SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wadaad ayaan u haystay ,ilaa uu xabad Sigaar ah uu shitay.

Diintu waa shay waa jib inagu ah in aynu ku dhaqan keeda furulo,waana mida kiliya ee aan isleeyahay waxa lagaga bixi karaa dhamaan waxa ay dhibato iyo xumaan ka cabanayno,sababta oo ah waxa soo dajiyay oo ay ka timi Allaah oo ah midka si xeeldheer u yaqana bahideena.

Somalidu waxa ay Wadaad u taqanaa ninka Diinta fasirkeeda iyo waxsheegeeda yaqaana,Wadaadku agteena waxa uu ka yahay mid la karameeryo lana sharfo,waana wax wanaagsan in sidaasi loo karaameeyo madamaa uu yahay qofka unaa haya ee aynu ku aaminay Diinteena Muqadaska ah.

Hadaba waayadan danbe waxa soo kordhay, in dadka qaar wadaadkii ay shaki ka qaaden,sababta oo ah waxa si xeel dheer loo kala sari wayay wadaadkii saxa ahaa iyo midkii waxoogaa ay wax ka qaldanayeen.

Waxaa sheeko aad u layaabadan iiga sheekeyay nin wakhti ad u badan kusoo noolaa magalada Muqdisho,kaasi oo ay kasoo martay waxyaabo aad u layaab badan oo marka uu kaaga sheekeeyo ku yaab galinaaya.

Wakan isaga oo qiso cajiiba inooga sheekaynaaya:-

Waxa aan wakhi iminka laga joogo in muddo ah,aan ku noolaa magalada muqdisho,wakhtigaasi waxa magalada ka jiray iska hor imaatinkii wadaadada iyo qolyahii la odhan jiray Ashahada la dirirka.

Maamlin maalmaha ka mida aniga oo marayaa Xafada Madiina ayaa waxa aanu meel aad nooga durugsan ka aragnay laba nin oo madaxa ay comaamad ugu duuban tahay,una labisan sida nimanka wadadada ah lagu yaqaano.

Markii aan indhaha ku dhuftay ayaan daremay cabsi iyo naxdin aan caadi ahayn,balse ilbidhiqsi ka bacdi waxa aan dareemay farxad ,sababta oo ah waxa aan arkay ninkii aan ka cabsanayay oo markaliya Xabad Sigaara shitay.

Maaha waxa i farax galiyay Xabada Sigaarka ah,balse waxa i faraxgaliyay waxa ay noqdeen ,in anan anugu wadaadba anan arki karin,taas awadeed ayaa markii uu xabada Sigaarka ah uu shetay aan u fahmay in aanu ahayn nin wadaad ah.

Waxaaba taas igaga sii daraa in aan hadana aan arko gaadhi ay saaran yihiin niman comaamado iyo gadhleh isla sidii ninkii hore aan uga cabsaday si ka xanuun badan ayaan hadana cabsi uga qaaday nimankan baaburka wata.

Balse markii aan waxyar usoo jirsaday ayaan waxa aan arkay in ay yihiin Mooryaan khamri cabsan,farxad iyo raynrayn ayaa qalbigayga degtay,kadibna waxa an ogaaday in aan ku jiro xero nabadiino.

Sheekadan markii uu iiga sheekeeyay qofkan ay ku dhacday,kadib ayaan waxa aan is waydiiyay waxyabahan aan hoos idiinku soo qoray:-

Saxiibayaal waxa laga yaaba marka aad qoralkaygan aad aragtaan in aad u qadataan in aan "weeeeeeeeerar" ku ahay Wadaadada Somaliyeed iyo sharafta iyo karamada u saxiibka ah,xaasha Lilaahi,ma ihi sidaas idinkuna in aad ii malaysaan ma jecli,balse waxa laga yaaba in sida aad iga filaysaan in qoraalkaygu uu ka qoto dheer yahay.

Maxaa keenay in nin wadaad ah,oo kidaabkii Ilahay soo dajiyay haysta kuna dhaqmaaya in looga farxad batto nin mooryaan ah oo aan maal Nabi bixinayn, balse xagee ayay wax ka qaldan yihiin,waa maxay mushkiladu,ma dadka ayaa qaldan mise Wadaadada ayaa qaldan,ma mooryaanta iyo daydayga ayaa saxsan oo wadaadkii ayaa isu badalay wabiin iyo wadaad xume.

Qofkasta oo inaga mida,waxa uu fili karaa in marka uu arko qof ama koox mooryaan ah,waxa markiiba maskaxdiisa kusoo in ay yihiin nimankii dadka dhici jiray Hablahana fara xumayn jiray,balse hada sheekadu sidaasi waa ay ka duwan tahay,marka aynu dhugani qisadan yar ee kooban ee saxiibkeen inooga sheekeeyay.

Waxa aan hubaa in aynu dhamaan isku wada raacsanahay in Kitaabka Ilahay iyo Sunaha Rasuulku csw ee qorani uu yahay midkaa saxa ahaa ee Ilahayna uu ka raalida ahaa,umalaynmaayo in aynu midaas isla seeganahay.

Hadaba halkee ayay sartu ka qudhuntay,madama uu kitaabkii yahay mid aan marnaba wax khalad ah aan lagu ogayn,ma laga yaaba in wadaadku uu isagu si leexsan uu u fasiranaayo Ayadaha iyo Axaadiista Rassuulkeena sharafta leh scw.

M dhici kartaa in wadaadka laftiisu,uu sidan u fahmay fasirka iyo fahamka Ayadaha iyo Axaadiista Nabiga csw,kadibna ay la noqotay in dhamaan dadka oo dhami ay qaldan yihiin isaguna uu yahay midka kaliya ee saxsan.

Mase aamin san tahay in wadaadku uu og-yahay in qaabkan iyo fahamkan uu ka haysto diinta in ay tahay wax khaldan ,ficilka uu samaynaayana uu yahay wadaadku mid uu u arka khalad,taas awadeedna uu u badheedhaayo khaladkaasi.

Aniga waxa ay ila tahay in aanu wadaadku ama qofkasta oo bini'aadmi ahi khalad uu arkaayo in aanu u badheedhayn,balse marka uu waxan sax u haysto way adkaanaysaa in laga dhaadhiciyo waxanu waa khaldan yahay ,ilaa uu waxbarasho iyo aqoon dheeraada uu dib ugu noqdo.

Hadaba waxa aan kula talin lahaa Wadadadeena cilmiga diinta inoo haya, in ay ku dadalaan barashada iyo aqoonta Diinta ,si ay u haleelaan fikirka iyo fahamka saxa ah ee ay diintu inooga baahan tahay.

Nabiga csw waxa laga hayaa xadiis ah,waxaa liibanay qofka Ilahay Diintiisa uu faham siiyo,taasi waxa ay ku tusinaysaa in fahamka diinta la fahmaa iyo aqoontu ay kala duwan tahay,fahamkuna uu yahay shayga qaaliga ah ee aynu maanta u bahanahay.

Uma baahnin wadaad Diinta akhriya ee waxa aynu u bahanahay wadaad diinta faham san,inagana ina faham siiya.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment