SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dawlad Imaradka oo Madaxda Somalida qabaa'il u kala qaybinaysa.

Sanadihii dhowaa dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faro-gelin xooggan ku haysan siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, oo ay lacag badan u adeegsaneyso sidii ay u qaribi lahayd.

Imaaraadka oo safaarad ku leh Muqdisho, ayaa iminka wadda dadaaal xooggan oo ku saabsan sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd cidda noqoneysa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Imaaraadka waxa ay si cad uga soo horjeedaan in qof kasoo jeeda beesha Hawiye uu noqdo madaxweynaha.

Haddaba Caasimada Online ayaa isku dayday inay ogaato sababta Imaaraadka ay si gaar ah uga soo horjeedaan beel gaar ah. Waxaan la hadalnay aqoonyahano siyaasadda fallanqeeya oo aan arrintan weydiinay.

Waxaa ka mid ah Axmed Cabdi Guuleed oo bartay cilmiga siyaasadda, kuna nool magaalada Minnepolis ee dalka Mareykanka, wuxuuna yiri: "Haddii aad dooneyso inaad iibsato maamulka siyaasadda Soomaaliya, Hawiye ma ahan saaxiib wanaagsan oo arrintaas loo maro, waana taas sababta Imaaraadka ugu xirteen beelo kale"

Waxa uu intaas ku daray "Inkasta oo dadka qaar ee beeshaas laga yaabo inay yihiin dad aan dalkooda jecleyn, haddana Hawiyaha inta badan waa dad neceb shisheeyaha, waadna aragtay oo waa beesha kaliya ee la dagaalantay ciidamada shisheeye ee dalka soo galay".

Xasan Jimcaale oo isna ah aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha oo degan London, ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintan ay xiriir la leedahay Turkiga jooga Soomaaliya.

"Sababta Imaaraadka u diidan yihiin Hawiyaha, waxaan filaa inay la xiriirto Turkiga Soomaaliya. Inta badan dadka ku xiran Turkiga waa Hawiye, dadka u badan oo ay caawiyaanna waa ayaga iyo magaalada Muqdisho, marka waxaan u maleynaa in taas la xiriirto" ayuu yiri Xasan Jimcaale.

Waxa uu intaas ku daray "Imaaraadka marar badana ayey isku dayeen inay dowladda jirta ku cadaadiyaan in Turkiga ka baxo Soomaaliya, balse waa ay diiday. Haddii qof kale oo Hawiye noqdo madaxweyne ilama ahan inuu yeelayo in Turkiga oo aad u caawiyey dadka Muqdisho ay baxaan. Balse haddii qof beelaha kale kasoo jeeda laga dhigo, taas waa dhici kartaa, waayo waxaa jira beelo badan oo ka xun horumarka Muqdisho iyo sida Turkiga u dhisayo".

Imaaraadka ayaa iminka aad ugu xiran Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Xasan oo ay kala tashaneyso cidda ay madaxweyne ka dhigi lahayd. Labadan siyaasi ayaa horey u iibsaday badda Soomaaliya, mana jiraan wax ay ka naxayaan

Xigasho : Caasimada Online xafiiska Muqdisho.

No comments:

Post a Comment