SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma-shaqayste hadaad noqoto,caruurtaadu Tuug ayay kuu malaysaa.

Waxaa jiray nin ka mida mashaqaystayaasha Somalida ,ninkaasi oo lehaa caruur iyo xaas ay ka muuqato duruufta dhaqaale daridu,balse la qabatimay shaqo la'aanta xadka goosatay ee uu mudaba uu kusoo jiray ayaa bari danbe si lama filaan ah u helay shaqo.

Hadaba intii aanu shaqada helin waxaa reerka u shaqo tagi jirtay Hooyada caruurta dhashay ,taasi duuruufkasta oo ay ku jirtaa ku kaliftay in aanu waagu ugu baryin guriga dhexdiisa,taasi oo xiliga habeenkii kusoo gurya noqon jirtay cariishkii yaraa ee ay kaga jarmaaday caruurta xiliga fiidka ,iyada oo markaaba dhari yar oo kooban caruurtii gaajadu dishootay dabka u saari jirtay,aabuhina uu dacalkiisa kasoo fadhiisan jiray.

Caruurtii guriga ku noolayd waxa ay qabatimeen qalbigoodana gashay in hooyadood ay tahay mida kaliya ee noloshooda la dabalanaysa,hadh iyo habeena u xusul duubaysa sidii ay noloshooda wax uga badali lahayd.

Waxa kaloo ay dareen liidnimo iyo cadho leh u qadeen abahoodii dhalay, kadib markii ay ka waayeen damqasho iyo xaata in uu il-naxariisle uu xagooda kusoo eego,diyaarna aanu u ahayn in guto wajiibkii xaqa loogu lahaa.

Wax ay arintu sidaa ahaa taba,waxaa maalin maalmaha ka mida shaqo raadsaday abihii isagu mashaqaystaha ahaa,nasiib wanaag Ilahay waa uu ku guuleeyay waxaanu helay shaqo uu ku maarayn karo qoyskiisa ,kuna nasin karo xaaskiisa rafaadka iyo daalka badani uu daashaday.

Hadaba maxaa dhacay maalintii u horaysay ee uu aabuhu soo qaato mushaharkii bisha ee ugu horeeyey:

Abihii Mushaaharkii u horeeyay markii uu soo qaatay isla markaana uu guriga yimi,ayaa inan(gabadh) yar oo uu dhalay ayaa waxa ay aragtay Abaheed oo lacag badan tirinaaya,kumanay ogayn abaheed wax lacag iyo shaqo toona, waxa lama filaan ku noqotay halka uu aabuhu ka keenahay lacagtan uu tirinaayo.

Inantii yarayd waxa ay u fahamtay in uu abaheed Lacagtan uu ka xaday hoyadeed,madamaa ay Hoyadeed uun ku taqanay in ay reerka masruufto ama wax lacag sheeganaaya guriga Hooyada oo kaliya ayaa jirtay inta ay caruurtu garaadsadeen.

Inantii yarayd iyada oo aan is ogayn ayay si lama filaan ah u qaylisay iyada oo leh""HOOYO HOOYO AABO LACAGTAADII AYUU XADAY"" waxaa markaliya kusoo yaacay abahii caruurta intii kale,waxa ay arkeen abahood oo kuus lacaga gacanta ku haya,abahoodna hore ugumay ogayn kumanay arag wax lacag sheeganaaya haba yaraato amma ha badato ,taas awadeed markiiba waxa ay u fahmeen in uu aabuho hooyo kiishkeedii yaraa lacagta ka xaday.

Hoyadii caruurta dhashay ayaa waxa ay maqashay qayladii inanteeda,balse waxa ay ahayd Hooyo Ilahay u dhaliyey caqli iyo garaad ninkeedana kumay ogayn wax gacan dhaaf ah ,balse inta ay qososhay ayay ninkeedii ku tidhi ""Mashaqaysta nimadu waa taasi caruurtaadii Mushaharkii u horeeyey ee aad soo qaadatay Tuuga kuu maleeyey"".

Ninkii oo yaaban ayaa waxa uu ogaaday in caruurtiisa iyo isagu ay ku wada joogeen farxad la'aan,murugo,niyad jab iyo ixtiraam darro,laga bilaabo maalintaasina waxa uu go'aan saday in aanu joojin shaqadaa uu maanta bilaabay.

Ninmaan shaqaysani shaah ma cabbo ,waa halku dhig soomaliyeed,ninkastaw shaqo tag inta aanay caruurtaadu tuug kuu malaynin

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.


 

No comments:

Post a Comment