SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qof dad lajooga isuna arka in uu cidlo joogo iyo qof cidla jooga oo isu arka in uu dad la joogo.

Halku dhigga qoraal kaygu maaha Halxidhaale,lakiin waa arin si xaqiiq ah aan usoo taab tay, una soo arkay,waana mid qofkastaaba uu dareemi karo hadduu u kuurgalo, ama uu qiimayn rasmiya ku sameeyo noloshiisa maalinkasta waxa uu la kulmo ama uu arko.

Qof dad la jooga oo haddana isu arka in uu cidla joogo!Waxa laga yabaa in dadka qaarkii ay halku dhigaygan ay la yabaan,iyaga oo iswaydiinaya su'aasha ah,sidee ayay suura gal u tahay in Qof dad nool oo nafi ku jirto la joogaa, haddana uu dareemo in uu cidla joogo!?

Aniga aragti ahaan su'aashasi jawaabteedu waa mid ila fudud,waxaana laga yabaa in dadka badankiisa aanu ku kala aragti duwanahay dad la jooga iyo dad weheshiga.Waxa aan aamin sanahay in muhiim aanay ahayn in aan dad la jooga ,tirada ay doonaan ha ahaadaane,balse waxaa ii muhiim ah in aan la joogo oo aan la rafiiqo dad noloshayda wax kusoo kordhinaaya,aqoon ,garaad iyo garashana igu soo biirinaaya .

Waxaa suura gal ah akhriste in aad maalinkasta dad la joogto,oo aadan marnaba dad la'aani aanay ku haynin;balse su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay ,dadkaasi aad la joogto ,intee in leeg ayaad maalin kasta wax kala faa'idaysataan?

Qof dad la jooga oo cidla jooga ,waxa aan u arkaa qof la jooga dad aanu waxba ka faa'iidayn,sida fadhi kudirir,cay,qaylo,buuq ,Xan ,goobaha Qayilada iyo waxyaabo kale oo dadkeena Somalida ah had iyo goor u caado ah ,hadaba qofka goobahaasi joogaa maxay ayay macna u samaynaysa dadka badan ee uu la joogaa ama agtiisa ka dhawaaqayaa,miyaanu noqonayn qof dad la jooga oo cidla jooga.

Qof cidla jooga oo dad la jooga"waa halku dhig aad u layaab badan,waxa dhici karta in ay dadka qaar macnayn kari wayaan,waxa dhici karta in dadka qaarkood ay isu qaban waydo kalmadani ," qof cidla jooga oo hadana dad la jooga","ma Jinbuu la joogaa" maya Jin lama joogo, waxa uu la joogaa aqoon iyo garasho,waxa uu la fadhiya dad uu wax ka faa'iidaayo,garaad iyo waaya'aragnimo uu ka korodhsanaayo.

Qof cidla jooga oo dad la jooga,waxa aan ku macnayn karayaa oo kale ,qof Buug ,Kidaab Quraana, Joornal wax faa'iido ahi ay ku qoran yihiin akhrisanaaya,daawanayaa ama dhagaysanaaya.

Cidla joognimadu maaha in dad aad la fadhiisato aad wayday;balse cidlada joognimadu runta ahi waxa ay tahay ,adoo la majaaliisa lana fadhiista malinkasta dad aan aqoon iyo garaad midna aan kugu kordhin karin .Maaha in aan qoralkaygan uga jeedo dadka yaan lala fadhiisan ama yaan lala majaaliisin,maaha muraadkaygu kaasi.

Waxa aan ogahay inanka yar ee Adhiga raacaa uu iiga aqoon badan yahay sida adhiga loo raaco,taas awadeed ayaan waxaan rabaa inankaasi yar sidii aan uga faa'idaysan lahaa,sababta oo ah waxa uu aqoon iyo garasho u leeyahay wax aanan anigu aqoon.

Qof dad la jooga haddana cidla jooga waxaa ka mida; dadka Heesaha iyo muusiga had iyo goor dhagaysta,lama yaqaano Heesaha iyo Muusiga wax laga faa'iido.Haddi aad tidhaahdo qof maanta oo dhan hees iyo Muusig dhagaysanaayay ii sheeg wixii aad ka faa'iday, way adag tahay in uu hal kalmad kuu sheego,waayo waxba kamuu faa'iidin aan ahayn madax wareer iyo wakhtilumis;markaa kaasi miyaanu ahayn qof dad la jooga oo hadana cidla jooga.

Somalidu waxa ay ku maahmaahi jirtay, Ilahow cidlo ha na joojin,anigu waxa aan aamin sanahay cidlada iyo wehel la'aantu waa marka aad dadka waxba kala faa'iidi waydaan,waxba isku soo kordhin waydaan,gar iyo garawshiiyo aqooneedna aad kala qaadan waydaan.

Baraha warbaahinta sida Websityada, Facebook,Twitter iyo Google iwm dhamaantooda waxa laga helaa waxyabo badan oo noloshaada wax ka badali kara haadii aad akhrisato.

Qof cidla joogaa oo dad la joogaa,waa qofka wax akhriya.

Qof dad la jooga oo hadana cidla jooga ,waa qofka had iyo goor Heesaha iyo muusiga dhagaysta, waa qofka fadhiya goobaha buuqa iyo qaylada badan ee fadhi-kudirirku ka socdo iwm.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

 

No comments:

Post a Comment