SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kitaabkii Quraanka ahaa ee Dunida ugu waynaa oo nin qoraayo!

Nin u dhashay dalka Masar ayaa waxa uu rajaynayaa in uu taariikhda soo saaro Kitaabkii Quraanka ahaa uu Dinida ugu waynaa,haday tahay dhinaca culayska iyo haday tahay dhinaca dhererkaba.

Kitaabkaasi waxa uu ninkasi ku qorayaa gacantiisa,isaga oo si fiican u xardhay . Kitaabkan Qur'aanka ah oo dhererkiisu yahay 700 mitir(700 talaabo) ,runtii waa wax aad loola yabo,waxana ay dhici kartaa in uu ku guulaysto hamigiisa tariikhna uu rabo in uu reebo .

Ninkan oo magaciisu uu yahay Maxamed waxa uu ku nool yahay magaalada Belqina oo waqooyiga ka xigta caasimada dalka Masar ee Qaahira, Rajo wayn ayuuna ka leeyahay Kitaabkan in uu ku gulaysan doono.

Wuxuu rumaysan yahay in waynida Kitaaabku uu gali dooni diiwaanka waxyaabaha Dunida mucjisada ku ah ama dadku ay layaabaan. Waa markii u horaysay ee la arko arin sidan oo kale ah ama Kitaab Quraan ah oo aad u wayn gacantana lagu qoray.

Mar laga waraystay waxa uu yidhi "Aniga ayaa mashruucan maalgalinayay ,saddexdii sano ee ina soo dhaafay, waaxanan anigu ahay qof iska caadi ah oo aan haysan hanti iyo wax kale toona.

Iftiinkacusub.com



No comments:

Post a Comment