SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Ninkii Jannada diiday!

Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa inagoo cuskanayna Magacyadiisa iyo sifooyinkiisa wanaagsan, waxaan kale oon ku sallinaynaa Nabiga ugu danbeeyey Nabiyada ahaana Naxariista Caalmiinta waa Nabi Muxamed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato.

Sida uu warinayo Saxaabiga Anas ibnu Maalik, waxa jiray wiil yar oo agoon ahaa kana mid ahaa Ansaartii Magaalada Madiina, wiilkan yar waxa uu lahaa Beer barbarka ku haysa beer kale oo uu lahaa Nin Ansaariya.

Wiilkan waxa uu doonay inuu dhiso gidaar kala xidha labada beerood, kolkuu wiilkii dhisay gidaarkii ayaa waxa kasoo hor baxday geed Timir ahaa oo ku yaalay soohdinta u dhaxasa beertiisa iyo beerta Ninka kale ee ansaariga ahaa.

Wiilkii waxa uu utagay Ninkii beerta lahaa oo ku yidhi; Waxaan damcay inaan gidaar dhisto u dhaxeeya labada beerood balse waxa si kadis iiga soo hor baxay geed ku yaala soohdinta beertaada ee ama geedkan ii hibee aan ku darsado beertayda ama aan gooyo ama iga gad aan kaa iibsado? Ninkii wuxuu dhahay; May, kaa iibin maayo, kumana siinayo, geedkana goyn maysid. SubxaanaAllah.

Dabadeed labadii Nin oo is haysta ayaa u yimid Rasuulkii Ilaahay markaasuu wiilkii agoonka ahaa uga waramay arrintii. Nabiguna (N.N.K.H) waxa uu ku yidhi ninkii; Geedka sii wiilka, hadaad siisidna waxaad leedhay geed Jannada ku yaal. balse Ninkii waa diiday inuu bixiyo geedkii oo ku adkaysta inaan la jarin. Goobtaasna waxa joogay saxaabo badan oo ay ka midyihiin Abubakar, Cumar iyo AbuDaxdaax.

Abudaxdaax markuu arkay bandhigan wayn ee ciddii geedkaa bixisaa Jannada geed Timireed ku yeelanayso ayuu ku yidhi Rasuulkii Ilaahay; Rasuulkii Ilaahayow hadaan iibsado geedkan oon siiyo wiilkan ma ku yeelanayaa Jannada geed Timireed? Nabigu ; Haa ayuu ku yidhi.

Abudaxdaax ilaahay raali haka ahaade wuxuu u yeedhay ninkii bakhaylka ahaa kuna yidhi ; Hebelow, Ma garanaysaa Beertayda oo leh ceel biyood oo ay ka baxeen 600 oo geed Timireed markaasuu yidhi ninkii bakhaylka ahaa; Haa, sifiicanbaan u garanayaa, markaasuu yidhi Abudaxdaax; Beertayda siday u dhantahay qaado, laakiin wiilkan u hibee geedka soohdintaada ku taal ha dhamaystiro gidaarkiisee.

Ninkii bakhaylka ahaa wuu yaabay kolkaasuu yidhi; Markhati ma ka tihiin? Dadkii maqlayey ayaa yidhi ; Haa, maragbaan ka nahay. Ninkii bakhaylka ahaa intuu eegay wiilkii agoonka ahaa ayuu yidh; Iminkaan kuu hibeeyey geedkii ee dhamaystiro gidaarkaagii.

Abudaxdaax intuu fiiriyey Rasuulkii Eebe ayuu ku dhahay; Ilaahay Rasuulkiisow, iminka saw geed Timireed iima ahaanin Jannada dhexdeeda, waxaanu yidhi Nabigu; Farabadanaa inta geed Timireed waaweyn oo balaadhan Abudaxdaax ugu sugnaatay Jannada. Weedhaas ayuu Nabigu ku celceliyey.

kadibna waxa uu utagay haweenaydiisii iyo caruurtiisii oo ku cayaaraysa beertii ay abraarayeen mudo sanado badan ah, markaasuu u dhawaaqay xaaskiisii oo dhahay; Umu Daxdaaxeey kasoo bax adiga iyo caruurtuba beerta waan gadaye!! Gabadhii way yaabtay oo ku calaacashay; Ma waxaad iibisay beertii aan mudada dheer soo abqaalaynay? Abudaxdaax waxa uu dhahay; Umu daxdaaxey beer Jannada ku taal ayaan ku badalanay ee kasoo baxa beertii.

Gabadhii way faraxday oo dhahday; Waad ku guulaysatay iibkaas, wayna kasoo baxeen beertoodii ayagoo u hibeeyey Allah iyo Rasuulkiisa.

Dabcan Abudaxdaax, xaaskiisii iyo ubadkiisii way kasoo baxeen beertoodii ay ku tabceen mudo aad u dheer laakiin waxay ku guulaysteen Jannada Rabbi oo ballaceedu lamid yahay Todobada Samooyin iyo todobad dhulba.

Xigasho:gaaldiid.

No comments:

Post a Comment