SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah:Taladii ciqaabta ahayd!

Iftiinkacusub.com: Madaxwayne digtatoori ah,dadkisuna aanay jeclayn,nacayb iyo calool xumana ay u qaadeen,cabsi iyo argagaxna ku maamula ,niyadjab aad u badana uga gaystay dhinac kasta oo nolosha ka mida,ayaa waxa uu damcay in uu wiil uu dhalay u tababaro marka uu dhinto sidii uu dalka u maamuli lahaa.

Waxaa uu maalin maalmaha ka mida uu u yeedhay inankisii,waxa uu ku yidhi,"aabo waxa aan ku siinayaa dardaaran, waxa aan rabaa in aad tababar iyo aqoon aad usoo qaadato sidii aad dadkan iyo dalkan dabaday u xukumi lahayd,inankii yaraana waa uu ka yeelay taladii Aabihii siiyay.

Madaxwaynahii dardaarankii uu inankiisa siiyay ka bacdi ,waxa uu u geeyay Wiilkii nin macalin ah,aqoon iyo garashana uu Ilahay siiyay,kaasi oo la odhan karo waxa uu ka mid tahay dadka deegaankasi ugu garashada fiican.

Madaxwaynahii waxa uu kaxeeyay wiilkisii ,waxaanu gacanta ka saaray Macalinkii uu la damacsanaa in uu wax u baro,isaga oo u sheegay Macalinkii in uu inankiisan la rabo in uu talada ka dhaxlo marka uu dhinto.

Inankii dhalinyarada ahaa waxa uu maalintiiba bilaabay sidii uu ninkan aqoon yahanka ah ee Aabihii u geeyay uu casharo uga baran lahaa,waxa uu soo qaatay Buugaagtii iyo Qalinkii wax lagu bari lahaa,waxa uu u tagay macalinkii oo sugaya.

Macalinkii markii uu wiilkii Madaxwanahu uu dhalay uu u yimi hortiisana soo istaagay ,waxa uu ku tufay candhuuf,haddana mar labaad ayuu ku celiyay ,dhirbaaxana waa uu u raaciyay,intaasi wixii ka danbeeyayna meel cadceed ah ayuu fadhiisiiyay.

Markii la gaadhay xiligii Qadada,ayaa la soo fasaxay Ininkii,waxa uu usoo caraabay gurigii uu ku noola,intii uu dhexda kusoo jiray waxaa maskaxdiisu ay qaadan wayday Macalinkan la rabay in uu wax baro ee ku bilaabay waxyabaha aanu ka filayn;balse cidna uma sheegin ee waa uu iska aamusay.

Maalintii labaad ayaa waxa uu ku noqday macalinkii si uu wax uga soo barto ;waxa uu yimi halkii uu Macalinku joogay,Macalinkii waxa uu ardaygii uu Madaxwaynu dhalay uu ku khasbay in uu maanta u heeso ,waxa uu ku yidhi "waxa aan maanta kaa codsanayaa ii hees,ugu yaraana sadax sacadood heestaasi ha socoto hana fadhiisan.

Yarkii heestii uu macalinku ka doonaayay ayuu sarajooga ku qaaday, isaga oo aan haldaqiiqo aan fadhiisan,hal Koob oo Biya ahna aan cabin,markii heestii uu dhameeyayna,waxa loo sheegay in uu iska dago uu gurigii reerkeeda uu tago fasaxna uu yahay .

Yaab iyo amakaag ayaa wiilkii dhalinyarada ahaa ku bilaabmay,waxa uu la yaaban yahay Macalinkan sidan ula dhaqmaaya,hadana iyada oo ay sidaasi tahay,ayaa macalinku markasta waxa uu ku yidhiihda Ardaygiisan yar, waxaa kuu hadhay casharadii ugu fiicnaa,taas awadeed ayaa waxa uu u maleeyay in laga bixidoono ciqaabtan iyo dhibatadan,loona bilaabi doono sidii uu filaayay casharo wax ku ool ah oo uu umada hadhaw ku hogaamin doono.

Maalintii sadaxaad ,waxa uu Ardaygii u yimi macalinkii,kadibna macalinkii inta uu ardaygii u yeedhay ayaa waxa uu ku xidhay hal qol oo faaruqa,waxaanu kasoo saaray wakhtigii la gaadhay Qadada,kadibna waxa uu Macalinkii Ardaygii ku yidhi orod oo gurigiinii tag ,sidii oo Xabsi laga siidayay ayuu orod isasii daayay.

Haddii Ardaygu dhibta uu Macalinku hayo uu u sheegi lahaa Aabihii ,waxa uu ka baqday madamaa uu Abihii yahay Madaxwaynaha dalka kuna og yahay, macangagnimo iyo axmaqnimo dheeraada waxa uu ka cabsanayaa in uu macalinka dilo.taas awadeedna waa uu iska aamusay,casharadiisa ciqaabta ahna waa uu iska qaataa.

Maalin kale oo maalmaha ka mida ayaa Ardaygii waxa uu yimi halkii Macalinkiisu uu joogay,kadibna waxaa sidii caadada ahayd u yeedhay macalinkii,waxa uu ku amray in uu maanta nadiifiyo kana shaqeeyo dhamaan gurigiisa,markii uu hawshii nadafada uu dhameeyayna,arkayna macalinkii in uu Ardaygii gaajoonaayo,ayaa waxa uu u keenay saxni Qado ah,markii uu halmar qaatay ayaa inta uu ka qaaday Macalinkii waxa uu siiyay dhalinyaro kale oo aan iyagu u baahnayn oo dharag la ciiraaya.

