SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Anigu waxa aan ahay gabadh Midgaan ah !

Anigu Waxaan Ahay gabadh Midgaan ah? 1-""Anigu waxan ahay midgaan ,waayo waxaan leeyahay adkaysi"" Waxaan awoodaa adigoo iduleeyay in aan hadana kula noolahay una dhabar adaygayo hujuunta iyo cago juglaynta iyo yasida aad igu hayso 2-"" Anigu waxaan ahay midgan waayo waxaan leyahay awood.""

Waxaan awoodaa in aan noloshayada kala soo dhex baxo laba dab dhaxdood 1- midi waa adiga oo muslin sheegaynay hadan itakooray , 2-ta labaadna waa adigo somali muslin ah hadan iduleeyay. 3- "Anigu waxaan ahay midgan waayo waxaan leeyahay waxtar"".

Waxaan ahay BIR MAAL, waxaan ahay BIYO MAAL waxaan ahay XIRFAD MAAL waxaan kuu ahay warshad noloshaada ka shaqaysa" 4- "Anigu waxaan ahay midgan waayo waxaan leeyahay samir" 1-adigoo magac ,maaal, nasab, laandheernimo qabiil, ubada, caruur, sharaf, dumar ,waxqabad iigu faana ayaan kula nooloahay .

Magaca mid-gaan adigu hadad cay ama yasin ruux bila aadana u taqaan anigoo waxaan u aqaan sharaf, haladagygimino, . Qofka samirka leh ayaa guulaysta, qofka adkaysiga leh ayaa dhibka dunidan ka gudba, qofka awooda leh ayaa isbadal samaynkara. Intaaan yaa haysta ANIGA OO MID-GAAN IGU SHEEGTO.

ILAHAY AYAA QURANSKIISA wuxuu ku yidhi (walaqad karambnaa bila aadan) maxaan ku diiday markaa in aad sharfto, qadariso ,tixgaliso soo dhaweeyso, fikirka la wadaagto, nolosha lawadaagto, rayiga lawadaagto, aqoonta la wadaagto.? Adigu waxaa tahay laandheer, ma iisheegi kartaa halshay ood kaga wanaagsantahay Hadaan ahay Mid-gaanka ama ninka laga tirada badanyahay?

Majirto intaan ogahay hal qof oo iisheegi kara sobobta la iitakooray, Majiro hal qof oo idhi kara sobotaas ayaan kuu takoorayaa, Anigu waxaan ahay MIDGAAN , waxaan dhalaa Sheekh, shariif , Aqoonyahan, Waxgarad, indheed garad, Maalqabeen, duriyad wanaagsan, Qalanjo, geesi, intaan oo dhamina waxay ku mashquulan sidii ay naftooda u maamuli lahaayeen.

Anigba habaar in aan Qabo qof intaas ka mid ah oo ku soo noqda bulshadii uu ka soo baxay ma jiro, taa waxa igaga xanuun badan markay qurbaha tagaan way ka faanaan in uu yahay ninka laga tirada badanyahay. 1-Aniga oo shaqsiga caynkaas aha ayaan hadana rabaa in aan hormuud noqodo, 2-Aniga oo midgankaa aha ayaaan hadana rabaa in aan guulaysto 3-Aniga oo midgan aha ayaan hadana rabaa in inantayda 100geela laga bixiyo 4-Aniga oo midgaana ayaan rabaa wiilkaygu in uu guursan karo gabadh ajiya. 5-Aniga oo midgana ayaan qabaa fikir ah in aan kula tartami karo.

ISWAYDII ama AAN ISWAYDIINO maxaa diiday in aynu sinaano?

maxaa diiday in aad iga guursan waydo?

maxaa sobobay in aan xaaran noqdo adna xalaal noqoto?

Waxaad itidhaahdaa waxaad tahay mid-gaan, adiga hadaad tahay aji qof kaa mid ah haduu ku yidhaaah waar hebal midgaan ayaad tahay , Ma iisheegi kartaa inta ay niyadu kaa dhimato?

Ma iisheegi kartaa waxaad dareento?

Haday wayntahay oo aanad suurayn karin niyad jabka kula soo gudboonanaya, aniga oo maalin walba aaad igu tidhaahdo ma suuraynkartaa, hadii aadse qiyaasto 100 kiiba imisaad isiin lahayd?

Inkastoo dabuubtiyo Deelkeeda maan sada

Abwaanadu ku daaleen

duqay hore tilmaameen

Dadku inu mid qudha yahay

Diinteena miiyee Waxkaloo na didiyoo

Dadka kala walwaalaa

Doqo niima cuduriyo

Aytahay dareen lumay

Anigoo ka daacada

Ana inan dar kaw galo

Dalabtaasi aan saxo

Danta iyo xaqiiqada

Soo hor dhigo dad waynaha

Dawbaan uleeyee

ninkii taasi diidaw

Adigiyo dad nimadaa

Anigiyo dul qaad kay

Shacab iyo damiirkii

Maxaa kuu diiday walaalkayoow in aad iiqirto in aan kaa wanagsanahay hadaan ahay midgan.? Maxaa diiday walaashayeey in aad itidhaah waad ila sinamtahay? Maxaa diiday hooyo in aan isoo dhawayso markaan inantaada kaa soo doonto? Maxaa diiday aabo in taan samatalis noqon waydo?

Hadad iihayso jawaab igu filan oo iqancisa, dhibkan wuu dhamaani hadii kle cuqubadani waxan noqon doontaa mid dhaxalkeeda aad maashaan waalin maanta dhaanta.

W/Q Qoraa: Hana Maxamud Nuur.

6 comments:

  1. Walaal haddii aad guur diyaar u tahay fadlan ila soo xiriir. mo7amed.jama@gmail.com

    ReplyDelete
  2. SOMALIA: : Soodhawoow Qolka AlRuqyah AlShariah Waxaad Nala Sooxariir Kartaa Telefoonka 0031686450011 Viber Tango Imo Whap skpye SOMALIA,ISLAMIC Telefoonka Xarunta leenka 003180396849 Washukran Soodhawoow Qolka AlRuqyah AlShariah Waxaad Nala Sooxariir Kartaa Telefoonka 0031686450011

    ReplyDelete
  3. waa Ayaan daro jirta waa maangaabnimo tii uGu lidatay dadku waa iman yihiin waxaana ay ukala sharaf badan yihiin sida ay illahay uGu kala dhawyihiin.......hadalku midaas weeye,

    ReplyDelete
  4. waa Ayaan daro jirta waa maangaabnimo tii uGu lidatay dadku waa iman yihiin waxaana ay ukala sharaf badan yihiin sida ay illahay uGu kala dhawyihiin.......hadalku midaas weeye,

    ReplyDelete
  5. waa Ayaan daro jirta waa maangaabnimo tii uGu lidatay dadku waa iman yihiin waxaana ay ukala sharaf badan yihiin sida ay illahay uGu kala dhawyihiin.......hadalku midaas weeye,

    ReplyDelete
  6. Walaalo waxad aad sheegto dhan waa run, lakin waxanu rajaynayna inanu badalno, waxanad tihin laf dhabarta wax soo saar ka somalida meel kastoy joogan, waanu qiranaa inad leedihin, Culimo,indheer garad,ood waliba tihin dad dulqaad badan, una dul qaatay somnali dhibteeda nockastaba ha aheete, walaalo hadalada aad tidhi aad iyo aad ayay iga oo hiyeen iina damqeen, ee waxan rajaynayaa ina waxa laga gudbi doono.

    ReplyDelete