SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sanadkan Xildhibaan nooceeya ayaynu dooranaa?


Xildhibanada golaha deegaanka iyo Baarlamaankaba ,intooda badan waxa aynu kala kulanay dib u dhac iyo dibin daabyo aan kow iyo labo toona ahayn,ilaa qaarkood ay ina nacsiiyeenba dawlad nimadii iyo habkii doorashada.


Taloow maantana ma sidibaa?? waxa ay ila tahay haa yoo waxba ismay badalin,mar hadii caqliyadii iyo maskaxdii ay kasoo maaxan lahayd soo saarista xildhibaanka fiicani ay maanta ku asqaysan tahay Qabiil iyo qolo-qolo.
  
Maalinba maalinta kasii danbaysa ayay kasii liidataa,oo kaba soo rayn mayso,xildhibaan gole-deegaan waxaaban ku nacay,marka aan arko ama aan daawado xasuustana burburka iyo basanbaaska ka muuqda magalooyinka Somaliland gaar ahaan wadooyinka khaasatan Hargaysa.

Arintu ma kama-soo raysaa? mise aniga ayaa niyad jab xoogani igu dhacay? oo dadka kale ilamaba arkayaane taloow aniga maxaa i dareen galiyey?

Nacayb shiiyaha iyo niyad jabka wayn waxaa igu dhaliyey markii aan arkay xildhibaan gole deegaan oo aad moodo ganacsade /maalqabeen ah,guryaha,dhulka iyo baabuurka raaxada ee noocba nooca ee uu ku gaashaaman yahay,waa ninkii shalay aan doortay ee qaawanaa mudh iyo gacan ,kaasi oo aan islahaa dalka faqiirkaa ee aan aduunka ka haysan wax aqooniya ayuu wax kusoo kordhinayaa.

Toolay maxaan yeelaa ,toolay maxaad ila yeelaysaan dadkaygoow dalkeena maxay ayaynu ka yeelnaa.Ma jecli in ilaa xadka aan niyad jabo idinkana idin niyad jabiyo ,waayo waxa aan ogahay in ragbadan oo wanaagsani wali ay joogaan,walaw ay ku adag tahay qaarkood sidii ay salaanka siyasada ee dalka usoo halabsan lahayeen iyaga oo si daacad ah dadkooda iyo dalkooda wax ugu qaban lahaa.

Xildhibaanadu ma wada xuma kolay rag yar oo fara-kutirisii iminkaba waa ay joogaan,balse waxa ay somalidu ku maahmaahdaa fiintu roobka soo socda ayay ka qaylisaa.

Waxa aan hada arkaa oo ii muuqda isla markaana aan filayaa in aad ila aragtaan rag badan oo usoo mija-baxsanaaya in ay xildhibaano noqdaan,taloow ma dadkan iyo dalkan hoos u hoobtay ayay naf iyo nafiif ka dayeyaan,malayga aniga ayaaban wax badan la socono xildhibaanimaduba waa suuq ganacsi iyo sayladii adhiga.

Ninkasta oo iminka isa soo sharaxa wax aan ka sheegi karaa ma jiro,ninkii ilahay calaf ugu daraw waxqabadkaaga iyo halka aad wax gaadhsiiso marka aanu aragno ayaanu ku amanaynaa inta kalese naga raali ahaw.

Hadaba kumaa xildhibaan noqon kara?

Su'aasha jawaabteedu aad ayay u fudutahay ,kaliya waxaa inagaga filan Qur'aanka khaasatan qisadii Nabi Yusuf CS,markii uu Boqorkii xidhay ka dalbanaayay shaqada waxa uu ku yidhi uguna aqoon sheegtay *WAXA AAN AHAY MID QAWI'AH AAMINA AH.

Ufiirso labadaasi arimood,waa labada aynu ka dhimanay isla markaana dhamaan dalka horumarkiisii iyo himiladiisiiba hoos u dhigay,kadib markii la waayey qof shaqada uu umada u qabanaayo si hagar la'aan ah ugu guntada kaasi oo aamina ah oo xiftinaaya maalka yar oo ku jira khasnadaha dawlada.

Wakhtigan xaadirka ah rag badan ayaa waxa ay baraha warbaahinta iyo wada xaajoodka soo dhigeen qoraalo iyo muqaalo sawiro ku gadaaman yihiin,kuwaasi oo  ka turjumaaya sida ay  diyaarka ugu yihiin in ay u tartamayaan dorashooyinka inagu soo fool leh khaasatan golaha deegaanka.

Hadaba ragaasi waxa ku jira kuwo dhalin yaro ah iyo rag iyagu ruugcadaadi ah wax badana usoo joogay malahaygana aan isleeyahay hadii Ilahay waafajinaayo dalkan iyo dadkan soomalhaadka ah waxbay ka badali karaan.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment