SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hanbalyo sanadka cusub ee 2017 .

Marka hore waxa aan halkan ka hanbalyaynayaa dhamaan umada Somaliyeed meelkasta oo ay joogto, Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in Sanadkan cusub ee inagu soo socda uu inooga dhigo mid cibaado suuban iyo camal wanaagsan If iyo Akhitaba inoo yeesha.

Anigu ma ihi sheekh,aqoon buuxdana uma lihi arimaha shareecada iyo waxa ay ka qabto xafladaynka iyo hanbalyada Bilaha qalaad ee aynaan *ab iyo isirtoona u lahayn.

Sanadkan iyo Bilahan miilaadiga ahi ,waa aynu wada og nahay in ay yihiin Bilo iyo taeriikho ay dadkale iska leeyhiin,inta badana culimada Muslimiintu waxa ay in badan ka hadleen in aanay bananayn ,hanbalyada iyo boogaadinta Sanadaha iyo Bilaha ay tirsadaan dadka gaalada ahi.

Waa sax waanan ku raacsanahay, culimada Muslimiinta gaar ahaan kuwa Somalida ee sidaasi u hadlaysa,balse su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay,dadka Somalidu waa dad Muslimiina walibana sida aynu sheegano %100 ,hadana ma jiro cid kaliya oo taqaana ama tirsata bilaha iyo tariikhda Muslimka,marka laga reebo dad kooban oo ay ka mid yihiin culimada.

Waa khalad wayn oo tariikhi ah,balse waa khalad ay dhamaan Muslimiinta Dunidu ay badankoodu ay wadagaan,marka laga reebo wadamo aad u kooban oo fara-ku-tirisa oo ay ka midyihiin dalalka carabta ee iyagu ku hadla luqada caribiga.

Tariikh sideedaba waxaa ilaaliya Dawlado,wakhtigan xaadirka ahna ma jirto dawlad la odhan karo waxa ay u taagan tahay,ilaalinta iyo ku dhaqanka dhabta ah ee Diinta Islaamka, markii taas la waayay waxaa dadkii khasab ku noqotay in ay qataan kana caado dhigtaan tariikho ay samaysteen dadyaw kale.

Hadaba sababta keenaysa in sanadkan cusub ee Milaadiga la isu hanbalyeeyo,ayaa waxa ka mida,hadii aynu nahay Somali dhamaan dhaqankeenii iyo tariikhdeenii waxa ay noqotay mid ku dhisan sanadka iyo Bilaha Miilaadiga.

Waxa aynu sanadka iyo tariikhda Milaadiga ku qadanaa, dhamaan Mushahaarooyinka,waxa aynu ku xusnaa oo aynu ku sargoynaa dhalashooyinkeena,ma jirta tariikhkale oo aynu leenahay oo aynu wakhtiga ku xisaab sanno.

Marka aan sidaasi leeyahay igama aha jacayl iyo ku faraxsanaan lakiin waxa ay iga tahay madamaa xaalkeenu halkaasi maraayo in aynu isu xafladaynaa waxa ay ila tahay wax iska fiican,inkastoo aanan ahayn sheekh oo aan culimada jecelahay in aan arintaasi waxay ka yidhaahdaan aan uga danbeeyo.

Waa shay aad u fiican oo cibaadana ah in aynu barano isla markana aynu ku dhaqano sanadaha iyo Bilaha Ilahay Quraanka inoogu sheegay,balse hadii aan ku dhaqan jirin,sanadaha iyo bilaha Islaamkuna aanay ahayn kuwo la falgalaaya nolosheena,sida Mushahaarka,dhalashada iwm, way adkaanaysaa in la dhaqan galiyaa.

Maanta ma jiro qof sheegi kara bisha Islamiga ah ee aynu ku jiro,marka laga reebo culimada iyo dadgaar ah oo laga yaabo in ay ku nool yihiin wadamada carabta ama si gaar ah isaga xilsaaray,iyada oo tariikhda milaadiga ahi ay tahay 29/12/2016 kuna aadan isla 29 Rabi-al-awwal 1438.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment