SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Abaarti la magac baxday ha dhaqaaqin.

Waar anagu waxan aad ka hadlayso ma lihine saani wax noo sheeg adeer.Mida kale ,maxaad uga hadli la`dahay xafladii aad ku sii cararasay

Dhaqaneiyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegayso.

Dhaashane:Waar ma maqashay abaartan waxaa loo bixiyey :HA DHAQAAQIN?Dalkii oo dhan bay saamaysay dee.Meel loo dhaqaaqaa ma jirto.

Dhaqane:Yeelkeeda mar hadii Kulmiye laga bedelay e waxaan Kuu sheegayaa afartan wasiir hadaa iska bedeshaan ma ogtihiin in wax badani idiin hagaagi lahaayeen?

Dhaashane:Waa afartee?

Dhaqane:Waa wasiirka qabyaalada.wasiirka qarash ururinta,wasiirka qarsoon iyo wasiirka qooto qootada.

Dhaashane:Waar anagu waxan aad ka hadlayso ma lihine
saani wax noo sheeg adeer.Mida kale ,maxaad uga hadli la`dahay xafladii aad ku sii cararasay eed lahayd waxa imanaya madaxweyne ku xigeenkii mustaqbalka?Anigu ninkan markaan arko Siyaad bare ayaaban xasuustaaye.

Dhaqane:Madaxweyne ku xigeenka mustaqbalku adeer abaaraha ayuu dadka ku wacyi gelinayey.Wuxuu lahaa ,dadkiini wuu bakhtiyayaaye waxba ha ka hakranina .Hadaa ma sidiinaad doonaysaa intuu Burco fadhiisto inuu dadka qabiil u kala qayb qaybiyo?Mida kale ,Horta kuwiinan reer Hargeisa Burco ma NATO iyoWAARSO ayaa u taqaaniin?

Dhaashane:Waar horta socod barta adeer.Madaxtooyada ma waxaad u haystaan meel xisbigii maanta la sameeyaaba beri iska tago?Waar meesha kaadidaadaa loo soo cabaa adeer.

Dhaqane:Sowtaan idhi;

Xisbi garsho dheeroo

abaal ruuxi noo gala

u gudaaya baan nahay

Guud ahaan dadweynaha

Waxa lagu garsooraa

Waa cadaalad guunee

Xisbi aan gefaynoo

Garanaaya baan nahay.

Waa qalinkii:Baxnaan x adeen diiriye

Sweden

No comments:

Post a Comment