SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hab-dhaqanka Siyaasada ganacsiga.

Ganacsigu maanta waxa uu u kobcayaa si xawaare ah oo heer sare ah. Sidaas darted waxaad u baahan tahay inaad bixisid oo aad samaysid siyaasadaha saxda ah iyo waraaqaha(decuments) si aad u hubiso in qof kasta oo ku lug leh ganacsiga uu ogyahay waxa laga filaayo oo laga doonaayo. siyaasadaha saxda ah iyo dokumentiyada waxa ay ilaalinayaan oo kuu xifdinayaan ganacsigaaga.

1: Heshiisyo (contracts)

Waa fikrad fiican in la sameeyo heshiis marka aad la gelayso heshiis qof kale. Xaaladaha qaarkood, email ayaad ku smayn kartaan shuruudaha heshiiska wayna ku filan tahay.

Waxaana haboon in si fiican loo sameeyo oo laga fekero qodobada uu ka koobanyahay heshiisku waxaana inta badan la rabaa in ay ku qanacsanyihiin labada dhinac.

2: Siyaasadda soo celinta (refund policy)

Marka aad bixinayso badeeco/alaab ama adeeg, waxaad badanaa u baahantahay siyaasadda soo celinta. Samaynta siyaasad soocelineed oo ah mid cadaalada oo dadku isku halleeyaan waayo waa qayb aad iyo aad muhiim u ah gaaritaanka guusha.

3: Siyaasadda gaar ahaaneed (privacy policy)

Ma leedahay Siyaasadda gaar ahaaneed? Siyaasadda gaar ahaaneed waa muhiim haddii aad qorshaynaysid inaad xog kazoo aruuriso soo booqayaasha website-ka kanacsigaaga iyo macaamiishaada. Waxaad kaloo fiirin kartaa ganacsiyada kale website-yadooda si ay kaaga caaiyaan inaad samaysato Siyaasadda gaar ahaaneed iyo qaababka loo sameeyo.

4: Heshiistka aan xirmayn (Non-Disclosure Agreement)

Heshiistka aan xirmayn waa dikuminti uu ganacsigaagu u baahanyahay haddii aad qorshaynaysid inaad la shaqaysid kuwa kale, kuwaasoo awood u leh inay helaan xogtaada iyo badeecooyinkaaga kuwaasoo aad rabtid inaan lagaa arag.

5: Qorshaha ganacsiga (business plan)

Hubi inaad ogtahay meeshaad dhigaysid dikumintigaan. Qorshaha ganacsi ee saxda ahi maku siinaayo jiho oo keliya, laakiin waa mid ka mid ah dikumintayada uu u baahanyahay ganacsigaagu haddii aad rabtid inaad qof ka dhaadhiciso inuu kuu maalgeliyo ganacsigaaga.

Dikumintiga ah qorshaha ganacsiga waa dikuminti aad iyo aad mihiim kuugu ah, waana inaad fahansantahay waxyaalaha ku jira qorshaha ganacsiga iyo sida loo qabto.

6: Siyaasadaha kala duwan ee la xiriira shaqada iyo shaqaalaha (Various HR-Related Policies)

Ma leedahay dhamaan siyaasadaha lagama maarmaanka ah ee la xiriira shaqada iyo shaqaalaha kuwaas oo aad ku sharaxaysid waxa aad ka filaysid shaqaalaha? Waxaana ka mid ah siyaasadahaan:

1: Siyaasadda tacadiyada jinsiyeed

2: Siyaasadda warbaahinta bulshada

3: Siyaasadda xiriirada warbaahinta

4: Siyaasadda ka hortagga dembiyada

5: Siyaasadda faa’iidooyinka iyo magdhowga

6: Siyaasadda akhaalqda

Xigasho.Ganacsato.com

No comments:

Post a Comment