SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ninkii sixri jiray madaxda Somalida oo Boosaaso lagu qabtay!

Iftiinkacusub.com: Ciidamada Booliska ee magaalada Bosaso ayaa maanta soo xidhay nin muddo 25-sanadood ku shaqaysanayay sixirka ,kaasi oo la sheegay in uu sixray dad badan oo ay ka midyihiin madaxda dawlada Somaliya.

Ninkan oo magaciisa layidhaa Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa markii lasoo qabtay waxaa la socday ninkii isagun caawiyaha u ahaa , , iyaga oo markaasi ku sognaa guri ku yaala magalo xeebeedka Boosaaso ,sida uu sheegay taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed.

‘Nimankaani waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray,sidaa awgeed waxa la marsiindoonaa baadhis aad u badan, iyada oo hadaba lagu hayo qalabkii uu wax ku sixri jiraty oo ah waxyaabo nafta argagax galinaaya oo uu ninkaasi ku shaqaysan jiray sixirkana u adeegsan jiray sida ka muuqada sawirada.

Booliska ayaa waxa ay soo bandhigeen Lafo Adhi oo la shiilay , Loox isagana lagu dhajiyay masaabiir , Caws, Baalka Xayawanka loo yaqaano Caana-qubta, salool, Buskud iyo waxyaabo kale oo la sheegay in uu ninkani u adeegsan jiray Sixirkiisa.

Markii la waraystay waxa uu yidhi,Muddo 25-sanno ah ayaan joogay magalada Boosaso,isla markaana aan dumaayay Mingiska iyo Rooxaanta dadka lagu sixro,iminkana aniga oo jiifa oo Qaad iska cunaya ayaa la isoo xidhay , waxaa la igu soo qabtay Lafo iyo Caws waana waxyabihii aan Rooxaanta kusoo xaadirin jiray waxna an ku sixri jiray ,sidaa waxa yidhi sixiroole ,Maxamed Cismaan oo la hadlay Booliska iyo warbaahinta.

Waxa kalee oo uu sheegay Sixiroolahu ,in Lafaha ay kusoo dejiyaan Rooxaanta ay rabaan in ay dadka ku sixraan ,kuwaasi oo aanu sharafno oo anu qurxinno ayuu yidhi, Lafaha waxa aanu saarnaa cawska, dadka lacago ayaan ka qaadanaa.

Waxa kaloo oo uu ka waramay lacagaha ay dadka qataan inta ay leekayd isaga oo sheegay in ay ka qaadi jireen qaarkood 50 Dolar , halka kuwo kalena aan lacago kale ka qaadan jirnay’ marka ay rabaan in aanu wax u sixirno.

Ugu danbayn,taliyaha ayaa sheegay in ninkan la soo taagi doono maxkamad-da si loogu qaado danbiga lagu soo eedeeyay ,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa ,iyada oo sixirka uu aad ugu soo badanayo qaybo badan oo kamid ah dalka.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment