SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qofka Sixran maxaa lagu gartaa?

Waa maxay sixir ?: Sixirku waa wax uu sameeyo sixiroole, una adeegsado shayaadhiin si ay ugu fuliyaan,uguna dhibaateeyaan dadka sida jidh ahaam iyo caqli ahaan.

Calaamooyinka sixirka 7

 
  • Qeybo ka mid ah Calamadaha sixirka
  • Caafimaad darro aan caadi aheyn oo qofka ku dhacda
  • Xanuuna la cadeyn waayey
  • Xanuun dhanka midigta ama culeys
  • Calool xanuun joogta ah , dibiryo & lalabo iyo madag uu qofku dareemayo
  • Xanuuna cajiib ah daawada dhaqtarkana aysan waxba u dareyn
  • Dhaawac furan oon bogsooneyn
  • Xagadino jirka ka muuqanaya
  • Madhaleysnimo & tabar darro xaga isutagidda
  • Carro (Xanaaq ) badan, qofka oo waxwalba ka xanaaqa (car itaabo ah).
  • murugo sabab la aan ah
  • Hilmaam badan
  • Kalsooni darro
  • Xoogsaaris la aan hal shey ( concentration)
  • is daryelid la,aan
  • Timaha madaxa oo aad u daada
  • Laabta oo cariiri noqoda siyaadana casirka & magribka ka dib
  • wadna garaac aan caadi aheyn
  • dabeecada qofka oo isbadel ku dhaco
  • lumid , dawaqid(ambasho)
  • Hadal isdhaafsan (isku qasan)
  • Ku xasilid la,aan halmeel & joogteyn la,aan hal shaqo oo goni ah
  • Marka qaar Xaladu daran tahay qofka oo iska baxa anan garaneyn mel uu u socdo
  • Qofka oo jeclaada kali inuu ahaado iyo aamusnaan joogta ah
  • Madax xanuun joogta ah
  • Wiswis badan iyo shaki badan uu saaxibadii iyo dadka uu jeclaa ka qaado
  • Riyooyin ku cabsi geliya sida
  • Masas,Eeyo,Hilib . Lo aad,Qof dhar isku joog gashan, Qof masker gashan, Warar,Wabiyo,Bado,
  • Qofka oo meel dheer fuulaya , ka soo dhacaya ama duulaya
  • Xabaalo ,qabriyo ,dhimasho
  • Gadiid & Gawaari
  • Deb, holac
  • Kaluun (malaay)
  • Qofka oo ku riyooda isaga oo sariirta la jooga qof uusan garaneyn
  • Qofka oo dareema waxyaabo layaab leh sida
  • qof ku daawanaya( ku eegaya)
  • Qof ku daba socda
  • Qof ku taba taagan
  • Qof ku taabanaya
  • mirayada ood ka baqdid inaad eegto
  • Gurigaaga oo mugdi kula noqda
  • Gurigaaga ood ka cabsoodid
  • Qofka oo maqlaya dad la hadlaya balse anan argeyniin cida la hadleysa
  • Qofka oo ku riyooda isaka oo ka soo dhacaya meel aad u dheer
  • Sidoo kale waxa uu riyada ku argaa xayawaan eryana oo doonaya iney cuna
  • Dumarka oo riximka ka dareema xanuun
  • Qofka oo qalal qabto ( epilepsy )
  • Qofka oo dareema in nolasha laga xiray sida
Shaqo la aan ,lacag la aan , guurla aan,waxbarsasho la aan, balan ka bixid
iyo calaamooyin kalaba

 

Dardaaran, Xanuunka iyo dhibaatada waa qadar alle uu keeno waxaana qaadi kara allaah keligiis, waana in lagu sabraa lana weydiisto inuu qaado

Xigasho:Cilaaj.com

No comments:

Post a Comment