SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Fariin ku socota Dumarka Carmalka/Garoobta.Balaayo kaa maqan lama soo dhaweysto!


Maqalka dhagaha waxaa waayahan ku soo badanayay dilka caruur iyo hooyooyin, ay aabbayaashood ama adeerradood (stepfathers) sababaan. Nasiib xumo, dalalkan dibadaha ee aynu nimid, nidaamkooda caafimaad iyo kan is dhexgalka
siyaasadeed diyaar uma aha fahanka iyo wax ka qabadka carqaladaha na heysta. Si taa wax looga baddelo, waa muhiim in qeyb laga noqdo xalka oo lays weydiiyo waxa sababi kara dilalkaa iyo sida la isaga badbaadin karo, loona badbaadin karo dhibbanayaashaa.

Go`aamada ugu culeyska badan oo mararka qaarkood la qaataa, waa go`aamada ku saleysan aasaaska qoyska. Waxaad go`aan ka gaari qofka aad guursaneyso, oo aad ku xisaabin in uu qofkaa kuu noqon doono qof nolosha inta kaaga dhimman aad islawaddaagi doontaan. Ka go`aan gaaridda noloshaa cusub ee cabsida iyo culeyska badanba leh, inta badan waxa ay ku saleysan tahey damac iyo dareen iyo bakhtiyaa-nasiib badan. Ulajeedadeyda ayaa ah xasuusin in guurkaaga koowaad, doorashadiisa keligaa xor u tahey. Dhan kastana aad uga madax banaan tahey. Balse guurkaaga labaad, waalidna aad tahey, xorriyaddaa keligaa ma lehid. Bakhtiyaa-nasiibna kuma saleyn kartid go`aankaaga dambe. Waa haddii ay qiimo kula leedahey qaddarinta dhallaanka, fahmi kartidna waxaa aan ka digayo.

Haddii guurkaagii koowaad kaa xumaadey, waalidna aad tahey, aadanna ka maarmin guur kale, haddaba sameyso qorshe aad u adag oo adiga iyo caruurtaba aad ku badbaadi kartaan. Gurigaaga ha soo gelin qof aadan iska hubin, balaayana ha soo dhaweysan.
Lägg till bildtext

Marka aad nin isbarataan oo uu kuula muuqdo ruux macquul ah oo aad nolol la wadaagi karto, inta aadan qalbigaaga siin, baaritaan ku samee qofnimadiisa, aqoontiisa, ilbaxnimadiisa iyo hab dhaqankiisa (saqaafadiisa). Ku noqo sirdoonkii uga daraa ee CIA iyo KGB ka yaabiyay. Soo baar waxa uu yahey. Hadduu dalal badan soo marey, oo adiga sharci doon kugu yahey. Haddii uu dembiyo soo galey. Xasiloonida qalbigiisa baar, waxa uu soo sameeyay, lagu sameeyay ama uu soo arkey. Baar hamigiisa. Ma qof niyad jabsan baa, mise waa qof damac iyo hiigsasho leh. Haddii uu magaalada kula degan yahey, iska fiiri in uusan kugu noqon kuwa xaasaska badan, haddana aan isku diiwan gelin xaasaskooda si ay dowladu u masruufto. Ma yahey qofkaa, qof ku kaamili kara oo buuxin kara baahida kaa maqan, dhan kastaba. Ha hilmaamin baaritaan caafimaad ee dhanka qalbiga iyo cudurada galmada lagu kala qaado.

Intaa baaritaan ka dib, haddii uu weli rabitaan jiro, xasiloonida reerkaagana aad hubtid, ninkanna aad ku kalsoon tahey, la tasho caruurtaada. Oo u soo bandhig damacaaga. Dhageyso fikradahooda. Qiimee taladooda. Go`aankana isla wadaaga. Damacaaga guurkaaga labaad iyo kalsoonida caruurtaada, badbaado ayay idiin noqon kartaa.



Tan kale, xasuusnoow in ay gabadhaada bilaabi doonto in ay ka xijaabato ninka aan aabbaheed aheyn oo aad gurigeeda keeni doonto, balse adigga uu ninkaagu yahey. Xasuusnoow in wiilkaagii caruurta ku ahaan jirey, bilaabi doono in uu kula safto oo uu badbaadadaada ilaaliyo. Ha hilmaamin caruurta iyo hooyooyinka guryahooda lagu diley ama lagu faro xumeeyay. Xasuusnoow in aad tusaale u tahey caruurtaada, oo mustaqbalkooda dambe ay ka cabir qaadan doonaan go`aamada aad hadda gaareyso. Hadaad u horseedo nolol xun oo aad isu quurto nolol rafaad leh, taa ayaa iyagana halbeeg u noqon.

Intaa baaritaan ka dib, hadii uu weli rabitaan jiro is bar caruurta iyo ninka. Ha lays tijaabiyo xudduudooda dulqaad, naxariis iyo shaqo. Waa muhiib in aadan dhayalsan mas`uuliyada caruurta oo adiga 100% leedahey. Waxaa lagaa rabaa in aad xilli hore cadeyso, xad intee le`eg ayuu ninkaaga (caruurta adeerkood) uu ka qeyb qaadan karaa korinta iyo barbaarinta caruurtaada. Waa muhiim in qodobkaa adiga, isaga iyo caruurtaba laysla wada fahmo.

Akhriste, dulucda qorraalka ayaa ah in ay cabsi mas`uuliyad oo dheeraad ah ay ku gasho, markaad damac guur ee labaad aad yeelato. Ragga oo dhan ma wada xuma, sidoo kale ragga oo dhana ma wada fiicna. Adeerayaal ka fiican aabayaasha caruurta baa buuxa. Sidoo kale adeerayaal iyo aabayaal caruurta iyo hooyooyinka dila baa jira. Muhiimadda ayaa ah in aad meelo badan ka feejignaato, oo aad iska fiiriso. Baahida naftaada oo keliyana aadan qiimeyn, ee tan caruurta iyo mas`uuliyadoodana aad qiimeyso.

Waxii kheyr ku jira, Rabi ha noo sahlo. Waxii qalad iga dhaceyna, Rabi baan dambi dhaaf weydiisan.

W/Q: Ubax Adan.

No comments:

Post a Comment