Hadaba iyada oo xaalkii wiilkii dhalinyarada ahaa uu halkaasi maraayo ,ayaa waxaa si kadisa ah u dhintay Madaxwaynahii dalka,ahna Aabihii wiilkayn yar dhalay .Waxa ay taladii dalku kusoo muruxsatay ninkii dhalinyarada aha ee uu Madaxwaynaha geeriyooday uu dhalay ,waxaa loo caleema saaray sidii uu Madaxwaynaha dalka u noqon lahaa.

Muddo xilka markii uu yarkii hayay,ayaa waxa uu soo xasuustay maskaxdiisana kusoo dhacday macalinkii sida arxan darada ah ula dhaqmi jiray ee Aabihii waagii u geeyay,kadibna inta uu Askartisii u yeedhay ayaa waxa uu yidhi waxa aad tagtaan Tuulo heblaayo waxa aad isaa qabataan dhakhso ,ninka magacaasi leh ee macalinka ah;isaga oo doonaaya in uu ka aargoosto.

Askartii waxa ay radiyeen ninkii waanay soo helen, kadibna waxa ay u keeneen Madaxwaynahii isaga oo jeebaysan(xidhxidhan).Markii macalinkii loosoo galiyay qolkii uu Madaxwaynahu fadhiyay ,ayaa Madaxwaynahii waxa uu macalinkii ku yidhi isaga oo u cadhaysan "ma i garanaysaa"?macalinkii waxa uu ugu jawaabay "haaaa nacam ,sidee ayaanan kuu garanayn, saw matihid inankii yaraa ee uu Madaxwaynahu dhalay ,la iiguna keenay in aan wax baro,casharadii fiicnaana aan siiyay"!!

Yaab iyo amakaag ,Madaxwaynahii ayaa qosol gariiray "kkkkk ma casharo fiican ayaan siin jirtay mise waa aad i ciqaabi jirtay oo aad i dili jirtay maalinkasta............."! "Ma ii sheegi kartaa sababtii aad ii cadaadin jirtay markii waxbarashada la iigu kaa keenay"?maxaadse i bartay ee aan kaa faa'iiday aan ahayn, in aad i disho,i caydo,haraad iyo gaajo aad maalmaha qaar igu eegto, waliba ii hees aad igu tidhaahdo ,saw ma ogid hadda in aan aniguna kaa aargoosan karo kuna xidhi karo ama ku dili karo................."!

Macalinkii markii uu arkay Madaxwaynahii dhalintayaraa in uu cadhooday ,kursigana kor uga kacaya ,ayaa waxa uu damcay in uu bilaabo sharaxadna uu ka bixiyo sababahii uu sidaasi u yeelay.

Waxaanu Madaxwaynahii u sheegay in casharadii dhibaatada uu u malaynayay ay ahayd ,in uu baro isla markaana uu dareen siiyo,xumaanta,dhibaatada iyo adoonsiga uu Aabihii uu dadka iyo dalka ku hayay in ay la mid tahay taasi oo kale.

Waxaanu ku yidhi:-

Madaxwayne waxa aan ku tusaayay sida uu Aabahaa dadka uu xukumo ulana dhaqmaa in ay sidaasi tahay,waxa aan ku tusaayay Abahaa sida uu dadka u ciqaabo,waxa aan ku tusaayay abahaa sida uu masaakiinta hantidooda uga dhaco una siiyo kuwo dibiray oo aan u baahnayn,waxa aan ku tusaayay sida uu abahaa dad u yidhaahdo maanta oo dhan ii heesa oo aniga ii taagnaada Cedceeda ,waxa aan ku tusaayay oo dhami waxa ay ahayeen casharadii Aabaha uu dalka ku xukumaayay.

Macalinkii isaga oo hadalkisii sii wata ayaa waxa uu ku yidhi Madaxwaynahii ,casharadaasi aan ku siiyay saw umaad arkayn in ay yihiin ,tacadi, dhibaato,gumaysi iyo dulmi aan adiga kugu sameeyay,bal ka waran hadii intaasba uu Aabaha dadka ku hayay hadana ay dulqaadanayeen!

Madaxwaynahii yaraa runtii aad ayuu ula yaabay arimahan uu Macalinku ka hadlay,Madaxwaynahii waxa uu garawsaday in ay xaqiiq tahay in Aabihii dhibatada intan leeg uu dadka ku hayay,Madaxwaynahii waxa uu ogaaday in dhibtii yarayd ee uu isagu Macalinka kala soo kulmay ayamahii koobnaa,ay ka badan tahay kana xanuun badan tahay middi ay dad waynahu Abihii kala soo kulmeen Sanadahii uu xukumaayay.

Madaxwaynahii dhalinta yaraa,waxa uu hadal kusoo gunaanaday"Macalin laga bilaabo maanta waxa aad ii tahay dadka talada iyo aqoonta aan ka qaadan doono,waxaanan kaaga mahad celinayaa sida fiican ee aad isoo tababartay, adiga oo uga jeeday in aad i dareen siiso ,xanuunka uu leeyahay dulmiga iyo dhibatada dadka loo gaystaa inta ay leeg tahay marka la xukumaayo..

Halkaasi ayaa macalinkii iyo Madaxwaynahii ay ku saxiibeen kuna wada shaqeeyeen.

Iftiinkacusub.com

W/Q:Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment