SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso : Gaadhigayga ayaan Qabriga u qodayaa si aan Aakhiro ugu wato!

Waxkasta oo aad Adunka aragto, ama aad maqasho ha layaabin, illaa aad ogaato sababta iyo ujeedada ugu muhiimsan ee looga joodo ama loo sameeyay .Waxaa dhici karta in waxyaabahaasi cusub ee lasoo bandhigay ay raad iyo taariikh ku leeyihiin waxyaabo hore oo lasoo maray. 

In qof caqli iyo garaad uu ku jiro uu aasaa isla markana uu Xabalaa hantidiisa uu iska leeyahay, maaha mid nolosha Bini'aadmiga ku cusub ama wakhtigan casriga ah soo baxday.Xiliyadii iyo taarikhii hore dhamaanteed qofkasta oo geeriyooda hantidiisa iyo xoolaha uu leeyahay waa lala aasi jiray ,Qabriga ayaana lala dhigi jiray.

Hadaba wakhti aan iminka sidaasi usii badnayn ayaa nin maalqabeen ahaa oo u dhashay wadanka Baraziil ,ayaa waxa uu baraha warbaahinta soo dhigay sawiro muujinaaya isaga oo xabaalaaya isla markaana Qabri u qoodaaya gadhigii uu lahaa,taasi oo markii la way diiyay sababta uu sidan u yeelaayana ku sheegay  in uu doonaayo in uu Akhiro ku wato.

Hadaba ninkan oo lagu magacaabo Chinquinho Scarpa cimrigiisuna uu yahay 62 sano,ayaa waxa uu sheegay sababta uu sidan u yeelay in ay tahay,isagoo sheegay in uu jinsiyad ahaan kasoo jeedo Faraaciintii reer Masar,uu sheegay in ayhantidooda lala aasi jiray, marka ay Dhintaan;taas awgeed ayuu yidhi ayaan u go'aan saday in an Baabuurkayga qaaliga ah in aan aaso si uu Aakhiro iiga sii horeeyo uguna wato.
 
Qofka Muslimka ahi waxa uu og yahay in arintani oo kale qofka samaynayaa uu yahay mid jaahil ah, ,sababta oo ah Adanaha isugu taga daarta Aakhiro,laba ayuunbay u qabsamayaan,qolo ehelu Janno ah iyo qolo cadaabta Ilahay ku jirta,Rabbi haynaga badbaadiyee.
 
Dadka ehelu Janada ahi uma baahna Babuur,Diyaarad iwm,sababta oo ah labadaasi maha kuwo lagu raaxaysto, balse waxa ay ahayeen kuwo intii Dunida la joogay dadku uu danahooda ku qabsanaayay,sida aad labadada luguudba ugu socoto.
 
Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment