SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hallo Bolis ,Albaabkayga waxaa jiifa Negar sikhraansan, kaalaya iga kaxeeya?

Markii uu yaraa waxa lagu cabsiin jiray caws iyo biyo ku nool iyo faruuryo geeda laac baa ku cuni. Maanta waxa lagu cabsiiyaa boolis baan kuugu yeedhi, 911 iyo 112 baan garaaci haddaad guriga ka bixi weydo. Wuu ogyahay in hanjabaaddaa lagaga dhabayn karo oo hadal kama soo celiyee irridda ayuu ka boodaa.

Waa dambe oo garaad u kordhay buu ogaaday in caws iyo biyo ku nool iyo faruuryo geeda laac yihiin lo’da iyogeela oo aanay waxba cunin oo ay cabsidii ka ba’day. Tolow goormaa cabsida Boolisku ka bi’i doontaa, ma u kordhi doonaa garaad ah inaan booliska laga cabsan?

Berigaa ilme yar buu ahaa, maantase waa gadh-madoobe weliba cirradii ku soo dhigayso.

Helisinki…dhegihiisu waxay jeclaayeen maqalka magaca Helisinki…Finland..Yurub…waa halkii ay joogtay gabadhii ay dalkii isku barteen ee uu sugayey inay mar uun kaxayso. Waxa ku soo noqnoqda ereyadii hadalkeeda ugu dambeeyey markuu gegida diyaaradaha ku sii sagootiyey, " Fiise ayaan kuu soo saari, waan ku kaxayn, halkaas baynu wada degi…" wuxu sii arkayaa gacan-haadiskii, muusoodkii iyo ereyadii macaanaa, kalgacalka lahaa ee la isku sii sagootiyey iyo sidii aanu goobtii uu taagnaa gegida diyaaradaha illaa ay indhihiisa ka libidhay oo guuxeedu go’ay diyaaraddii gacalisadiisu raacday.

Intii aanu dhoofin, markay gabadhu dalka soo booqato isagaa u libaax ahaa oo horboodi jiray. Ereygiisu wuu caddaa. Wuxu ahaa nin ragannimo badani ka muuqato.

Farxad ka weyni ma ay jirin markuu Helisinki yimid. Xagaa iyo Jiilaalba way ugu soo galeen. Qabow iyo kuleylba wuu ku soo xamilay, qurux iyo muuqaal degaan wuu ka bogtay, in badan baanu sawirro uu daaraha dhaadheer hortooda ku galay dalkii u diray. Taas oo dhallinyartii dalka joogtay markay daawadeen u soo hanqaltaageen sidii oo ay yihiin daaro saaxiibkood leeyahay.

Gabadhu way shaqaysaa, carruurtana way korisaa, isaguse dheef iyo dhaqaale midkoodna qoyska kuma soo kordhiyo. Intii ragannimadii uu la yimid ku sii xoogganayd hadalka gabadha dheg uma uu dhigi jirin, iyana wax badan bay xeerin jirtay oo iskaga adkaysan jirtay waxtar la’aantiisa iyo duruufaha adag ee keligeed ku soo fakaday.

Maalmihii way is gureen. Macaankii iyo xiisihii kalgacal ee loo qabay in badan buu haakah! yidhi balse kalgacalkii la isku hayey wuu isa sii dhimay maalinba maalintii ka dambaysay. Waxa la isku haystaa uma baahna in la sheego, laga gayoon maayo, lagana garaabi maayo . Si dhaqaaluhu u kordho waa inay isaga iyo gabadhu kala noolaadaan. Degelkan la joogo la iskulama yaabo dhaqankaa oo waxa loo arkaa in dan iyo duruufi keento, inta ku dhaqanta ayaa ka badan inta aan ku dhaqmin.

Mid walba waxa sugaya reerkoodii inuu lacag u diro, xigtadiina qaar soo kaxeeyo. Danihii way iska hor yimaadeen, duntiina way xidhmi wayday.

Markan dan baa u run sheegtay oo Ilmaha inuu hayo wuu oggolyahay, inuu kaadida ka hagaajiyo wuu oggolyahay, cuntada inuu kariyo wuu oggolyahay, dharka inuu maydho wuu oggolyahay. Intuba waa dhaqan aanu ku soo barbaarin oo ku adag, waase dani badday. Haddana hawshaa uma hagar baxee sidii kuray yar oo iskuul ka saaqiday ayuu noqday googoys maalinba marmarsiiyo horleh keena.

