SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somalidii hore iyo sida ay u yaqaneen Godadka Dayaxa .منازل القمر


28-ka God ee uu Dayaxu Dego وقدرناه منازل حتى عاد كالعرجون القديم صدق الله العظيم
Dayaxu wuxuu sameeyaa wareeg uu ku soo wareegayo dhulka , wuxuu maraa tub (orbit) u gaara oo wareeggiisu dhanyahay 360-digrii , 360-kaas digrii markuu soo dhammaysto oo uu bar-billowgiisii kusoo laabto , wuxuu soo wareegay 27-cisho & 7-saacadood qiyaastii , oo noqonaysa (bil xiddigeed) ,


Habeenka koobaad ee u horraysa ee dayaxu soo baxo , xiddigta uu kasoo ag baxo ama uu ku beeganyahay , socdaalkiisa (360ka digrii ah) markuu soo dhammaysto xiddigtii wuxuu dib ugu soo noqdaa 27.3-cisho ka bacdi , waxaana wareeggaas loo yaqaannaa (bil xiddigeed) ma aha bisha caadiga ah ee 30-ka cisho ah ama 29-ka cisho ah , tani way ka duwantay.

Haddii la yidhi habeen kasta dayaxu wuxuu jaraa oo uu hore u dhaqaaqaa 13-digrii isagoo ka dhaqaaqaya godkii uu habeenkii ka horreeyay ku sugnaa , hadaba tubta ama jidka dayaxu uu maro ee kusoo wareegsan dhulkeennawaxaa ku hareeraysan xiddigo badan oo kooxo ah oo tubtiisa barbar socda .

Maadaama habeen walba dayaxu hore u dhaqaaqayo isagoo sii wata socdaalkiisa , wuxuu kasoo muuqdaa goob ka duwan goobtii uu kasoo muuqday habeenkii ka horreeyay , goob kastana waxaa ku beegan xiddig ama urur xiddigo ah ,

GODADKA DAYAXA ee la sheegayaana waa goobahaas , waxaana lagu calaamadsadaa xiddigta ama ururka xiddigaha ah ee u dhaw ama uu ku beeganyahay kolba goobta ama godka uu markaa joogo , iyadoo habeen walba uu xiddig ama urur xiddigo ah ku beeganyahay , waxa dhacda marmarka qaar inuu kusoo beegmo laba xiddigood ama laba god dhaxdooda , markaasna waxana loo yaqaannaa KARMO .

Xiddgigahaasi waxay leeyihiin oo Soomaalidu ula baxday magacyo , GODADKA DAYAXANA waxaa loogu magacdaray xiddigahaas habeenba qaar uu la fadhiyo

moonorbit

Haddii uu dayaxu maalintii jaro 13-digrii soconayo oo uu habeenba GOD la fadhiyo , qorraxduna maalintii waxay socotaa 1-digrii .

Qorraxdu waxay martaa tub , tubtaas oo isla xiddigihii dayaxa tubtiisa ku hareeraysnaa ay ku hareeraysan yihiin .

Sidaa darteed qorraxdu GOD kasta waxay la fadhidaa 13 cisho , hal god mooyaane kaasoo ay la fadhido 14-cisho waana godka Naafaha .

13-kaas cisho markay dhammaadaan , waxay qorraxdu u gudubtaa oo ay sii martaa god kale iyadoo qarinaysaa kii ay kasoo guurtay , godkasta markay 13 cisho la fadhido hal god mooyee (13×28=364+1 = 365) waxa ka dhasha sannad


halka aan ku darnay wuxu ka yimi godka ay qorraxdu 14ka cisho la fadhido .

Godadkan qorraxdu la fadhiisanaysaana waa isla xiddigihii dayaxu la fadhiisanayay .

Soomaalidu waagii hore waqtiga ayay ku xisaabsan jireen godadkan ama xiddigahan , sidoo kale waxay ku kala garan jireen jihooyinka markay gudcurka tahay .

Soomaalidoo kaliya uun ma ahee ummadaha oo dhan baa waqtiga ku xisaabsan jiray , jihooyinkana ku kala garan jiray xiddigahaas iyo godadkaas .

Sidoo kale wixii shar iyo khayr ah oo dhaca ama dhici doonana waxay u nisbayn jireen ama uga sii faashan jireen xiddigahaas , waa sida ay Carabtu sameyn jireen waqti jaahiligii , dhaqan kaasna Islaamku xaaraantinimeeyay oo uu mamnuucay in xiddigaha la sharaysto ama laga faashado , wixii khayr iyo shar ahna loo nisbeeyo iyaga .

