxa uu damcay in uu isna sheegto dhibta ugu badan ee haysata,kadibna waxa uu yidhi:-

Nimanyahaw aniga dhibta iigu daran ee i haysata waxa ay tahay,hadiiba wax la ii sheego sir ah ma qarin aqaano,in aan sheego oo waliba aan meel dad joogaan aan ka sheego mooyaane habeenkii xalay tagay in aan qariyo.

Waxaa kaloo iyana wakhtigan xaadirka ah calool-yow ba'an igu haya sidii aan u qarin lahaa sirtaa uu midkasta oo idinkamidii uu iigu sheegay,waxanan hubaa in barri marka uu waagu baryo in midkasta oo idinka idinka midii uu suuqa ka maqli doono wixii uu halkan ka yidhi.

Markii uu hadalkiisii dhamaystay,ayaa labadii nin ee kale ee midkastaaba uu sirtisii iyo ceebahiisii uu banaanka soo dhigay,waxa ay ka qoomameyeen sheegitaankii ay sheegeen sirtoodii,waxanay ogadeen in laga bilaabo maanta wax u qarsooni aanay jirin.

Dadka badan kiisa waxaa u caado ah in ay ku yidhaahdaan sir ayaan kuu sheegayaa,waxaan kaa codsanayaa ha sheegin,balse ma xuma hadii uu adiga kaligaa kuu sheegaayo,waxa laga yabaa in dad aad u farabadan uu sidan oo kule ku yidhi.

Sirto waa nolosha adanaha qaybta ugu muhiimsan,inta aad sirta dadka ilaaliso ayuunbaa adigana taada la ilaalinayaa,ha noqon sida dadka yidhaahda anigu ma ihi sanduuq wax lagu qarsado,sirto waa sida amanada.

Waxa laga yabaa in qof uu kuu dhiibto lacag amaano ah, isla markana uu kagala dardarmo in aanad ku takrifalin,balse ogow hadii aad amaanadaasi aad cunto in ay dhici karto in aad bari iska bixiso,balse hadii sirtii laguu dhiibtay aad dadka u sheegto ma ogtahay in ay tahay amaano aan la iska bixin karayn if iyo akhirabana aad ku halaagmayso.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment