SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ex,Taliye Indho Qarshe oo sheegay sababtii loo dilay wasiir Cabaas Siraaji.

Taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaliya Kornayl Indho Qarshe, ayaa kahadlay weerarada inta badan ka dhaca magaalada muqdisho, gaar ahaana dilkii lagu dilay wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta Cabaas Siraaji.

Taliye Indho qarshe ayaa sheegay sababta kadanbeyso dilka wasiirka in ay tahay cabsida iyo foojignaanta dheeraadka ah ee markasta haysata askarta iyo ilaalada madaxda.

Taliyahu waxa uu sheegay in madaxda dalka iyo ilaaladooda ay haysato cabsi aanay dadku ka warhaynin,taasi oo ah in askariga iyo ninka uu ilaalinayaa ay ku jiraan xaalad aad uga duwan tan ay dadka caadiga ahi ay ku jiraan.

Taliyahu waxaana oo sheegay in ay magalada Muqdisho ay ka jiraan arimo badan oo aanay ogayn dadka Somalidu ,waana mida keenaysa ayuu yidhi in cabsida iyo argagaxu uu sida la moodaayo uu ka bato.

Taliyahii hore ee ciidanka xooga dalka ,waxa kaloo uu sheegay in masuuliyiinta dowladu ay kunoolyihiin xaalad kaduwan mida soomaalida ogyihiin, haba ugu darnaadaan ayuu yidhi feejignaan dheeriya oo ay kujiraan ilaalada masuuliyiinta,waana mida sababtay ayuu yidhi dilkii wasiir Cabaas Siraaji.

No comments:

Post a Comment