Gabadhu gabadhii ma aha oo iyada qudheedu way is beddeshay. Shaki badan baa ku beermay. Ninkuba in aanu ninkii ay ogayd ahayn bay dareemaysaa. Gees wiyileed bay yeelatay. Xil iyo hawlo badan in uu gabay bay arkaysaa. Qayilaad iyo fadhi ku dirir buu ka dhammaan la’yahay. Wixii ay kaga haybadaysan lahayd bay ka wayday. Inay iska celiso oo sida dumarka kaleba xakamaha ku giijiso ayey go’aansaday. Cabsi ay ka qabtaa ma jirto oo sharciga dalkan ayaa mar walba iyada u hiilinaya.

Isagu wax uu bi’yey buu garan la’yahay. Inuu xilkiisii daryeelka qoyska iyo hanashada nolosha gabay ma dhaaddana. Gurigii in uu goob colaadeed isku beddelay wuu arkaa. Ma oggola gar-qaadasho, ma dareensana gardarrada intiisa, kamana garaabi karo gefka. Isdifaac iyo sutida u qabo ayuu intii hore ku jiray, ugu dambaynse wuu soo liicay. Wuu isdhiibay, se looma jixinjixayo. Wuxu xasuustaa maahmaah Soomaaliyeed oo ahayd, "Naagi nin ay legeddo kama kacdo". Garta isaga ayaa mar walba isa siinaya. Duunka hoose ayuu ka ooyayaa, gabadha ayuu niyadda kala hadlayaa,’ Berigii aan ragannimadayda qabay sidaa kuulama dhaqmi jirin. Haddaan adiga ahaan lahaa sidaa aad iila dhaqmayso kuulama dhaqmeen…’

Gabadhu sidaa si ka duwan bay dareemaysaa. In aanu dhaqan iyo dhaqaale midna ugu filnayn bay u aragtaa. Taa markhaati ugama baahna oo waa tan barafka culus iyo qabowga daran ilmihii yaraa gaadhi- gacan ku riixaysa, ilmihii roonaana gacanta jiidaysa ee bas iyo tareen, dabaq iyo dhul hooseba la gelaysa. Waa tan dugsiga geynaysa aroortii, galabtiina ka keenaysa markay shaqada ka soo rawaxdo ee goobaha caafimaadka iyo meel walba heeganka ula ah. Ma iyadaa nafba ku nool? Hadduu caaqiibo leeyahay ninkani saw carruurta uun kama uu sii reebeen!

Habeen buu ku yidhi niman odayaal ah guriga ii raaca oo igala hadla gabadhii way i soo eryeysaaye. Markay gurigii ku dhow yihiin buu arkay baabuur boolis ah oo meel guriga u dhow taagan. "Waa taa, boolis bay u yeedhatay" intuu yidhi buu taw yidhi.

Nimankii odayaasha ahaa telefoon bay gabadhii u direen. Iyadoo hurudda bay ka qabatay. " Walaal Odaygii baanu la soconnoo ergo u ahayne…"intaan hadalkiiba afkooda ka soo dhammaan bay gabadhii oo ay hurdo ka kiciyeen tidhi, "Walaal muu iska yimaaddo dhibaato ma jirtee." Khaakhaayiraadu mid ku badan bay ahayd oo babbiso ayaa loo tumay. Nimankii odayaasha ahaa oo yaabban baa gabadhii raalli geliyey.

Bahdii baa laga saaray. Haddii markuu yaraa la odhan jiray dhiig iyo uus toona ma lihid, allaylehe maanta ayaanu beer iyo wadne, kal iyo laab midna lahayn, xiniinyona daa hadalkood.

Markuu dalkii tago waa la soo dhoweeyaa, waxa loo haystaa nin sare, isaga ayaase iska og waxa uu yahay. Dhibaatada qoyska wuu qarsadaa. Hoosta ayuu ka bukaa, qalbiga iyo calooshu uma fayooba, maskaxda hadalkeed daa. Wuxu ku diimaa saaxiibo yar oo nolosha qoysku u hagaagtay.

Taasi waa gu’yaashii horee maanta arrinku sidaa waa ka duwan yahay. Habeenba qolo ayuu martiyaa. Saaxiibadii uu dalka kaga yimid way ku soo daba jiraan, ragannimo ayey soo bidaan, jannada uu ku jiro ayey soo beegsanayaan, isna wuxu taagan yahay allow yaa ku siiya lacagta tigidhka aad meeshan baas iskaga tagtide.

