SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Madaxwaynaha dhalinya yar ee Somaliya.

Madaxnimadu waa shay qaali ah una baahan hawlkarnimo iyo garasho sheeraad ah,Somaliya in badan ayay soo martay dibindaabyo iyo dayac aad u farabadan,waxa ay markan u bahan tahay cid badhida dhulka u dhigta.

Aqoon yahay Maxamed Sheekh Cabdulaahi,waa nin aqoon yahan ah isla markana la odhan karo Somaliya waxbadan ayuu ka qaban karaa hadii Allah uu la qabto,waa nin laga filan karo garasho iyo aqoon dheerada oo uu u leeyahay waayaha Somalida iyo halka ay u bukto ee bugsiinta u baahan.

Aqoon-yahanku waxa uu in muda ahba uu ku noola wadanka South Afrika,balse waxa uu hada u eeg-yahay nin u xadhka xidhay sidii uu madaxwayne uga noqon lahaa wadanka dayaca iyo darxumada badani ay daashatay ee Somaliya.

Uma baahna Somaliya xiligan hogaamiye koxeed iyo hogaamiye qabiil balse waxa ay u bahan tahay oo kale aqoon yahan Maxamed Sheekh Cabdulaahi,oo dadka badan kiisu ay maanta aad u wada yaqanaan.

Hadaba waxa uu inooga bahan yahay in aynu ku kaalmayno kuna tageerno ducada iyo Allah bariga in Maxamed Sheekh uu sanadkan noqdo hogaamiyaha dhabta ah ee Somaliya,Ilahayna waxa aynu ka baryayna in uu xilkaasi u fudaydiyo.

No comments:

Post a Comment