Dhaqankii miyiga ee hore carruurta yaryar baa lagu kobcin jiray barashada xiddigaha , maadaama oo ay noloshoodu ku xidhnayd waqtigaas .Beel walbana waxay lahayd nin aqoon u leh cilmifalagga , kaasoo ku xeeldheer aqoonta xiddigiska , sifiicanna u kala bartay illaa uu gaadhay heer cilmiga loo daba fadhiisto

Tusaale yar aan ku eegno sida Soomaalidu uga faashan jirtay godadka qaar markuu dayaxu ku beeganyahay wixii dhaca

Godka cadaad : waxay dadka qaar aamminsanaayeen aabbaha iyo hooyada uu ilmo u dhasho godkaas markuu dayaxu la fadhiyo , in ilmahaas uu noqonayo kii u danbeeyay ee ay isu dhalayaan , oo ilmo danbeba aanay dhali doonin .

Godka laxo : waxay aamminsanaayeen in ilmaha dhasha godka laxaha uu heli doono laxo badan ama adhi badan iyagoo ka faashanaya godkaas .

Godka listan : godkan ilmihii dhashaa waxaa la aamminsanaa inuu hamuun saa’ida u yeesho rabitaanka galmada , sidaa darteed ilmaha godkaas dhasha waxa loo geyn jiray wadaad , si uu ugu xidho xirsi ka yareeya hamuuntaas , haddii aan wadaad loo geynin oo aan xirsigaas loo soo xidhin , ilmahaasi markuu waynaado cidna masoo dhaweysan jirin , oo sharkiisa ayaa la iska fogeyn jrey .

Intaa haddaan kaga gudubno sharraxaad iyo tusaaleynba , aan uga dhaadhacno magacyada 28 god ee dayaxu dago , iyagoo Afsoomaali ah iyo Afcarabi iyo Af-ingiriisi iyo weliba godkastaa xilliguu sannadkii ku beeganyahay , marka loo eego bilaha miilaadiga ah

F.G : magacyada qaar Soomaalida oo dhan kama midaysna oo waxa dhici karta deegaanba magac goonniya in looga yaqaanno , qaarna way ka simanyihiin

28ka god Soomaalidu afar toddobaad bay u qaybiyaan , toddoba kastana waa xilli ka mida afarta xilli ee sannadkii , (gu’ – xagaa – dayr – jiilaal)

todddoba kastana waxay leeyihiin magac guud

_________

Todobada Raqaha (xilliga guga)

1 Godin : الشرطان : Beta Arietis ( ku beegan 5 April )

2 Listan : البطین : Delta Arietis ( 18 April )

3 Laxo : الثریا : Pleiades ( 1 May )

4 Cadaad : الدبران : Aldebaran ( 14 May )

5 Agaalli cas : الهقعة : Meissa ( 27 May )

6 Agaalli cad : الهنعة : Gamma Geminorum ( 9 June )

7 Afaggaal :الذراع : Alpha Cephei ( 22 June )

Todobada Naafaha (xilliga xagaaga)

8 Naaf cadde : النثرة : Praesepe ( 5 July )

9 Naaf madoobe : الطرفة : Lambda Leonis ( 18 July )

10 Afqoys : الجبهة : Gamma Leonis ( 31 July )

11 Majin : الزبرة : Delta Leonis (14 August )

12 Koxdin : الصرفة : Denebola ( 27 August )

13 Dirirday : العواء : Beta Virginis ( 9 September )

14 Dirir : السماك : Spica ( 22 September )

Todobada Daalallida (xilliga dayrta)

15 Garbo : الغفر : Syrma ( 5 October )

16 Bayaxaw : الزبانى : Beta Librae ( 18 October )

17 Gudban : الإكلیل : Graffias : ( 31 October )

18 Libcas : القلب : Antares ( 13 November )

19 Mareegadheer : الشولة : Lambda Scorpii ( 26 November )

20 Xoor : النعائم : Nahaym ( 9 December )

21 Baho :البلدة : Pi Sagittarii ( 22 December )

Todobada Cirirka (xilliga jiilaalka)

22 Faruur : سعد الذابح : Beta Capricorni ( 4 January )

23 Jidgabarre : سعد بلع : Caadebolach ( 17 January )

24 Jid-dhiriqle : سعد السعود : Beta Aquarii ( 30 January )

25 Jidgacanle : سعد الاخبیه : Gamma Aquarii ( 12 February )

26 Rab hore : فرغ الدلو المقدم : Almiquedam ( 25 February )

27 Rab danbe : فرغ الدلو المؤخر : Algarf Almuehar ( 10 March )

28 Meecaad : بطن الحوت : Alrescha ( 23 March )

Hal habeen ama laba habeen ayaanuu dayaxu soo bixin oo uu maqnaadaa , habeennadaas waxa Afsoomaali lagu dhahaa : DIBBAD

W.Q Cabdiraxmaan Saleebaan Barre

No comments:

Post a Comment