SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sadax-jeer ayaan imtixaan ku dhacay ,sodon jeerna shaqo ayaa la ii diiday !

Mr. jack Ma waa 51 jir hantiile ah oo u dhashay dalka shiinaha kaaso haysta lacag balaayiin doolar ah,waxaa uu kamid yahay dadka ku guulaystay hal aburka ganacsiga (enterpreneurship) kadib markii uu mulkiile ahna maamule ka noqday shirkad la yiraahdo alibaaba group holding limited oo ah shirkad dhinaca internet ka wax ku iibisa,

Mr jack waxaa uu aasaasay sanadkii 1998 websiteka ganacsi oo layiraahdo alibaaba.com si u ugu xiro waxsoo saarka shirkadaha shineyska ahisi fudud loo ogaado waxa ay soo saaraan loogana iibsado isla websitrkaas taas oo uu ku guulaystay, lakin hadii aad akhrido taariikhdiisa wax badan ayaa laga baran karaa,

Mr jack mar uu waraysi siinayay saxafi maraykanka u dhashay ayu sheegay inu ku guuldaraystay waxyaabo badan ka hor inta aanu aasaasin shirkadan uu ka taajiray ee alibaba.com, wuxu sheegay inu 3 jeer ku dhacay imtixaan uu u galay college .

Markii iskaga tagay machadkii ayuu shaqo u doontay police-ka shiinaha waxaana loo sheegay inusan ahayn qof ku fiican shaqadan ciidanimada,Isago hadalkiisa sii wata ayuu jack sheegay marku ku guuldaraystay labadaas isku day inuu shaqo u doontay shirkad maraykan ah oo ka ganacsata cuntada oo markaas timid degaanki aan deganaa waxana tartan u galay inaan qabto mid kamid ah 23 boos oo banaanaa, tirada dadka u tartamayana ay ahayen 24 qof lakin nasiib daro waxaa la qaatay dhamaan 23 kii ruux ee kale halka aan anigu ku guuldaraystay tartankaas,

Hadaba inta uusan bilaabin shirkada alibaaba ayaa maalin isaga oo fadhiya meel kafeega laga cabo ayu waydiyay gabar shaqaale ka ahayd ma taqaanaa alibaaba,waxayna ku jawabtay haa waa sheeko can ah oo aduunka inta badan laga yaqaano kadibna waa uuso baxay isago wadada maraya ayu la kulmay dad gaaraya 30 qof oo u kala dhashay wadamada Germany India Japan iyo China waxaa uuna weydiinayay bal inay yaqaanaan magaca alibaaba,haa waan maqalnay sheekadaas ayay ugu jawaaben waxaana jack halkaa uga so baxay in magaca alibaaba uu yahay magac fudud oo caan ah maadaama ganacsiga electronigu (E-commerce) uu yahay mid caalami ah

Markii uu sameyay webka alibaaba.com ayu la kulmay caqabado badan iyado 3 dii sano ee ugu horeysay uusan helin wax faa’ido ah sababto ah ma usuan haysanin qaab uu kharash bixin ku sameeyo oo isaga u gaar ah maadaama usuan jirin bank isaga la macaamilayay,jack waxaa uusameyay barnaamij kharash bixin isaga u gaar ah oo uu ugu magic daray alipaykaaso iibiyayaasha iyo iibsadayaasha loogu kala gudbinayo kharashaadka lacagaha kala duwan, waxaa uuna sheegay jack in markii uu fikirkaas alipay uu u bandhigaya sxaabtiisi ay ugu jawaabeen atasi waa fikrad nacasnimo ah lakin waxa uu sheegay inaanu dhag-jalaq usiinin oo uu hawshiisa watay ugu dambayntiina ku guulaystay.


Maanta 800 million ayaa isticmaala adeega alipayjack na waa qofka 20 aad ee dunida ugu hantida badan isago hantidiisa lagu sheegay inay tahay 23.6 billion oo doolar, sidoo kalena shabakada alibaaba.com waxay kamid tahay shabakadaha ugu caansan ganacsiga electroniga dunida,

Mr jack waxaa halhays u ah "waligaa ha quusan hadii ay maanta kugu adagtahay berri ayaa kasii adag, lakin maalinta ka dambeysa ayaa kuu dhalaalaysa sidii qoraxda" taasi waxaan ka fahmaynaa inuusan qofku is dhiibin oo uu hadafkiisa ku dhaqaaqo allena talo saarto


Somali Magazine

No comments:

Post a Comment