SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Soomalidu Doofaarka iyo Khamriga miyay kala jecel yhiin ??

Iftiinkacusub.com: Somalidu waa dad Muslim ah sida la sheego 100% inkastoo malaha wakhtigan waxbadani ay isbadeleen;intii qurbaha iyo wadamada Gaalada lasoo galayna aad arkayso dad badan oo si toosa u cadaysanaaya Gaalnimadooda,inta qarsoonna maxaad u malayn.

Somalidu ma jecla ,mana cunto,caado iyo dhaqanna uma aha in ay cunto Hilibka Doofaarka,balse Khamriga iyo cabistiisa Somalida akteeda waxaa laga yabaa in uu yahay mid iska caadi ah oo aan sidaaba loogu fiirsan,marka wax laga sheegayo qofka cabbana waxa layidhaa , Hebel Khamriga ayuu cabbaa.

Labadan shay ee kala ah Doofaarka iyo Khamriga wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto,labadaba Ilahay ayaa xaraantinimeeyay,midkastana haddii la isticmaalo waa lagu naar galayaa waana lagu ciqaab mudanayaa.

Waxyaabaha aad ka iiga yaabiyay waxaa ka mida, intii aan qurbaha joogay wali maan arkin qof Somaliya oo ka caado dhiganaaya cunista hilibka Doofaarka,qofkasta waxa uu u yaqanaa wax xun oo aan loo dhawaan karin,in ay iibsadaan iska daaye waxa ay neceb yihiin aragiisa;waxa aan ka hadlayaa dhanka cunista.

Khamrigu inkastoo aynu wada og nahay in uu xaraan yahay,qofkasta oo cabaana uu la socdo in uu khalad iyo danbi uu ku jiro,haddana sida aynu Hilibka Doofaarka u neceb nahay cunistiisa iyo hadal hayntiisa ,waxa aad mooda in aanu Khamrigu inagu ahayn inta aan anigu maqlay ama aan arkay.

Waa maxay sababta labadan shay aynu u kala soocaynaa?iyada oo aynu la socono in midkastaba xaraantiisa Kitaabka lagu sheegay .Doofaarku agteena waa lama soo hadalqadaan.Khamruga se waxa aad arkaysaa qof maalin walba cabaaya oo dadkuna ay la macamilaan lana wada yaqaano.

Iftiinkacusub.com

 

No comments:

Post a Comment