SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halka uu kasoo jeedo magaca puntland

Qaybihii hore ee isla Qormadaan lagu baadi goobayo macnaha ay ku kala fadhiyaan magacyada dawlad goboleedyada waaydaan dambe harqiyay siyaasadda dalkeennii awalba la ciirsanaa burburka iyo baaba’a. Haddaba qaybtaan ka mid ah qormooyinkii hore ee xiriirka (muzalzalka) ahaa ayey ka qayb tahay, waxaanan ku soo qaadanaynaa magaca "PUNTLAND". WAA MAXAY PUNTLAN?

Waxaa ceeb iyo fajac ah in ay boqolaal qof oo wada ah ama wada sheegta aqoonyahanno ay udhasheen goboladaas lagu magacaabay PUNTLAND, laakiin aysan tafsiir waafi ah oo lagu qanco ka bixin karayn magacaasi waxa uu u taagan yahay, halka uu ka soo jeedo, sababta loo doortay, iyo cidda ka dambaysa magac bixintiisa. Qaarkood haddii la weydiiyo waxay ku gaabsadaan in kelmadda macnaheedu yahay "Udug’ oo af ingisiir ah. Nasiib darrose waxay imaanaysaa marka uu qofkaasi yaqaano afka Ingiriiska. Hadaan qofka sidaa ku jawaabo ku hadal celiyo waxaan ku gaabinayaa "walaal kaalay oo qaamuuska ingiriiska naga tus kelmadda Punt oo ku fasiran udug". Dhab ahaan kelmadani caawa Allah afna kuma ay jirto. Waxa ugu dhaw in ay xusaan qaar ka mid qaamuusyada dhawaantaan la qoray oo iyaguna ku sheega in ay tahay dhul magiciis. Xattaa haddi la helo qaamuus ku fasiraya inay tahay udug waa mid u maleeya in ay udug ku tahay afka Soomaaliga. Waa ayyaan darro in ay intaas oo aqoon yahan ama ka fiirsan waayaan ama garan waayaan magac-bxintaan qallafsan. Aniga oo baaritaan ugu jira bal in ay kelmadda punt abidkeed soo martay afka ingiriiska ayaan soo helay in ay qolo dadyowga ingiriiska ku hadla ka mid ihi u yaqaanaan qayb ka mid ah Doolshaha la cuno (cake) oo si aan qadarin lahayn loo sameeyo.

Haddaba si aan war badan uga baaqdo waxaan toos u abbaarayaa asalka magaca Punland. Kelmadda Puntland waxa uu asalkeedu ahaa "DHULKII GABADHA" oo af Carabi ah "Ardu Binti". Laakiin waxaa dhacday in ay xilli ka mid ah qarnigii dhawaa ee hadda la soo dhaafay ay cilmi baarayaal ama qorayaal wax ku qora af Ingiriisi ay iyaga oo baaraya taariikhda dhulkaas heleen qaar ka mid ah buugaagtii waayo hore laga qoray oo ku qoran Af Carabi. Haddaba qoraalka af Carabiga laguma dhigo shaqalka sida ‘kor dhaw, hoos dhaw, iyo god toona". Taasina waxay dhab ka dhigaysaa in uu cilmi baaruhu arko uu magacaan oo u qoran higaad ahaan xarfaha kala ah "B N T". Haddaba cidina ma ogaan karto (xattaa kan af Caribigu afkiisa hooyo yahay) in ay B daani kor dhaban tahay iyo in ay godan tahay, illeen wuxu waa magac oo xaraf ma ahane. Sidaa awgeed waxay tarjumayaashii qoraalada Af Carbigu u qaateen in ay B’ daani godan tahay, halka ay kor dhaw qarsoon (xadfan)uga shaqlanayd. Markaa ayey ugu qormatay Punt ama Bunt, halkii ay ka ahayd "Binti".

Ogow xarfaha ama kelmadaha waa la qiyaasi karaa ama la garan karaa sida uu shaqalkoodu dhacayo, illeen waa wax la isla yaqaane. Laakiin magaca waxa sheegi kara ciddii baxsatay oo keliya. Waxaa kale oo xusid mudna in dadka taariikhdaas qorayey ee cilmi baarista qaaday aysan ahayn dad u dhashay Af Carabi, dad u dhashay dhulka, dad aaminsan diinta dalkaas, dad yaqaan dhaqanka dadka, iyo dad taariikhda horay ula socday toona. Waayadaas waxay ay reer Galbeedku olole ugu jireen sidii ay taariikh hor leh oo ay iyagu hogaan u yihiin dunida ugu sameeyaan, wixii jirayna u aasaan intooda nuxurka leh. Dadka taariikhaha noocan oo kale ah ka qora dunida Muslimiinta siiba bariga dhexe waxaa la yiraahdaa "Mustashriqiin" oo macnaheedu yahay reer Bari iska yeelayaal. Qaybtooda qoraallada Afrika u qaabilsanna waxaa afka Qalaad lagu yiraahdaa "African Orientalists".

Haddaan ka eegno taariikhda xaggii dhaqdhaqaaqyadii gumaysiga iyo gumaysi iska caabbinta, magaca Soomaaliya ka hor waxaa dalka lagu kala magacaabi jiray guud ahaanba laba magac oo kala ahaa "dhulkii Gabadha" (Pintland/Ard Bint) iyo "dhulkii Ilaahyada" (Land of gods). Dhulkii Gabadha (Pintland/Puntland) waxaa bixiyey Carabtii ganacsatada ahayd, maadaama ay ugu yimaadeen soonahaas gabadh xukumi jirtay oo ay la lahaayeen cilaaqaad ganacsi oo heer dawladeed ah. Gabadhaasi waxay ka sii wakiil ahayd gabdhii la oran jiray "Xedsebshuut’ oo iyaduna ka sii wakiil ahayd reer Fircoon. Waxay kale oo gabadhaas dhalinyarada ihi cilaaqaad dublimaasiyeed la lahayd firkii gabadhii boqoradda ka ahaan jirtay Yemen, deegaanada reer Saba ee la oran jiray Balqiisa.

Waagii dambe oo ay dadkii magacyadaas kala haystay aqbaleen Islaamka oo ay ogaadeen in ay sheegitaanka iyo ogolaanshaha Ilaahyo wadar ihi ay ka soo horjeedo Islaamka, dhanka kalena in dhulkooda lagu magacaabo dhulkii gabadhu aysan u cuntamin ayey labadiiba baddeleen oo isla qaateen magac Islaamka waafaqsan. Magacaas oo ilaa qarnigii hadda la soo dhaafay dhulkaas iyo guud ahaanba ardiga Soomaaliyeed la oran jiray waxa uu ahaa "Bandar-Qaasim". Haddaba maxaa magicii ay awoowayaashii isticmaali jiray ay weli qaar ka noolyihiin ee "Bandar-Qaasim’ loo qaadan waayey oo mid aan macnihiisaba la garanayn, luuqad uu ku jirana aan la ogayn, isla markaana dhaliyey ceebtaas iyo fadiixadaas loo maanta loo taagan yahay loo qaatay?

Dr. Qaasim Hersi Faarah

No comments:

Post a Comment