Waa inuu meesha iskaga tago, ma Yurub baan joogaa buu u dhiman! Oo hadduu dalkii ku laabto miyuu ku nabad gelayaa sow kuwii halkaa joogay ku odhan maayaan waa doqon, wuu shaqaysan waayey, Ilaahay baa halkan ka kaxeeyee maxaa ku soo celiyey…bal waxa qayrkii daaro soo dhisteen eega…waa janno ka bood. Hadday ogaan lahaayeen meeshu sida ay tahay! Allaylehe iyagaan arkayn jannada ay ku jiraan.

Wuu iska qayilaa hadduu helo. Markuu waayana makhaayadaha fadhi ku dirirka ayuu fadhiyaa. Inta kalena internetka ayuu baadhbaadhaa. Markuu woxogaa wararka akhriyo si uu muranka saaxiibadii berri iskaga celiyo, wuxu u gudbaa aaladda Fays Buugga (Face book) oo ah meel lagu dhan yahay, run iyo beeniba ka buuxdo, la isku khiyaamo, magacyo been ah la sheegto. Halkaas buu habeen oo dhan dhex dabbaashaa oo wax aan dani ugu jirin ku daalaa.

Wuxu xasuustaa riwaaydii Ibraahin Gadhle (AHN) ee "Ragow aarsi haween u adkaysta markiinna." Tolow riwaayaddaasi ma tafaaful bay ahayd mise ifafaalaha ayaa soo muuqday?

 

Faysbuuggu waa meelihii laga raacay, meelihii hinaasaha keenay weeye. Wuu nacay beryahan. Wuxu baadhbaadhayaa bogagga kale ee internetka. Ujeeddo kuma socoto baadhistiisu. Kolba bog cusub buu rogayaa, midna ma akhriyayo. Siduu bogba bog ugu dhiibayey baa ishiisu ku dhacday sheekadii Ibraahin Hawd ee, "Nin Gumoobay".

Wuu ku hakaday. Waxa soo jiitay ciwaanka. Tolow ninkaa gumoobay muxuu ahaa? Miyaad ka war doontidba! Wuxu isha ku dhuftay bilowga hore ee sheekada, "juunjuun…..Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa! Dhirtu dhaadheeraa oo qurxoonaa! Dhulku doog iyo ubax badanaa! Maxaa balli iyo haro galac leh! Maxaa tog iyo webi meel walba qulqulaya! Magaaladu nadiifsanaa oo degganaa…"

Aad buu u xiiseeyey. Laakiin qoraagu Iswiidhen buu ka sheekaynayaaye sowdiga adigu Finland jooga.. maya…Yurub waa isku mid iyo dunida reer galbeedkuba.

Waxa maskaxdiisa ku soo noqnoqonaya ereyadii u dambeeyey ee afka afadiisa ka soo baxa, ’ Anaa ku soo dhoofiyee haddaan kugu celin waayo….iska bixi lacagtii aan kugu soo dhoofiyey haddii kale…’ Wuxu arkayaa aqalkiisii diirranaa iyo ooridiisii ay is dugsan jireen oo uu caawa cidlo ka joogo. Oo aqalka ma isagaa lahaa gabadhaa lahayde..ma isagaa bil keliya kirada bixiyey! Wuxu arkayaa carruurtiisii oo uu caawa ka maqan yahay oo aanu u tegi karin iyagoo isku magaalo jooga.

Wuxu si aan is ogaansho lahayn u dhex-muquurtay sheekadii. Durba wuxu soo gaadhay gebagebadii sheekada oo ku soo afjarmaysay," Nin gumoobay oo ka dhashay ummad gumowday. Habar Iswiidhish ah oo albaabka kiisa ku beegan ku jirta ayaa daloolka ka eegtay, waxayna markiiba wacday bilayska iyada oo leh: "Albaabkayga waxaa jiifa neygar sakhraansan ee kaalaya iga kaxeeya’. ‘Laakiin ma ahayn neygar sakhraansan. Wuxuu ahaa nin Soomaaliyeed oo ahaan jiray geeljire aad isula weyn, mar kalena ahaan jiray xiddigle bilays ah oo naftiisa u hanweyn. Wuxuu ahaa nin gumoobay oo ka mid ah ummad gumowday"

Alla!! Oo qoraagu isaga ayuu ka sheekaynayaaye! Xaggay isku barteen! Show ninka gumoobayba waa isaga!

Xasan C. Madar

E-Mail: nabaadiino@yahoo.com

No comments:

Post a Comment